Beesha Wagardhac Mareexaan oo ka baxday Isbahaysiga Qubuuriyiinta iyo Maleeshiyaadka kasoo jeeda Tuulada Xeraale oo ku go’ay dagaalada ka socda duleedka Guriceel.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Xaqiijinaya in Beesha Wagardhac oo kamid ah Beelweynta Mareexaan ay ka baxday Isbahaysiga Ahlu Shirkiga ee ka taliya deegaano yar oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Beesha Wagardhac oo Maleeshiyaad badan oo qubuuriyiin ku waysey dagaaladii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Waro-dhuumale ee duleedka degmada Guriceel ayaa go’aansatay inay joojiso guud ahaan taageeradii dhaqaale iyo kii Ciidan ee ay u fidin jirtay Isbahaysiga Ahlu Shirkiga ah.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kulamo xassaasi oo is dabo joog ah yeesheen Saraakiil Maleeshiyaadka iyo Odayaasha Beesha, kuwaasi oo go’aansaday inay gebi ahaanba ka fariistaan dagaalka lagula jiro Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, waxayna ku eedeen qubuuro galeenka kasoo jeeda Dhuusamareeb iyo Guriceel inay kaga baxeen dagaalada lagula jiro Ciidamada Melliteriga Shabaabul Mujaahidiin.
Go’aanka ay qaadatay Beesha Wagardhac ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Maleeshiyaadka qubuuriyiinta kasoo jeeda Tuulada Xeraale ee ku fogaaday qubuuro Caabudka iyo Khuraafaadka ay ku hor halaagsameen Geesiyaasha Towxiidka, iyadoona dagaaladii dhacay Shalay iyo maanta ay ku halaagsameen horjoogayaal Maleeshiyaad badan oo lafdhabar u ahaa qubuuriyiinta kasoo jeeda Tuulada Xeraale.
Dhanka kale Geesiyaasha Towxiidka ee Khaalid Binu Lawiid ayaa Caawa waxay ku hooyanayaan deegaanadii maanta lagu dagaalamay xili Meydadka qubuuriyiinta ay weli daadsanyihiin duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.
Shiskaba getting desperate. Beesha Wagardha oo ka baxday Ahl
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 877 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 111 Replies
- 9307 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 4 Replies
- 947 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 2 Replies
- 575 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 6 Replies
- 1610 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 855 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 5 Replies
- 1103 Views
-
Last post by SomeGuy
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by manaxe88
-
- 3 Replies
- 461 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 14 Replies
- 714 Views
-
Last post by Yasiin2