arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Mr_Alfaas »

Ardaydii Dugsiga Kal-kaaliyayaasha Caafimaadka ee Hargeysa oo ku Mudaharaaday Wasaarada Caafimaadka iyo Ciidamadda Booliiska oo six un u garaacay Xabsigana ku guray.
Hargeysa(Ishanews) Ardayda Caafimaadka ka barata Dugsiga Kal-kaaliyaasha Caafimaadka ee magaaladda Hargeysa ayaa maanta sameeyay gadood ay kaga soo horjeedaan Qorshe la sheegay wasaaradda Caafimaadku inay ku kala saarayso oo ay qaarkood ku shaqo galinayso
Ardayda oo dhan 200 ayaa la sheegay wasaaraddu inay dalbatay 50 ka mid ah si ay Imtixaan uga qaado hase yeeshee waxa arrintaas k ahoryimid ardaydii waxaanay maanta xarunta wasaarada ka horsameeyeen Mudaharaad kaasoo ay ku jajabiyeen Dhismaha wasaaradda iyo Gaadiid horyaalay kadib markii sida ay dad goob jog ahaa noo sheegeen muddo sadex cisho ah ay maamulka wasaaraddu qancin kari waayeen Ardaydaasi


Ciidamo badan oo Booliis ah ayaa isla markiiba soo gaadhay xarunta wasaaradda waxaanay rasaas iyo budad la boobeen Ardaydii oo u badnayd hablo kuwaas oo ay dhaawacyo kal duwan soo gaadhsiiyeen, iyagoo intii ay qab qabteen Baabuurta Bileyska ka buuxiyay una dhaadhiciyay Saldhiga Dhexe.

Gabi ahaanba waxa Cisbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadkaba la wareegay Ciidamo Booliis ah oo tiro badan kuwaasoo gaaf wareegaya Iridiha iyo banaanka, waxaana intii hawlgalkaa ay wadeen xidhmay jidka hor mara Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdi Guray oo aanu isku daynay si aanu wax ka weydiino dhacdadan ayaa ka cudur daartay inuu wax war ah naga siiyo, waxaanu wakhtigaa shir kula jiray Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiiladda oo ku soo cararay sanqadha Rasaasta iyo Buuqa meesha ka dhacay.

C/raxman Osman C/laahi (Isbatoore)
Ishanews Media Group
Email. expensiveman_10@hotmail.com
Ishanews Office Hargeysa, Somaliland

can someone post the pictures . :lol:
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Cumar-Labasuul »

Niyow, what's your reason for being mucaarad? ileen mucaarad layskama noqdee. Don't tell me your still upset over the minster position :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by The_Emperior5 »

wixii qudhunnews afuufii jirtay bu meesha inoo so dhigay
do you know qudhun news iyo waheenti odaygi xumma eeh dr been beenka ah xuseyn ciise shaqadoodu waxa weye inay ceebaha somaliland oo dhan raadiso day in day out waxasay ka shaqeyaan
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Mr_Alfaas »

Cumar-Labasuul wrote:Niyow, what's your reason for being mucaarad? ileen mucaarad layskama noqdee. Don't tell me your still upset over the minster position :lol:
sxb warka soo hubi inuu saxsanyahay iyo in kale hadu saxsanyahay iam not muacarad ee wax jira ayaan soo bandhigay,thats doesnt makes me mucarad.

As for ministerkana silanyo isaa wax og warki jira cakuuru iman.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:wixii qudhunnews afuufii jirtay bu meesha inoo so dhigay
do you know qudhun news iyo waheenti odaygi xumma eeh dr been beenka ah xuseyn ciise shaqadoodu waxa weye inay ceebaha somaliland oo dhan raadiso day in day out waxasay ka shaqeyaan
degdegu ma fiicana just post the pictures sxb.ishaada kuu macalim ah :lol:
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by kaliil »

Kulmiye waxay UDUB ku eedayn jireen oo sheegi jireen inay dadka mudaharaada rasaas ku furaan iyo inay saxaafada cabudhiyaan iyaguna tii ayay maanta samaynayaan.
Udub waxay dadka rasaasta ku furi jireen markay dad aad u badan mudaharaadayaan oo askartu naftooda u baqaan laakiin kulmiye 100 arday oo weliba hablo u badan ayay rasaas ku furayaan.
100 arday waxa ku filan 10 boolis oo budad uun haysta :lol:. Weriyeyaal badan ayay iyagana xidheen oo garaaceen. Maalintii Siilaanyo Jabuuti kasoo laabanayayna afhayeenka madaxtooyada(Cukuse)
ayaa nin weriye ah madaarka dhexdiisa kaladhka jiidayay.waa ceeb socota.
Last edited by kaliil on Sun Nov 07, 2010 3:55 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Cali_Gaab »

Since when has the police become Kulmiye? Yes, Kulmiye did used to associate the police brutalities with UDUB but only because UDUB failed to minimize such incompetence occuring within the police force during the time of it's administration, 7 years to be exact. The current administration must make a note of these points and execute them in a timely manner. If such incompetence occurs then all blame shall lie with the current Government.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Siciid85 »

Emperior. It's not only Qarannews , Waahen who reported it. Some other websites did aswell such as Ishanews (Owned by MrAlfaas :lol: ) , Togdheernews etc.


Mudaharaad ka Dhacay Hargaysa
Sunday, 07 November 2010
Ardayda wax ka barata Dugsiyada Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ee Magaalada Hargeysa ayaa

Mudaharaad ka hor sameeyay xarunta Wasaarada Caafimaadka iyagoo Ciidamada Booliska Somaliland ay si xun ula dhaqmeen isla markaana xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Ardaydaasi iyo Wariyayaal ka agdhawaa goobtaasi.

