The people behind assasinations in Mogadishu are revealed!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

The people behind assasinations in Mogadishu are revealed!

Post by AhlulbaytSoldier »

Yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda.
Muqdisho (Shabelle– 27-09-2010)–: IDAACADDA SHABEELLE OO BAARITAAN DHEER KU SAMEYSAY KOOX ISKU DUUBAN OO DILALKA MUQDISHO MALEEGA, KUNA KALA SUGAN DALALKA MAREYKANKA, INGIRIISKA IYO SWEDEN... (FAALLO).

Tan iyo markii ay ciidamadii cadowga ahaa ee Itoobiyaanka ka huleeleen geyiga Soomaaliya, waxaa soo if baxay kooxo Soomaaliyeed oo dibad joog ah oo shirqoolada dilalka ah u maleega waxgaradka Muqdisho, kuwaas oo markoodii hore qarsoonaa balse baaritaan dheer oo ay sameysay shabakadda warbaahinta Shabelle ay ku soo bandhigeyso kooxdaasi dilayaasha ah.

Idaacadda Shabelle waxay ka mid tahay dhibanayaasha ay kooxahaasi sida cad u bartilmaameedsadeen una geysteen dhibaatooyin isugu jira dilal loo geystay masuuliyiintii idaacadda iyo weriyeyaasha, handadaad joogto ah, dacaayad iyo cagajugleyn, taas oo keentay inay shabelle u qalab qaadato sidii ay uga jibo keeni laheyd waxa ay yihiin kooxdan, si bulshada loogu soo bandhigo qatartooda.

Haddaba idaacadda Shabelle waxay maanta bilaabeysaa inay dhegeystayaasheeda u soo gudbiso warbixino ku saabsan natiijooyinkii ka soo baxay baaritaankii ay muddo sanadka iyo bilooyin ah ku sameyneysay wax ay tahay kooxdan, sida ay u shaqeeyaan, waxa uu hadafkoodu ku qotomo iyo sababta ku kalifeysa inay ka shaqeeyaan beegsiga waxgaradka ka soo jeeda Muqdisho.

Kooxdan maleegta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho iyo gobalo kale oo Soomaaliya ah waxaa u hormuud ah sedax nin oo isku heyb ah, isku jufo ah, kuna kala sugan sedaxda dal ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska iyo Sweden.

Baaritaankan oo shabelle ay soo waday muddo sanad iyo bar kudhow ayaa waxaa in la bilaabo sabab u ahaa kaddib markii kooxdani ay maleegeen shirqoolo ka dhan ah idaacadda Shabelle, kuwaas oo qaarkood keenay in la dilo saxafiyiin ka tirsanaa idaacadda iyo masuuliyiin, kuwaas oo dilal la qorsheeyey loogu geystay gudaha Muqdisho.

Sedaxda nin ee hormuudka ah:

1. Nin lagu magacaabo Cabdiweli DALDOON oo isagu maamula Shabakadda lagu macagaabo SOMALIMEMO, kaas oo degan dalka Mareykanka, balse dhibaatada Muqdisho ka socota aad uga qeybqaata kaalin weyna ku leh tacadiyada dhacaya.

Ninkani wuxuu ka soo jeedaa magaaladda Gaalkacyo dhanka Puntland, wuxuuna ahaa ninka maamula website-ka SOMALITALK, haatana wuxuu aad ugu mashqulsan yahay qorsheynta, buunbuuninta iyo fulinta dilalka lagu bartilmaameedsanayo inta yar ee ka hartay waxgaradka Muqdisho.

Qofka ay kooxdan dilkiisa in la fuliyo doonayaan waxay ku soo qoraan website loo sameeyey in lagu fuliyo dhibaateynta ummadda, laguna fuliyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah dadka waxgaradka ah ee Muqdisho kaas oo cinwaankiisu yahay somalimemo.

Ninkan Soomaalida reer Minasota waxay u yaqaanaan, Cabdiweli DANDOON, halka Gaalkacyo iyo hareereheedana looga yaqaano INA XAARAAN DAAQ, waana nin naceybka iyo qabyaaladda kaliya ka shaqeeya oo waqti badan geliya.

