hanqadh wrote:Koohi waa runtaa fikradaa ma diidani, anigu waxaan kaalid u sheegay war somalilaan hadaad rabtiin idinku dee qof idin hor istaagsan baana jirin laakiin intaad raadinaysiin ictraaf dad raba inay somaliya ka mid ahaadaan baa Joogeeee ha afduubanina.
waxaan horta aaminsanahay Somali dhamaan in hal calan haday suurta gal noqoto inay maalin uun ku wada dhaartaan, waa riyo aana hada la rumeysan karin laakiin fundementally waa aamin aan qabo.Somalilan iyadu fursad bay haysataa oo maanta iyadaa dadka dhex dhigi karta nabad oo in badan soo celin karta kartidii dowlada somaliyeed, laakiin iyagay ku xidhan tahay.Anigu hadaan Ogadenia ahay waan qirtay inaan magac gumeysi wato laakin waxaan ku dhaartay inaan la diririo magacaas, maalintaan xor noqdana shacabkeygu magucuu rabo dooran.
Somaliyaa loo yimid, Koohi in yar isug Libooye ilaa Kismaayo maamul xalaal ah baa ka dhalan wakhti aad u dhow.
Hanqadh shacabka somaliland way go aansadeen somalilandnimadooda , Somaliweyn wey tijaaabiyen wey ku dayeen wey shaqeyn weyday marka wax shaqeyneyo ayaa la sameyaa marka ugu horeyso., Anigu hada ku odhan mayo reer ogadenia qaar ba diidan halganka oo rabba inay xabashi ka mid ahaadaan shacab ba jira shacabkuna majoritigysu wuxu rabba inu ka xoroobo Xabashida marka dee wa shay aad u qurux baddan inkastow ay jiran shakhsiayad Ethiopianka u adeega taasina , dadka masirkooda lugu xidhi mayo, Somaliland na wa sidaso kalle wa umad tashaday oo hanaanki dawladinimo dimuqradiyad iyo nabbada qarrankooda ka shaqeye, Anigu xita waxan aminsanahay haday ogadenia xorowdo inanay somaliya wxba ku darsanayn adigu na waad ogtahay aniguna waan ogahay , marka maxaynu iskugu walayna somali Siyasadeed oo aaan jirin?
Somali wa umad geeska afkrika ku dhaqan oo dallal fara badan dagan Djibouti Somaliland Ogaden Somalia.
maha wax aynu siyasada ku walaqno