Civil War erupts in Puntland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Civil War erupts in Puntland

Post by LiQaaye_TDH »

Waxaa deegaanka Uur-jire oo hoostagta degmada Rako ee gobolka Karkaar markale ka bilowday dagaal beeleed u dhexeeya beelo walaalo ah oo wada dega gobolka Karkaar ee Puntland,beelahaan oo dhowr jeer oo hore dagaalamay ayaa waxaa uu dagaalkoodu ku salaysanyahay isku qabqabsay lahaanshaha dhul Daaqsimeed ay ceelal biyood kamid yihiin.

Dagaalkan u dhexeeya labadan Beelood oo shalay gelinkii danbe bilowday ayaa ay khasaarihiisu yartahay,waxaana maamulka gobolka Karkaar ee dawlada Puntland qaarkatirsan saraakiishooda dhanka amaanku ay APL u sheegeen in ay halkaas ciidamo kala dhexdhigeen islamarkaasna ay imika xaaladu ku dhowdahay inay caadigeedii kusoo laabato islamarkaasna ay dhamaadaan waxyaabahaya yar yar ee jira.

Saraakiisha Amaanka ee gobolka Kaarkaar waxay ku baaqeen in labadan beelood ee walaaha ahi ay xaalada caadi kusoo celiyaan,waxayna Isimada Puntland ka codsadeen in si deg deg ah ay beelahan u dhexdhigaan heshiis ay ku kala nabad galaan kadib markii ay burbureen kuwo horay ay uwada gaareen.

Dhanka kale Isimada Puntland ayaa ku baaqay si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedkan soo noqnoday oo u dhexeeya beelahan Ul & diirkeeda isku ah,waxayna isimadu ku baaqeen in la ilaaliyo wada degenaanshaha & Walaaltinimada u dhaxaysa labadan beelood & guud ahaanba dadka reer Puntland oo ay beelahani ku abtirsadaan.

Waxaa si gaar ah dagaal beeleedkan ugu hadlay Boqortooyada beelweynta Daarood, iyadoo Boqorka beelaha Daarood Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo xafiiskiisu arintan ka hadlay uu ku baaqay in si deg deg ah xaalada loo dejiyo islamarkaasna ay beelahan u hogaan samaan xabad joojin deg deg ah oo uu Boqorku ku baaqay,wuxuuna sidoo kale Boqorku sheegey in la fuliyo laguna dhaqmo heshiisyadii horay ujiray.
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Civil War erupts in Puntland

Post by paidmonk »

Two MJs throw rocks at each other with zero casualties and its a civil war?

Meanwhile iidoors slaughtered a Gadabursi caravan and police are killing iidoor political rioters and its just a skirmish? :|
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Civil War erupts in Puntland

Post by SahanGalbeed »

Ilaahey ha kala qabto . Classic nomadic incident , nothing big !
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Civil War erupts in Puntland

Post by Siciid85 »

I don't understand how this belongs to somaliland section? is puntland part of somaliland?
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Civil War erupts in Puntland

Post by Khalid Ali »

siciid manad ogayn liqaaye marku silanyo ku guuleysto he wants to attack the pirate state sii dhakso ah :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”