garad13 wrote:udun wrote:garad13 wrote:Udun inadeer waxaan uu malanaya inaad ogtahay inay Puntland weligeed kusoo noqonayn Las Anod Shacab Somaliland tageersan iyo in SSC tageersan ba jooga oo cid Puntland soo hadal qada baa ma joogan. Dadka reer lasanod 9 years oo bila hormar bay soo mareen intay Puntland mesha ka talinasya which is the main reason Somaliland loo so dhoweeyay Puntlandna laa eryay. Issaq may eryin Puntland dhulbahante baa eryay walaal koley waa la socota hadaad tahay nin dhulbahante ah oo diidsan mamulka Somaliland SSC maxaa kugu diray inadeer Puntland far qaadi mayso way ogtahay inay shacabka las anod inay diidsan yihin Puntland. Dhulbahante keenay Somaliland oo uu yeedhay walaal dhulbahante uun ba ka sarreya hadday manta hoogan dhisteen oo cidan urursadeen inad tageertid wayaan waajib bay ku tahay. Just my two cents
I think we should give the credit where its due. Laascaanood waxaa qabsatay SL oo ka talisa, just look at the head of police in Laaska. He is not even Dhulbahante. The place is run by a guy named Col. Dhancadde. Ma rag baynu libintooda sheeganaa, ninkii reerka ah ee la socdayna waa nin shaqaale u ah SL, waa markaynu xaqiiqada ka hadalno. SL president can fire and replace any one he wants in Laaska, well tell me now it is run by Dhulbahante?
For SSC Hogaanka trick, it is just a dream; otherwise, tell me why its supporters did not lift its finger when SL army is in the heart of Hawd? Are we kidding ourselves?
If reer Laascaanood don't want PL, do you think in PL isku dhejinayso? Meeshii laga rabona way joogi, meeshii aan dadkeenu rabina isku hawli mayso.
Mid baase wax lala yaabo ah oo ah meeshan LA rag baa qabsaday oo ka taliya waana la yaqaaana yaan inagu riwaayad isula imaan.
Udun horta dhulbahante rag la haysan karo ama la gumaysan karo maha ruunta aan isku sheegno rag ba hor bodayay mamulka Somaliland oo weli meesha ku hasyta, iyo nin wasir ah oo mamul uu shaqeeya amar bu qata hadday somaliland ama puntland tahay Abdisamadka puntland ba amar wu qata ininadeer. Xaga hawdka na way iska baxayan somaliland ciidanka jooga na waxa wata Canbashe kollay waa la socota oo dhulbahante bay uu badan yihin. Dhancadde ciidamada bariga oo dhan bu taliye uu yahay las anod keliya maha Issaq ina farta loogu fiiqo maha oo internal issues within dhulbahante need to be resolved. Runta sidee tahay waxa weeyan meesha mamul ba jooga oo cid ay so magacowday way eryayi karta mamul kasta ha ahatee. Rag bay dhabtooda ku fadhiyan oo uu ogol inay lasanod joogan ciddamada Somaliland ila internal issueska la xalinayo way joogayaan inadeer. Cidamada widhwidh joogta way iska tagi donaan oo las anod bay ku noqoniyan hadday nabad ama dagaal ku tagganba reer guled garad way tashatay oo meel ay shacabkeeda diidsan yihin mamul shiseeye joogo karo mayso inadeer.
Inaadeer mar haddii ay maamul meel haysto cidii doonaa ha ku xidhnaato laakiin iyagaa ka dawlada, waxay doonaan bayna ka samayn karaan nin ka tirsan oo mushahaar qaataa wax weyn ma aha, xaqiiqadu waxaa weeye mashruuca ilaa Guumeys soo socday ilaa Laaska ilaa dhinaca Hawdka iyo meeshii ay tagaanba iyagaa is wada qorshe ay leeyihiin bayna ku socdaan, maanta ka inaga ah ee la joogaa hadduu ka tago, berina nin kale bay u yeedhan markaa iyagaa is wada. Tusaale waxaa kuugu filan markii rag inaga ah oo u dagaalamayey SL markaa Laaska ay qabsanayeen ay markii danbe ka baxsadeen oo xagaas iyo Garoowe bay u baxsadeen. Markii danbena waxay ka qayb galeen shirkii Nairobi ee kooxdaan SSC lagu dhisay, haddana markay dhulkeena kusoo noqdeen oo ay tageen tuulooyin reerku degaan in laga soo qabtay oo weliba jeelka Mandheera loo dhaadhiciyey. Markaa inaadeer arrinka halkaa gaadhey yaynaan odhan inagaa meesha ku hayna. Iyadaa is haysa SL oo meesha is keentay iyadaana is wada Alle ka sokow.
Tan Hawdka, haddii ay reerka u badan yihiin yaa marka masuuladeeda qaadaya marka wixii ku dhacay reer Widhwidh waayo wixii ka dhacay waynu ognahay? Kuweenu way la socdaan waxaana maqlay waa 300 kuwa reerka ahi kuwa kalena waa 370. Ninka wataa ma aha Mahad Canbaashe, warkaan hayaa isagu waa diidey, xitaa mar la yidhi Hargeisa soo gal oo muddo joogey waan ogaa waayo wuxuu diidey inuu ka qayb galo mashruucan hawdka inuu dib ugu soo noqday ma ogeen laakiin isagoo diidey baan ogaa bishii June ilaa early July.
Haa waa run ma aha Dhulbahante niman dhulkooda la haysan karo laakiin hadalkaas waqtigeedii ma joogno waayo tafaaruqeena waan aragnaa.