Ninkanu ma ahan nin diinta wax ka yaqaana, balse wuxuu haatan sheegtaa inuu yahay macalin dugsi quraan, wuxuuna isagoo qamiis gashan isku soo bandhigaa website-yada uu isagu maamulo.

2. Ninka labaad waa nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif, Kani waa milkiilaha shabakadan dilalka qorsheysan lagu fuliyo ee SOMALIMEMO, wuxuuna degan yahay London, wuxuuna ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxayna qaraabo yihiin INA XAARAAN DAAQ.

Cabdiwaaxid wuxuu ahaan jiray dhalintii ay barbaariyeen Al Itixaad, wuxuuna wax ku qori jiray shabakadii Alitixaadku lahaan jireen balse dhalinta beeleedka ay la wareegeen ee Somalitalk. wuxuu qormooyinkiisa intooda badan ku gaaleysiiyaa culimada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kismaayo.

Haatan wuxuu ka mid yahay sedaxda nin ee ku masuulka ka ah shabakadan loo adeegsado shirqoolada ummadda iyo maleegida dilalka, wuxuuna bixiyaa qarashaadka ku baxa dadka dilalkooda la maleegay ee la fulinayo, isagoo dhaqaalahaasina ka soo aruuriya ummadda Soomaaliyeed ee reer London oo uu u sheego in aqoon loogu deeqayo.

Culimada, odayaasha iyo aqoonyahanka dilkooda la sii qorsheynayo waxaa lagu soo qoraa shabakadda Somalimemo, si haddii ay ka fakadaan kooxdooda ay u dilaan kooxaha jihaad doonka ah, waxaana qofka la beegsanayo ay ku eedeeyaan inuu Bahuuko la shaqeeyo iyo inuu dowladda ka tirsan yahay, taas oo dhalin karta inay kooxaha dowladda ka soo horjeeda qofkaasi u dhibaateeyaan qoraalkaas shirqoolka ah ee laga soo dhigay website-ka Somalimemo dartiis.

3. Ninka seddaxaad waxaa lagu magacaabaa Suldaan Garyare, wuxuu degan yahay dalka Sweden, wuxuuna ka tirsanaan jiray isbaheysigii dib u xureynta garabkii Sheekh Xasan Daahir.

Haatan waa wakiilka Xisbul Islaam ee Sweden, wuxuuna halkaas uga soo aruuriyaa lacago, balse qorshaha uu ugu jiro Xisbul Islaam waa inuu ku gaaro hadafka qalafsan ee ah beegsida waxgaradka.

Suldaan Garyare, ma ahan nin Suldaan ah, waa nin magacaasi ula baxay naanees ahaan iyo inay bulshada u aragto nin wanaagsan maadaama magaca suldaan uu yahay magac ay bulshada xushmeyso.

Waxaa lagu xasuustaa inuu yahay ninkii dadka reer Muqdisho ee barakacsan ku amray inaysan guryahooda dib ugu soo laaban karin kaddib markii axmaaradii guryahoodii ka saartay ay ka huleeshay Muqdisho xiligaasi oo dadkuna doonayeen inay geedaha ka soo hoos kacaan oo guryahooda ku soo laabtaan.

Garyare, wuxuu ka mid yahay shabakad ahaan kuwa maleega shirqoolada lagu dilo dadka reer Muqdisho, wuxuuna u qaabilsan yahay dhanka ka talo bixinta qofka ay muhiimka tahay in la dilo ama la barakiciyo.

Garyare kama tirsana maamulka SOMALIMEMO, balse wuxuu ka tirsan yahay sedaxda nin ee maleegaya shirqoolada, isla markaasna shabakadaas u adeegsada dacaayadda qofka uu dilkiisa u suuroobi waayo si ay ugu abuuraan cadow kale oo u dila, Wuxuu isagana ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay isku jufo yihiin labada nin ee kore, haddana inuu qaraabo la yahay umay xaqiiqsana Shabelle.

Sedaxda nin waxay kor ka maamulaan koox dhalinyaro ah oo kala joogta Muqdisho, Puntland, iyo dalalka ay ku sugan yihiin, kuwaas oo ay u adeegsadaan inay u fuliyaan hawlahooda guracan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilalka qorsheysan iyo hawlo basaasnimo, taas oo daliilaheeda ay ku sugan yihiin shabakadaha ay maamulaan ee SOMALIMEMO.