Ardayda Mudaharaadaysay oo socod ku soo maray xarunta Dugsiyada Tababarka kalkaaliyayaasha Caafimaadka oo ku yaala xaga danbe ee Madaxtooyada Somaliland ilaa xarunta wasaarada Caafimaadka ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin “Dooni Mayno Wasaarada Caafimaadka”, kuwaasi oo markii ay soo gaadheen wasaarada Caafimaadka dhagax ku shiiday isla markaana waxyeeleeyay qaar ka mid ah Baabuurta Masuuliyiinta Caafimaadka iyagoo gudaha hore u galay Xayndaabka Wasaarada Caafimaadka.

Wax yar ka dib waxa goobta soo yimid Ciidamada Booliska Somaliland, kuwaasi oo si xun ula dhaqmay isla markaana Xabsiga u taxaabay 19-arday oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho iyagoo la dhacaya Budhadh iyo Qori dabadii.

Sidoo kale Ciidamada Booliska Somaliland waxay jidh dil u gaysteen Nimcaan Axmed Dagaal oo ah sawir qaade ka tirsan Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable isagoo ku gudo jira hawlihiisa shaqo isla markaana xoriyadiisa ka qaaday muddo rubuc saac ah oo ay ku xidheen xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxa kale oo ay Ciidamada Boolisku isku dayeen inay xidhaan Nuur Jirde Haybe oo isaguna ah Sawir qaade ka tirsan Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv, kaasi oo dirqi kaga badbaaday inay qabtaan Ciidamada Boolisku isla markaana miciinsaday cagihiisa

Ardaydan oo dhiganaysay Dugsiyada Tababarka Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ayaa ka cabanayay oo sheegay in tiradoodu dhan tahay 180-arday oo muddo laba sano ah wax ka baranayay dugsigaasi isla markaana bil walba bixinayay 25-Dollar, waxaanay xuseen in Dr Shiine oo ka tirsan Wasaarada Caafimaadka uu ku wargaliyay ardayda in la kala saarayo isla markaana lala soo hadhayo 50-arday oo kaliya.

TogdheerNews
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by KyrieJama »

The problem is somalida don't know how to protest. A protest is allowed if it is peaceful but the students were throwing rock like it said in the article, so they deserve to be arrested if they are damaging public property. :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Siciid85 »

Mr_Alfaas wa kuwan sawiiro if your interested.





Ciidamadda Booliiska oo garaacay xabsigana u taxaabay maanta wariyayaal war ka qaadanayay Mudaaraad ay sameeyeen Ardayda Caafimaadka ee Dugsiga Kal-kaaliyayaasha‏

http://oodweynenews.com/news/26553-ciid ... %8F-2.html




Ciidanka Booliska Oo Xoog Iyo Rasaas Ku Kala Diray Koox Arday Ah Oo Mudahraad Rabshado wada la Hor Tagay Xarunta Wasaarada Caafimadaka-sawiro‏
http://oodweynenews.com/news/26546-ciid ... 80%8F.html
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Dhaga Bacayl »

Wixii hantida dadka bur buriya waa in la xidh xidhaa. Bal maxay u jajabinayaan baabuurta iyo dhismaha meeshay doonayaan in shaqo laga siiyo? waxaasi mudahraad maahe waa ciyaala suuqnimo iyo qaran dumis.


If they said the top 50 will be hired what is wrong with that? There are 200 of them according to article. Study hard to be one of the 50 instead of detroying the public property. Halkee wasaarada shaqo uga wada helaysaa. Hadii 50 la shaqalysiiyo waa success.

The rest should try private sectors like Manhal and Adna hospitals or open Pharmacies Somali style.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by ToughGong »

:lol: :lol: :lol: @ Maamul ku sheeg
Mr_Alfaas you can be mucaarid without de-legitimizing the Somaliland government man
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Dhaga Bacayl »

seemeyer wrote::lol: :lol: :lol: @ Maamul ku sheeg
Mr_Alfaas you can be mucaarid without de-legitimizing the Somaliland government man

Waar Alfaas waa wadaniye wuu yara cadhaysan yahay.

Alfaas,

Maash ALLAH inaadeer dawlad iyo maamul jiraba waynu nahay. You might not agree with some of their actions but that doesn't mean waxay nu nahay MAAMUL KU SHEEG. 8-)
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Mr_Alfaas »

seemeyer wrote::lol: :lol: :lol: @ Maamul ku sheeg
Mr_Alfaas you can be mucaarid without de-legitimizing the Somaliland government man
Somaliland sxb wa dal jira o xor ah.lakin anu maamul ku sheeg ban idhi i dont mean somaliland maaha dawlad. :lol:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: arday xabsiga ay u taxaabeen maamul ku sheega Siilanyo

Post by Mr_Alfaas »

Dhaga Bacayl wrote:
seemeyer wrote::lol: :lol: :lol: @ Maamul ku sheeg
Mr_Alfaas you can be mucaarid without de-legitimizing the Somaliland government man

Waar Alfaas waa wadaniye wuu yara cadhaysan yahay.

Alfaas,

Maash ALLAH inaadeer dawlad iyo maamul jiraba waynu nahay. You might not agree with some of their actions but that doesn't mean waxay nu nahay MAAMUL KU SHEEG. 8-)
inaader somalilandnimada wa waxan aahay iyo meshan kaso jeedo,wa dal aan cidla loo daba fadhiisaneyn aqoonsigisa iyo wanagisa.

ee maamulkan kusheega ee aan cadalada ku dhisneyn aayan anu la hadlayey ee yaan si kale loo turjamanin.
imikay kuwa yaacaya o ahmed laangadhe wa caynka so geli donaan bal u fiirso. :lol:
:sland: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”