(Fikirka Qoraaga Webka)- Beesha Absame ee Jubooyinka Waxay Marayaan in Xoollo Looga Qaado Deeggaankoodii, Arrintan oo ah Baad Xaarraan ah Midaas oo Qof walba oo Beeshaas ah Dhibaysa, Waxaase Intaas ka Sii Darran In Beeshu ay Waydo Mowqif ah In Alshabaab Xiddidada loo Siibo oo Qaar ka Mid ah Iyagga Alshabaab Horboodaan. Xoollahan waa Kuwo Dhamaan Beellaha Jubooyinka Lagu Amray Inay Bixiyaan Si qasab ah oo aan ahayn Wax Deeq ah.
Beesha Absame oo Xoolo ugu Deeqday Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka
Arabaco, September 29, 2010 (HOL) - Iyadoo ay mudooyinka danbe bixinayeen qabaa’ilaadka dega gobollada jubooyinka deeqo kala duwan oo lagu taageerayo dagaalada ka soconayo magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta beesha Absame ku deeqday xoolo nool, oo ay ku wareejisay maamulka islaamiga ah ee gobollada Jubooyinka.
Afhayeenka Beesha Absame Ismaaciil Haaruun ayaa sheegay in ay maanta ku wareejiyeen maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka Xoolo gaarayay ku dhowaad ilaa 250 Neef oo lo’ ah iyo 8 Neef oo waaweyn oo goodir ah kuwaa oo uu sheegay in ay ugu talo galeen in ay xambaaraan hubka.
Ismaaciil Haaruun ayaa intaasi ku daray in ay xoolahaasi kasoo ururiyeen qoysaska kasoo jeeda Beesha Absame ee dega gobollada jubooyinka, waxaana uu sheegay in ay taageersanyihiin dagaalada ka socda Muqdisho ee looga soo horjeedo Dowladda KMG ah, xoogaga Ahlu sunna iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Soomaaliya.
Hantida ay beesha Absame maanta ku warejisay xarakada Alshabaab ee gobollada jubooyinka ayaa kusoo beegmeysa xilli maamulka islaaimga ah ee degmada Kismaayo uu shaaca ka qaaday in ay isa soo tarayaan dhaqaalaha ay ku deeqayaan beelaha dega Jubooyinka, kuwaa oo lagu taageerayo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Beesha Absame pay Al-Shabab 250 Cows.....
- Monk-of-Mogadishu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4962
- Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
- Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine
Re: Beesha Absame pay Al-Shabab 250 Cows.....
Wow, cagdheers finally learning politics, first lesson is bribery.
Too late, beesha Harti waamo gave the masked teenagers 500 cows and an empty hotel to use for training, they will give us a 10% tax break.
Too late, beesha Harti waamo gave the masked teenagers 500 cows and an empty hotel to use for training, they will give us a 10% tax break.
Re: Beesha Absame pay Al-Shabab 250 Cows.....
looooooooooooooool, only 10%??, u guys should have asked for more.Monk-of-Mogadishu wrote:Wow, cagdheers finally learning politics, first lesson is bribery.![]()
Too late, beesha Harti waamo gave the masked teenagers 500 cows and an empty hotel to use for training, they will give us a 10% tax break.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 953 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 29 Replies
- 2672 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 0 Replies
- 1099 Views
-
Last post by Shift
-
- 21 Replies
- 3903 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 24 Replies
- 2006 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 7 Replies
- 1330 Views
-
Last post by Hard-Rock
-
- 4 Replies
- 969 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 29 Replies
- 3071 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 2577 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 24 Replies
- 2780 Views
-
Last post by Teeri