Bishii Maajo ee Sanadkii hore ayey aheyd markii Shabakada Somalimemo. la soo dhigay war lagu sheegay in idaacadda Shabelle ay iibsatay safaaradda Mareykanka, kaas oo ahaa war aan sal iyo raad toona laheyn balse ujeedo gaar ah laga lahaa, maalmo dabadood waxaa la dilay Weriye ka tirsan idaacadda shabelle Cabdirisaaq Warsame Maxamed Allaah ha u naxariistee.

Bil kaddib ayaa shabakadan Somalimemo la soo dhigay qoraal kale oo ay cinwaan uga dhigeen ”Idaacadda Shabelle oo laga siideyn doono barnaamijyo ka dhan ah Mujaahidiinta Alshabaab iyo Xisbul Islaam”

Taasina waxay keentay in barqo cad ay koox hubeysan suuqa Bakaaraha ku dhex toogtaan agaasimihii Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe Naxariistii Janno Allaah ha siiyee.

Shirqooladii ay kooxdani u dhigayeen waxgaradka Muqdisho way sii socdeen, waxayna kordhiyeen dacaayado ujeedkoodu yahay dilalka lala maaganaa shaqaalaha shabelle, taas oo kentay inay shabelle u qalab qaadato soo helitaanka cidda ka masuulka ah maleegida dilalkan qorsheysan.

Waxayna kooxdan olole weyn u gashay inay xaqiijiso dilka inta ugu waxgaradsan reer Muqdisho ee ay u arki karaan inay bulshada muhiim u yihiin. Qorshayaashaasi qaar way fuliyeen qaarna way ku guul dareysteen taas oo ay sabab u tahay iyadoo aysan tooda soo galin.

Waxgaradka ay shirqoolada dilka ah u maleegeen ee inaan tooda soo galin darteed kaga fakaday waxaa ka mid ah Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo labaduba kaalin aan Soomaalidu ilaabi doonin ka soo qaatay la dagaalankii gumeystayaashii madoobaa ee itoobiya ee dalka Soomaaliya qabsaday, Waxayna labadan odey ahaayeen codka kaliya ee u hadla bulshada markii ay itoobiyaanku xasuuqayeen.

Xilligii ay itoobiyaanku dalka heysteen Cabdiweli Xaaraan Daaq iyo Cabdiwaaxid Khaliif raalli ayey ka ahaayeen. Wuxuu Cabdi Waaxid isagoo Suud iyo Taay xiran isku soo sawiri jiray website-ka Somalitalk, halkaas oo uu ku qori jiray maqaalo taageero u ah Cabdulaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii ay xukuumadiisa taageerayeen Itoobiyaanka.

Halka ina Xaaraan daaqna uu lahaa website-yo si xad ka bax ah u taageersanaa Cabdulaahi Yuusuf, kuwaas oo uu ka mid ahaa web lagu magacaabi jiray http://www.abaaqarow.com, wuxuuna halkaasi ku qori jiray qoraalo diin ka bax ah oo marka uu xusayo magaca Cabdulaahi Yuusuf uu raacin jiray ”RADIYALAAHU CANHU”, marka uu sheegayo magacyada Shabaab iyo Sheekh Xassan Daahirna wuxuu raacin jiray hadalo habaar iyo aflagaado ah.

Ragani ku heshiiyey shirqoolidda Waxgaradka Muqdisho waxay borobagaankooda u adeegsadaan macaga jihaadiyiinta, iyagoo iska dhiga inay taageerayaal u yihiin, balse kama mid aha oo waa koox gooni ah oo hadaf gooni ah oo cuqdad beeleed ku saleysan aaminsan.

Lama oga waxa ay ku saleysan tahay gocashadooda, balse waxay isasoo shaacbixiyeen markii uu xilka ka degay Cabdulaahi Yuusuf oo Shariifna kala wareegay, markaas oo ay ololahoodii website-kii abaaqarow ee ka dhanka aha muqaawamada u bedeleen Somalimemo oo isu muujinaya inuu la safan yahay Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Cabdiweli Xaaraan Daaq oo la weydiyey sababta uu Shabelle mar walba beenta uga sheego ayaa ku jawaabay, ”Shabelle waxaa iska leh rag ka soo jeeda beel aan necbahay, waxaan jeclaan lahaa in mar qura la wada dilo dhamaan shaqaalaha iyo maamulka idaacadda”.

