Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal oo Laga Furey Suuq Cusub

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal oo Laga Furey Suuq Cusub

Post by FBISOMALIA »

Image
Waxaa maanta xaflad balaaran lagu qabtay xarunta kawaanka Suuqa hilibka Tuulada Jalam oo katirsan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Xafladaan oo ahayd mid lagu furaayo suuq cusub oo dhanka hilibka ah taasoo ay dhistey dhawaan hay’adda dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee xoolaha VSF Suisse,waxaana kasoo qeyb galey madaxa hay’adda VSF suisse ee Puntland Dr.C/raxmaan Warfaa,Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Burtinle Axmed Nuur Maxamed Warsame,Gudoomiyaha Tuulada Jalam Cumar Xuseen Nuur Dirir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jalam.

Waxaa halkaa hadalo kasoo jeediyey madaxdii ka qeyb gashey oo
dhammaantood uga mahad celiyey VSF suisse dhismaha ay suuqa Jalam dhistey iyadoo dhib lagu qabey fayodhowrka xoolaha lagu qalo Jalam laguna qali jirey misana gadi jirey magaalada dhexdeeda suuqana arintaas wax badan kabadali doono.

Xoghayaha dowlada hoose Axmed Nuur ayaa umahad celiyey Vsf suisse balan qaadey iney kataageerayaan suuqa dhanka nadaafada waxuuna ku booriyey hooyooyinka hilibka iney ilaaliyaan fayodhowrka suuqa.

Dr.Warfaa waxuu ku wareejiyey Xoghayaha dowlada hoose ee
degmada Burtinle suuqa iyo qalab lagu nadiifin doono.

Suuqaan cusub ee laga furey Tuulada Jalam ee gobolka Nugaal ayaa ah mid ay si wadajir ah usoo dhoweyeen bulshada halkaas ku dhaqan.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”