Mogadishu, 28 October 2010) Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo xooggaga Ahlu-Sunna Wal-Jamaca (ASWJ) ee deegaanka ayaa si guul leh u fashiliyay weerarro ay kooxaha xagjirka ah ku soo qaadeen degmada B/xaawo si ay u carqaladeeyaan ammaanka. In ka badan 20 ayaa laga dilay kooxda Al-Shabab toddobaadkan kaddib markii ay isku dayeen inay dib u qabsadaan degmadaas.
Tan iyo markii ciidanka dowladdu dib ula wareegeen magaalada bartamihii bishan, waxay billaabeen barnaamijyo ay bulshada kaga qeybgelinayeen howlaha maamulka, dibna ugu soo celinayeen nidaamkii iyo kala-dambeyntii. Nasiibdarro, madaafiic ay kooxaha xag-jirka ah ku garaaceen magaalada ayaa sababay khasaaro soo gaaray shacabka iyo barakac baahsan.
Sidoo kale, ciidanka dowladda ayaa horumar wanaagsan ka sameynayay gobollada Bakool iyo Hiiraan, halkaasoo ay jab ugu geysteen kooxaha dowladnimo-diidka ah. Dhammaan dadaalladani waxay ku jiheysan yihiin in la soo afmeero falalka waxashnimada ah ee ay ku kacayaan kooxahan xagjirka ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxman Cumar Cusman (Eng. Yarisoow), ayaa yiri:
“Xukuumadda Soomaaliya waxay ammaaneysaa dadaallada ciidamada dowladda iyo kuwa ASWJ ee kooxaha xagjirka ah looga cirib-tirayo gobolladan muhiimka ah. Isku-xirnaan noocan oo kale ah waa muhiim xilliga la joogo si loo gaaro hadafka naga dhexeeya oo ah Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.”
Dhinaca kale, Dolwaddu waxay si xooggan u cambaareyneysaa toogashadii ay kooxda Al-Shabab meel fagaare ah ku toogatay laba gabdhood magaalada B/weyne. Haweeney habaryar u ah mid ka mid ah gabdhahaas ayaa Radiyo Muqdisho u sheegtay in gabadha ay habaryarta u tahay ay ku sii jeedday Boosaaso si ay dalka u tahriibto.
Labadaasi gabdhood looma oggolaan xaqa ay u leeyihiin inay helaan garyaqaan u dooda, waalidkoodna lalama socodsiin falkan.
“Dilkan wuxuu mar kale na tusinayaa xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ay galayaan kooxahan dambiileyaasha ah. Falka ay sameeyeen ee ah in la toogto dad carruur ah oo aan dambi gelin wax marmarsiinyo ah loogama helayo diinta islaamka iyo bani’aadannimada.”
Dhammaad
Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho
Ahmed Aadam Gacal
Muqdisho-Gedo-News
Warsaxaafadeed Horumar laga sameeyay Beled Xaawo,
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 825 Views
-
Last post by kaliil
-
- 3 Replies
- 9996 Views
-
Last post by Nacab
-
- 1 Replies
- 510 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 0 Replies
- 708 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 1 Replies
- 1211 Views
-
Last post by Advo
-
- 18 Replies
- 3496 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 1 Replies
- 992 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 0 Replies
- 739 Views
-
Last post by Murax
-
- 16 Replies
- 2725 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 1 Replies
- 2328 Views
-
Last post by thegoodshepherd