Hadalkan oo u muuqda mid naceyb weyni ka muuqdo ayuu Cabdiweli u sheegay saxafi ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee webkiisa wax ku qora, wuxuuna saxafigaasi sheegay inuu u maleyn jiray Ina Xaaraan Daaq nin wadaad ah, balse ay u cadaatay inuu qamiiska gashaday markii uu Cabdulaahi Yuusuf xilka ka tagay si uu taageerayaasha muqaawamada isugu ekeysiiyo gaar ahaanna ururka Alshabaab Almujaahidiin.

Ugu dambeyntii inagoo intaasi ku soo koobeyna qeybtii hore ee araarta u aheyd warbixino taxane noqon doona ayaan dhegeystayaashada idaacadda iyo aqristayaasha shabakadeena u balan qaadeynaa inaan u soo bandhigi doonno natiijooyinkii ka soo baxay baaritaanadii ay Shabelle ku sameysay kooxdan, gaar ahaan qodobadan soo socda:

1. Dilalka qorsheysan ee ay sedaxdan nin gacanta ka geysteen ee ka dhacay Muqdisho.

2. Gacantii ay ku lahaayeen soo dirida caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha laga soo diro ee Muqdisho ka dagaalama ama isku qarxiya.

3. Dhaqaalaha ay ka aruuriyaan ummadda Soomaaliyeed ee qurbe joogta ah ee ay kaga qaadaan in jihaad lagu taageerayo balse loo adeegsado fulinta dilalka qorsheysan.

4. Arrimo sheegaya kulan dhex maray wiil ka mid ah wiilashii Soomaaliyeed ee inta Mareykanka ka soo tageen Soomaaliya isku qarxiyey iyo Cabdiweli Xaaraan Daaq (Daldoon), kulankaas oo ka dhacay maqaayad McDonald ah.

5. Wadaado reer Puntland ah oo uu ka mid yahay Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire oo u xiran shirqool basaasnimo ah oo uu maleegay Cabdiweli Xaaraan Daaq, kaddib markii wadaadka oo masjid ka qudbeynaya cod sir ah ay ka duubeen wiilal u shaqeeya Xaaraan Daaq, kaddibna soo dhigeen Shabakada, taas oo keentay in qadaadka ay xiraan ciidnka Puntland.

6. Iyo warbixino kale oo xasaasi ah.

Dhamaan warbixinadan waxay noqonayaan kuwo todobaad walba mar soo baxa, waxayna dhegeystaaya iyo aqristayaasha Shabelle kaga bogan doonaan shirqoolada ay maleegaan kooxda damiirlaawayaasha ah, insha Allaah.

Hadaba Waa kuwan hoos ku qoran Wararkii ugu danbeeyay ee sedaxdaani ay ku shirqoolayeen Shaqaalaha Shabelle iyagoo ku soo qoray Wabseedka Shirqoolka umada Soomaaliyeed ee Somalimemo. waxaana wararka ka muuqda Caadifada Qaabiil ee dadkaasi ku jirta.



--------------------------------------------------------------------------------



War Deg Deg ah: Dagaal u dhexeeya maleeshiyaad kawada tirsan DKMG-ka oo ka socda Dhismaha Idaacadda Shabelle ee Garoonka Muqdisho.

Friday, 24 September 2010 13:11 Maamulka Memo Hits: 1604

Dagaal culus oo u dhexeeya maleeshiyaad kawada tirsan DKMG-ka ayaa goordhaw ka bilowday agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayaan AMISOM.

Hugunka rasaasta ay is dhaafsanayaan labada maleeshiyo ayaa laga maqlaya goobta dagaalka, labada maleeshiyo ee dagaalamaysa ayaa isku haya gacan ku haynta gurigii Imagareeshinka.

Dagaalka ugu culus ayaa wuxuu u dhexeeya maleeshiyada DKMG-ka ee ilaalada ka ah dhismaha Idaacadda Shabelle iyo kuwa kale oo Gaafow taabacsan.

