Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Post by Siciid85 »

Ceerigaabo=Isusoo-baxa Ugu Danbeeyey ee Taageerayaalka Xisbiga UCID iyo Feysal Cali Waraabe oo Ka Qayb galay

CEERIGAABO(OODWEYNENEWS)- Guud ahaan manta oo ay ugu dnbaysey maalmihii loo cayimay isusoobaxyada dhammaan axsaabta qaranka Somaliland ee ku waajahan ololaha doorashadan madaxtooyada Somaliland ee labada casho keli ahi ka hadhsan tahay ayaa waxa nasiib u yeeshay taageerayaalka xisbiga Ucid oo isugu soo baxay dhammaan fagaarayaalka gobollada Somaliland islamarkaasna guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng-Feysal Cali Waraabe gobol kastaba isagoo wata diyaarad khaas ah uu taageerayaalkiisa kala qayb galay isusoo baxoodan ugu danbeeyey kalana hadlay fagaarayaashooda. Taasi oo ay qayb ka tahay duullimaadkiisii ugu horreeyey oo Feysal Cali Waraabe iyo weftigiisu subaxnimadii saaka (arbaca) kazoo degeen garoonka diyaaraduhu ka hadaan ee magaala-madaxda gobolka Sanaag Ceerigaabo

Image

Guddoomiyaha Ucid Feysal Cali Waraabe iyo weftigiisa oo ay goobtaas diyaar ugu ahaayeen guddoomiyaha Ucid gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur xubno sar-sare oo xisbigan ah iyo weliba taageerayaal badan ayaa islamarkiiba waxa madaarka looga soo hor kacay dhinaca fagaaraha beerta xorriyadda ee Ceerigaabo oo ay buuxiyeen taageerayaalka Ucid ee kasokow maalintooda ugu danbaysey haddana si weyn ugu sii diyaar garoobey guddoomiyahooda booqashada gaaban ugu yimid

Image

agaarahan beerta xorriyadda Ceerigaabo oo markii Eng-Feysal iyo weftigiisu kusoo xeroodeen sawaxanka iyo sacabka taageerayaalkiisu kusoo dhowaynayeen meel fog laga maqlayey ayaa waxa mikroofoonka guddoomiyiisa ahna murashaxa madaxweynennimo ee xisbigan Ucid kusoo dhoweeyey guddoomiyaha xisbigan ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur waxana hadalladiisii ka mid ahaa
“Madaxweyne kusoo dhowow magaala-madaxda gobolka Sanaag iyo fagaarahan taageerayaalkaagu isugu soo bexeen ee bacadka iyo dabaysha adiga dartaa u taagnaayeen”.

Image
“Walaalayaal aad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa sida weyn ee aad halkan isugu soo baxdeen una muujiseen taageeradiinna xisbiga Ucid”. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay guddoomiyaha xisbiga Ucid ahna murashaxa madaxweynaha Eng-Feysal Cali Waraabe. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Walaalayaal waxa nasiib wanaag ah in manta aannu halkan idiinku nimaadno iyadoo aannu idiinku nimid in aad ogaataan haddii aannu xukunka ku guulaysanno in aad ogaataan gobolka Sanaag in aanu go’doon noqon doonin”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Walaalayaal doorashadan haddii aynu ku guulaysanno waxannu dhisi doonnaa xukuumad kooban oo aan ka badnayn 16 wasiir waxannuna dalka ku xukumi doonnaa shareecadda islaamka qabiilka iyo qolo-qoladana waa layska dhaafayaa”. Isagoo dhinaca axsaabta kale ay tartamayaan ka hadlayana wuxu yidhi “Walaalayaal axsaabta kale ee innala tartamaysa Udub dalka waxba uma qaban hantidii ummaddana way lunsadeen Kulmiyen waa Bahala-galeen”. Hadalkaas oo taageerayaalkii tirade badnaa si weyn ugu sacab tumeen. Ugu danbayn Eng-Feysal wuxu intaas kusii daray “Walaalayaal dardaarankeennu waa 26-ka June iyo codkiinna oo Ucid aad siisaan si aynu xukunka manta jira meesha uga tuurno oo isbeddel uga samayno Somaliland”.
Image
Intaas kaddib Eng-Feysal Cali Waraabe iyo weftigiisa oo mar kale ay sii gelbiyeen Guddoomiyaha Ucid gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur iyo mas’uuliyiin kale oo xisbigan ka tirsani ayaa waxay dib uga duuleen gegida diyaaradaha magaalada Ceerigaabo. Waxana taageerayaalka faraha badan ee isu soo baxay iyagoo lug iyo gaadiidba adeegsanaya kusoo wareegeen suuqyada waaweyn ee magaalada Ceerigaabo. Iyadoo guud ahaan jawiga isusoo baxan ugu danbeeyey ee taageerayaalka Ucid ka sameeyeen magaalada Ceerigaabo uu kusoo gebageboobey jawi xasilloon iyo nabadgelyo.


Dhinaca kalena isla galabnimadii ayaa kooxo ka tirsan Aqoonyahanka ku dhaqan gobolka Sanaag oo Shir ballaadhan ku qabtay Xarunta Mahuraan ee magaalada Ceerigaabo waxay iyaguna halkaas kazoo saareen baaq ballaadhan oo ku saabsan taageerada iyo in ay codkooda siin doonaan Xisbiga Ucid ee uu gudddoomiyaha iyo murashaxa madaxweynaha ka yahay Eng-Feysal Cali Waraabe.


OODWEYNENEWS.COM

CEERIGAABO
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Post by The_Emperior5 »

i am loving how ucid will steal all the udub votes :D :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Post by Siciid85 »

Emperior, not only UDUB they will also lure some amount of voters from kulmiye especially H.Y.
Last edited by Siciid85 on Thu Jun 24, 2010 8:09 am, edited 1 time in total.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Post by The_Emperior5 »

Siciid85 wrote:Emperior, not only UDUB they will also steal kulmiye votes.
Kulmiye voters are secure , my political aim is inanu rayaale iyo udub so noqon :mrgreen: :up:

ucid well done
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Post by grandpakhalif »

mashallah guul mujahid guul :up: :D
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Muj.Faysal gives historic speech in Erigavo

Post by Siciid85 »

Emperior,we will see.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”