Anooga ah Beel degaan ahaan ku nool Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale, ahna dad walaalo ah oo wada dhashay, Markii aan aragnay xaalada uu ku sugan yahay wadankeenii Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka aan degaan ahaan ku nool nahay oo aan la kulanay dhacdooyin badan oo Aakhiro iyo Aduunba saameyn nagu leh xag Diin ahaaneed iyo xag dhaqanba, ayna lama huraan tahay in tilaabo kasta oo Aduunkaan kaa hortimaada loo celiyo Diinteena xaniifka ah markasta iyo meelkastaba.
Anaga oo dhowrayna waajibaadka iyo xuquuqda uu Allaah (SWT) nasaaray, kana dheeraanayna in aan Aduunkaan cid ku dulmino ama ay nagu dulmiso, Wadatashi dheer oo ay yeesheen Nabadoonada, Odoyaasha, Culumada, Caaqilada, Aqoonyahanada Haweenka iyo Dhalinyarta Beesha ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka dib waxaan kala saxiixanay:
In arrinkasta ama dhacdo kasta oo nagu timaada aan ku meel marino sida Diinteena Islaamka ee xaniif ka ahi na farayso in loo meelmariyo, sababtoo ah taasi waxay nasiinaysaa in aan helno raali ahaanshaha Allaah (SWT) Aakhiro iyo Aduunba.
Hadaba waxaan ogeysiinaynaa dhamaan dadka Muslimiinta ah gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed ee aan ku walaalownay Muslimnimada iyo degaankaba in dhacdo kasta oo xageena ka timaada ama xagooda nooga timaada (Dhimasho, Dhiig, Dhaawac iyo Dhib kaleba) aan ku meelmarinayno sida shareecada Islaamku farayso, Allaah (SWT) waxa uu ku leeyahay Quraankiisa:
(وكتبنا عليهم فيها أنّ النّفس بالنّفس والعين بالعين والأنف بالأنف والأذن بالأذن والسنّ بالسنّ والجروح قصاص فمن تصدق به فهو كفّارة له ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولآئك هم الظّالمون)، سورة المائدة، الآية: [45].
قال الله تعالى: "فاحكم بينهم بما أنزل الله ولا تتّبع أهوائهم عمّا جاءك من الحق لكلّ جعلنا منكم شرعة ومنهاجاً" .... سورة المائدة، من الآية: [48].
وقال تعالى: "وما اختلفتم فيه من شيء فحكمه إلى الله" .... سورة الشورى، من الآية: [10].
Aayadaas Hore oo micnaheedu yahay ( Waxaan ku waajib yeelnay dadkii in naf naf loo gooyo ama loo dilo, ilna il loo rido, sanna san loo gooyo, dhegna dheg loo jaro, carrabna carrab loo gooyo, dhaawacyadana lakala aargoosto, Qofkii sadaqaysta oo iska dhaafana ay danbi dhaaf u tahay, Qofkii aan Alle (sw) wuxuu dejiyey wax ku xukumina waa Daalim).
Fulinta iyo meelmarinta go'aankaas wuxuu qabanayaa qof kasta oo u dhashay beeshaas meel kastaba aduunka haka joogee ama dhibka isagu hageysto ama haloogeystee, wuxuuna dhaqan galinta heshiiskaas bilaamayaa marka ugu horeysa ee la faafiyo lana ogeysiiyo dadka hadba sidii suuro gal ah in lagu ogeysiiyo, waxaa saxiixay meel marinta go'aankaas Nabadoonada, Culumada, Caaqilada, Aqoonyahanada Haweenka iyo dhalinyarada beeshaas ee xoos ku xusan:
1- Nabadoon Odowaa Xirsi Ciye.
2- Nabadoon Xuseen Faarax Maxamuud.
3- Nabadoon Birmad Cigaal Ciye.
4- Nabadoon Odowaa Xaashi Warsame.
5- Nabadoon Xassan Faarax Ciye.
6- Nabadoon Jaamac Cigaal Ciye.
7- Nabadoon Sheekh C/risaaq Xuseen Faarax Seed.
8- Caaqil Cilmi Siyaad Ciye.
9- Caaqil Cabdi Maxamuud Cigaal.
10- Caaqil Cabdi Faarax Maxamuud (Jabbiin).
11- Caaqil Cumar Diiriye Cigaal.
12- Caaqil Cabdi Diiriye Cigaal (Abuu Ciisa).
13- Caaqil Bicir Maxamuud Cigaal.
14- Dr Sheekh Cabdicaziiz Cabdi faarax.
15- Sheekh Shariif Siyaad Ciye.
16- Sheekh Saciid Birmad Cigaal Ciye.
17- Sheekh Axmed Maxamed faarah.
18- Sheekh Cabdixakiin Xuseen Faarax Seed.
19- Sheekh Cisman Diiriye Cigaal.
20- Sheekh Cabdullaahi Birmad Cigaal.
21- C/weli Maxamud Maxamed.
22- Mahad Axmed Nuur.
23- Xabiib Birmad Cigaal.
24- Deeqo Siyaad Ciye.
25- Ismahaan Maxamed Diiriye.
26- Sahro Xuseen Faarax Seed.
27- Aamino Maxamuud Cigaal Ciye.
28- Falis Cumar Xaashi.
29- Baarliin Axmednuur Faarax Seed.
Anagoo somalinetters ah waxaanu leehanahay inaan Hiil iyo hoob niila garabtaaganahey beesha sadoow marhadaad shareecada allaah (swt) qaadateen,
Waa beel Geesiyad ah maadaama Qabuura Galeenkii dhexdooda ayaga oo jooga ay ku dhawaaqeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka. wa billaahi towfiiq.
BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- guhad122
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4958
- Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
- Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!
Re: BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale
Beeshu ma hal qoys baa "Ciye" badanaa?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32790
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale
guhad122 wrote:Beeshu ma hal qoys baa "Ciye" badanaa?
- new-york24
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2800
- Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
- Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO
Re: BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale
Waan niman moqif leh
moryaanimo hadeey noqoto ama diinta in loo gargaaro waa niman dhinac kasoo wada jeesto.Unlike some people we know who are loosers all around aan hal mooqif laheen sida arigana is dhex yaaca.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 578 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 12 Replies
- 727 Views
-
Last post by Salahuddiin
-
- 5 Replies
- 1087 Views
-
Last post by quark
-
- 4 Replies
- 1577 Views
-
Last post by Murax
-
- 32 Replies
- 9768 Views
-
Last post by snoop12
-
- 0 Replies
- 307 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 641 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 4 Replies
- 808 Views
-
Last post by Kalashnikov
-
- 9 Replies
- 676 Views
-
Last post by xoogSADE14