Ciidanka Uganda ayaa iyana Taangiyo ku garaacaya aagga dagaalka kadib markii rasaas ay labada maleeshiyo is dhaafsanayaan ay garoonka gudihiisa waxyeello ka gaysatay.

Shaqaalaha Radio Shabelle ee AMISOM la shaqeeya ayaa walaac soo food saaray waxaana muuqanaysa in labada maleeshiyo ay qaab beeleed isku hayaan.


SomaliMeMo kala soco wixii soo kordha dagaalkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho Mujaahidiinta oo jebiyay AMISOM iyo Afhayeen Bahuuko oo loo furay Makaroofanka Shabelle wuxuu rabana sheegay.

Thursday, 23 September 2010 21:39

Maamulka Memo

Hits: 2270

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta oo idil ka socday magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay Ciidanka Mujaahidiinta iyo kuwa shisheeye ee AMISOM lamagac baxay.

Dagaalada oo maanta marna qaboobayay marna kululaanayay ayay ku jabeen Ciidanka Argagaxisada ah ee kusoo duulay shacabka magaalada Muqdisho waxayna maanta lakulmeen iska caabin aad u adag.

Geesiyaasha Islaamka Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaami oo isgarabsanayay ayaa Xabadka u dhigay isku day ay Cadawga Afrikaanta ah ku doonayeen in ay mujaahidiinta uga durjiyaan Makka Al Mukarama.

Taliska Milleteriga ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa Caawa maqribkii faah faahiyay natiijadii uu kusoo idlaaday dagaalkii maanta oo ahaa midkii ugu cuslaa, Sheekh C/Caziiz abuu Muscab Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin ee dhanka ciidanka ayaa sheegay in Mujaahidiitu ay dileen 9 Askari oo AMISOM ah.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in Askarta halaagsantay ay ku khaldameen difaac ay joogeen Mujaahidiinta oo ay u malaynayeen in ay joogaan saaxibadoodii Calalauusta oo saakadii hore dagaalka ka baxay markii ay la jebiyay.

Warbaahinta Cadawga ayaa warar been ah faafisay, Idaacadda AMISOM ee Shabelle ayaa caawa Makaroofanka u furtay Beenaale Bahuuko wuxuuna si fulaynimo ah u sheegay in ay maanta dileen 25 katirsan Shabaabul Mujaahidiin warkaasi oo ay shacabku ku qosleen.

Xaaladda ayaa caawa degan waxayna Mujaahidiintu weli ku suganyihiin Hotel Wehliye dhanka xiga Sayidka oo ay dhanka Jid cadayaasha Howl-wadaag ka yimaad ka joogaan waxaa kale oo ay Mujaahidiin joogaan halka loo yaqaan Ma-dhamaato,Iskuulkii Dhagaxtuur ilaa iyo hareeraha shaqaalaha waxayna halkaasi isku hor fadhiyaan AMISOM.

Markii uu Cadawgu jabay ayay Xasuuq ugaysteen shacabka Rayidka ah waxaana gudaha Bakaaraha ku shahaadda qaatay in kabadan 30 qof oo Madaafiicda cadawga kulasoo dhacday gudaha.



--------------------------------------------------------------------------------
Warbixino iyo faalooyin intaasi ka badan codad iyo wararkii hore ee ay sedaxdaani nin dadka ku shirqooleen kala Soco Shabelle.net

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net





Shabelle vs Somalimemo(a website which used to support ina yeey and amxaar :down: ) wars is very interesting to follow.
Inshallah somalimemo will be crushed down.
S-D-M
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5774
Joined: Tue Dec 20, 2005 6:03 pm
Location: Never take life seriously. Nobody gets out alive anyway.

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by S-D-M »

:shock: :shock:
User avatar
garoweboy
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8248
Joined: Sun Nov 22, 2009 9:05 pm
Location: Puntland, #GGMU

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by garoweboy »

:shock: :shock:
User avatar
Monk-of-Mogadishu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4962
Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by Monk-of-Mogadishu »

Shit that's too difficult to comprehend, can someone please summarize in English, thanks.
Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by Niya »

^^Radio shabelle is pissed off because Al-shiskabab is targetting them. R.S is now convinced Somalimemo and puntlanders read MJ are against RS.

