Friday, 29 October 2010 08:29 Read : 469 times
Toddobaadkii tagay waxaa kooxda Alshabaab magaalada Baladweyne ku toogteen labo gabdhood oo da' yar.
Ayaan Maxamed Jaamac oo 15 sano jir ahayd iyo Xurriyo oo 14 jir ahayd, waxaa kooxda Shabaab si naxariis darro ah ugu toogteen goob fagaare ah magaalada Baladweyn.
Kooxda Shabaab waxay ku andocootay in labada gabdhood u basaasayeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Shabaab waxay labadan gabdhood ka afduubeen Baladweyn 17 maalmood ka hor, waxayna toogteen arbacadii na dhaaftay.
Ehelada Ayaan iyo Xorriyo laguma war galin dilka gabdhohooda iyo waxa loo heysto, oo waxay ka war heleen iyagoo meyd ah.
Barnaamijka Tubta Toosan ee Radio Muqdisho ka baxi doona 7:15 daqiiqo ee caawa waxa uu ku saabsan yahay tacadiyada ka dhanka ah bani'aadminimada ee Shabaab geystaan uuna ugu dambeeyay falkii ay ku khaariyeen Ayaan iyo Xorriyo.
Haddaba akhriste, dhegeyste sideed u aragtaa falkaas Shabaab ku khaarijiyeen gabdhahan da'da yar ee aan waxba galabsan.
They are martyrs(inshallah) who were spying against khawaarijta shabaabul Disbelievers. May Allah bless them and curse their killers