The AbdiWaxiid guy mentioned in the article is the staunchest anti Puntland person and was also very critical of Abdullahi Yusuf. I don't know why the above article is writting rubish about him when his articles are archived at Somalitalk.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by AhlulbaytSoldier »

^Itaqillah
Shaytan AbdiWaxiid was pro-tfg during the occupation of Somalia by the enemy.
Everyone knows that.

He suddently changed clothes after ina yeey departed.
Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by Niya »

The Abdiwaxiid dude has always been anti Puntland and anti Abdullahi Yusuf. check the archive of Somalitalk.
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by DR-YALAXOOW »

shayaadiintaas aidiska qaba ee cuqdada dilatey ee dilalka fuleynimada ee ay geesytaan al shabaabul shayaadiin kooxaha hoos yimaada.

dilalka qorsheysan waxaaa fikradaas keenay waaa SHEEYDAAN FUAAD SHONGOLE isagaa bilaabey xasuuqa waxgaradka reer mogadishu.

nasiib xumo dad sheeganaya inay u dhasheen beelaha degga xamar ayaa doqonimo awgeed iyagooka war qabin ayey soo dhaweeyeen dadkan diinta ku ganbanaya ee aargoosiga u yimid xamar sida

FUAAD SHONGOLE
CABDIWAAXID sheeydaanka deggan LONDON ee fatwooyinka dilalka xamar ka qorsheeya london

SULDAAAN AIDISLE EE DEGGAN STOCKHOLM isagana qabiil naceeyb awgeed wuxuu ka mid yahay dadka qorsheeya xasuuqa xamar ka socda.

wiilka leh SOMALIMEMO waxaa la yaab leh waa kiii lahaa ABQAAROOW.COM :lol: :lol: nacalaaaa ku yaaal shalay abdulaahi biijo ayuu ka dhigaayey rasuuul, milez zanaawina MALAAIK ,

maanta wuxuu iska dhigayaa nin la jiro khawaarijta al shayadiin al shabaab.


bulshada deggan xamar waxaa la gudboon inay si deg deg ah isaga qabtaaan nimankan cuqdadeysan ee diinta ku ganbada ee dilalka fuleynimada ah ku haya waxgaradka xamar.
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by kambuli »

As some historians claim, dilalkan qorsheysan waxay bilaabmeen maalintii la diley Ambaasaatoorkii Somaliya u fadhiyey Masar.. Xuseen Xasan...Deedna waa tii ay ku xigtey dagaalkii iyo burburkii dalka...

Kaddib haddana raggan afka duubta ee baastooladaha ku hubeysan waxay dib u bilaabeen dilalkoodii qorsheysnaa kolkii lagu Magaacabay Talan ciidamada. Sheekadu ilaa maalintaa ilaa maanta waa socotey. Waa tii lagu diley Elman, Yaxye, Istarliin Cabdi Caruush, Ina Cumar jees etc etc iyo rag aad u badan oo qiiimo badnaa...Alla Yaa Raxmu Kuligood..

Haddii ay dhab tahay inay ka dambeeyaan Reer Puntland dilalkan qorsheysan Yaa ka dambeeya dilalkan qorsheysan ee Boosaaso iyo Galkacyo ka dhacaya :?: :?:
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by udun »

Niya wrote:^^Radio shabelle is pissed off because Al-shiskabab is targetting them. R.S is now convinced Somalimemo and puntlanders read MJ are against RS.

The AbdiWaxiid guy mentioned in the article is the staunchest anti Puntland person and was also very critical of Abdullahi Yusuf. I don't know why the above article is writting rubish about him when his articles are archived at Somalitalk.
You are right Niya. Every thing they said about Cabdiwaaxid is bogus and false. I think Radio Shabelle wants to incite clannish civil war in Somalia and part of its agenda is to invent bogus stories and blamed it on certain individuals from certain Somali clans. Their project is a renewed Somali civil war and they are taking refuge by saying people are being targetted because they belong to the "beesha Muqdisho". It is all clear Radio Shabelle is onto inciting clannish civil war and hatred. :down: :down:
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by udun »

The mercenary agents who run Radio Shabelle.net are now trying to convince us that certain individuals from certain clans are behind what is taking place in Mogadishu? Nacaladi idinku dhacday oo duf ku baxa maxay been la wareegeen oo sheeko raqiis ah oo qabaail isku diraysa lasoo shir tageen. This is all part of a new effort to incite a new Somali civil war and nothings else. The subcontracters are given a new job to incite new civil war in Somalia and the Radio Shabeele is part of that game.
User avatar
DR-YALAXOOW
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13991
Joined: Wed Dec 15, 2004 1:26 am

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by DR-YALAXOOW »

xaqiiqdii DILALKA qorsheeysan waxaa ka danbeeyey waa former al itixaaad who become later AL SHABAAB, ninkii dhisey garabka dilalka u qaabilsan ee la yiraahdo( AMNIYAAAD) WAXAA AAS AASEY naarta allaha ka waraabshee macalin xaanshi ceeyroow.

macalin xaanshi ceyroow markuu ka yimid afghanistaan wuxuu dhisey kooxda AMNIYAADKA la yiraahdo waxay bilaabeen dilalka qorsheysan.

dadka dilalka ugu horeeya ee la dilayo waxay ahaayeen sidan soo socoto.

1:-dhamaan saraakiishii ciidankii qalabka sida( dhamaantood waa in la dilaa waayo dawlada islaamiga mustaqbalka ayey ka hor imaanayaan, waana cilmaaniyiin marka waa in la dilaaa.
2:- macalimiinta iskuulada ee dadka bara cilmiga aan diinta aheeyn(wahaabiya aan aheeyn) waa in la dilaa.
3:- waa in la dilaa dhamaan dadka u shaqeeya NGOS waayo waxay u shaqeeyaan united nation(qofkii u shaqeeya waa gaal UN) DHIIGSANA waa xalaal.
4:odayaasha dhaqanka waa in la dilaa waayo waa ASNAAM ay dadka caabudaan
5:-dhamaan wariyayaasha, hayadaha civil society dhamaan waa in la dilaa.
6:-dhaqaatiirka iyo macalimiinta jaamacadaha waa in la dilaaa.

MARKA arrintan dilka waxay bilaabatey alla yaa raxma dilkiii ELMAN waxaana bilaabey, dilal baddana gacantiisa ku fuliyey sheeydaan MACALIN XAASHI CEYROOW ..
macalin xaanshi ceyroow kooxda amniyaadka ama dilalka geeysta waxaa ka mid ahaaa
fuaad shongole= madaxa qorsheynta io fatwada dilalka
abu mansuur eelaay= kooxaha fuliya dilka
late CUTEYBA madaxda sahminta dilalka

marka nimanka DAROODKA ah ee fuaad shongole hogaaminayo xaqiiqdii markii ay arkeen niman doqomo gacan ku dhiiglayaaal ah ee dadkoooda xasuuqa ayey iyagana wax ku darsadeen iyagoo diinta ku dhuumanaya.

laakiin waxaa xaqiiq ah KOOXDA AMINIYAADKA EE ah FBI-da al shabaab waxaa aas aasey MACALIN XAASHI CEYROOOW..

NImanka hadda maamula AMNIYAADKA golaha shuurada dhamaantood waxay u baddan yihiin DAROOOD+ISAAQ +RAXANWEEYN.

hal nin kaliya ayaa ku jira ee ah hawiye waa nin la yiraahdo QOSLAAAYE kaasoo ah duduble.

waa ninkii uu ka bilaawdey dagaalka hadda xamar ka socda, waayo ninkan qoslaaaye wuxuuu gacantiiisa ku diley dad aad u baddan,

qoslaaye iyo CEEYROOW WAXAY DILEEN HALYEEY CAAN AHAA alla yaa raxma abduqaadir yaxye.

marka nimankaan dhabayaco ee ugu horeeyo fuaad shongole iyo webside somalimemo jaaniska ay ku dilayaan dadka xamar deggan waxaaa siiyey waa mooryaaaankiii dhintey xaashi ceroow waayo isagaa dhisey
kooxdan MASKA ka xun ee amniyaadka al shabaabul shayaadiin.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by udun »

DR-YALAXOOW wrote:xaqiiqdii DILALKA qorsheeysan waxaa ka danbeeyey waa former al itixaaad who become later AL SHABAAB, ninkii dhisey garabka dilalka u qaabilsan ee la yiraahdo( AMNIYAAAD) WAXAA AAS AASEY naarta allaha ka waraabshee macalin xaanshi ceeyroow.

macalin xaanshi ceyroow markuu ka yimid afghanistaan wuxuu dhisey kooxda AMNIYAADKA la yiraahdo waxay bilaabeen dilalka qorsheysan.

dadka dilalka ugu horeeya ee la dilayo waxay ahaayeen sidan soo socoto.

1:-dhamaan saraakiishii ciidankii qalabka sida( dhamaantood waa in la dilaa waayo dawlada islaamiga mustaqbalka ayey ka hor imaanayaan, waana cilmaaniyiin marka waa in la dilaaa.
2:- macalimiinta iskuulada ee dadka bara cilmiga aan diinta aheeyn(wahaabiya aan aheeyn) waa in la dilaa.
3:- waa in la dilaa dhamaan dadka u shaqeeya NGOS waayo waxay u shaqeeyaan united nation(qofkii u shaqeeya waa gaal UN) DHIIGSANA waa xalaal.
4:odayaasha dhaqanka waa in la dilaa waayo waa ASNAAM ay dadka caabudaan
5:-dhamaan wariyayaasha, hayadaha civil society dhamaan waa in la dilaa.
6:-dhaqaatiirka iyo macalimiinta jaamacadaha waa in la dilaaa.

MARKA arrintan dilka waxay bilaabatey alla yaa raxma dilkiii ELMAN waxaana bilaabey, dilal baddana gacantiisa ku fuliyey sheeydaan MACALIN XAASHI CEYROOW ..
macalin xaanshi ceyroow kooxda amniyaadka ama dilalka geeysta waxaa ka mid ahaaa
fuaad shongole= madaxa qorsheynta io fatwada dilalka
abu mansuur eelaay= kooxaha fuliya dilka
late CUTEYBA madaxda sahminta dilalka

marka nimanka DAROODKA ah ee fuaad shongole hogaaminayo xaqiiqdii markii ay arkeen niman doqomo gacan ku dhiiglayaaal ah ee dadkoooda xasuuqa ayey iyagana wax ku darsadeen iyagoo diinta ku dhuumanaya.

laakiin waxaa xaqiiq ah KOOXDA AMINIYAADKA EE ah FBI-da al shabaab waxaa aas aasey MACALIN XAASHI CEYROOOW..

NImanka hadda maamula AMNIYAADKA golaha shuurada dhamaantood waxay u baddan yihiin DAROOOD+ISAAQ +RAXANWEEYN.

hal nin kaliya ayaa ku jira ee ah hawiye waa nin la yiraahdo QOSLAAAYE kaasoo ah duduble.

waa ninkii uu ka bilaawdey dagaalka hadda xamar ka socda, waayo ninkan qoslaaaye wuxuuu gacantiiisa ku diley dad aad u baddan,

qoslaaye iyo CEEYROOW WAXAY DILEEN HALYEEY CAAN AHAA alla yaa raxma abduqaadir yaxye.

marka nimankaan dhabayaco ee ugu horeeyo fuaad shongole iyo webside somalimemo jaaniska ay ku dilayaan dadka xamar deggan waxaaa siiyey waa mooryaaaankiii dhintey xaashi ceroow waayo isagaa dhisey
kooxdan MASKA ka xun ee amniyaadka al shabaabul shayaadiin.
There you go DR-YALAXOOW running with the bogus claim that it is the other clans who are killing the Mogadishu Intellectuals. I think you are missing the Ethiopian and other involvment of the intelligence agencies from other countries who are interfering in Somalia. In my view, it is these agencies and their agents who are conducting the killing of every Somali with religious, nationalism, and military background. Even AHUN Abduqaadir Yaxye stated clearly in his last report that it is the Ethiopian, the intels of the 'boys with the big necks', and the Islamist Somalis who are at war in Mogadishu.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by Voltage »

:|
User avatar
Berke
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1499
Joined: Sat Sep 16, 2006 10:40 pm
Location: Saluda al campeón

Re: The people behind assasinations in Mogadishu are reveale

Post by Berke »

Seriously WTF! I thought Shabelle was a respectable site. :lol: :o This is tabloid material man. Ever since the TFG bought this website it is going downhill.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”