

Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Maxaliga ee KAALO oo kaashanaysa Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Federaalka ee Dawladda Puntland ayaa maanta ka dhacay xarunta jaamacada PSU ee magaalada,waxaana uu ahaa mid ku saabsan sidii dastuurka loo gaarsiin lahaa meelaha fog oo aysan warbaahintu gaarin.
Sanadkii aanu soo dhaafanay ayay ahayd markii dastuurka laga baahiyay qaybo kamid ah warbaahinta Puntland hase ahaatee waxaa wali jirta goobo aan la gaarsiin dastuurka kuwaasoo ah goobaha ka baxsan meelaha warbaahinta maxaliga laga dhageysto ama laga arko.
Kulankaan maanta ayaa ahaa mid ku wajahnaa sidii loo gaarsiin lahaa goobaha miyiga iyo magaalooyinka qaybtood,waxaana ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Maxaliga ah ee KAALO Maxamuud Shiikh Xaamud oo sheegay in uu dadka ka codsanaayo in ay u diyaar garoobaan sidii looga gudbi lahaa nidaamka hada jira ee loo gudbo nidaamka axzaabta.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii bulshada ay uga qayb qaadan lahaayeen dastuurka iyo sidii loo baari lahaa ayna fikir uga dhiiban lahaayeen dastuurka maadama uu yahay sharciga lagu dhaqi lahaa bulshada
Wasiirka dastuurka iyo arimaha Federaalka ee Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale ayaa isna goobta ka hadlay,wuxuuna ka waramay heerarka kala gadisnaa ee kasoo qabteen dastuurka iyo sidii ugu guulaysteen ansixinta dastuurka.Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadka 2010-ka ee aan ku jirno ay ka shaqeeyeen diyaarinta xeerka guddiga doorashada kaasoo ay dhowaan ansixiyeen Baarlamaanka hadana wajiga xiga ay tahay magacaabida gudigga.
Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in 2011-ka ay tahay in ay umada usoo bandhigaan dastuurka si ay dadku aragtidooda uga dhiibtaan dastuurka iyadoo uu intaas raaciyay in hore looga baahiyay dastuurka warbaahinta hadana ladoonaayo in la baro dadka degan meelaha fog kuwaasoo ay ugu horeyn ka bilaabi doonaan gobolada Mudug iyo Nugaal iyagoo gobolada kale u gudbi doonaan.
Dr.Jimcaale ayaa xusay in sanadka 2012-ka ay u qorsheysantahay in ay sameeyaan doorashooyinka golaha degaanka ee Puntland markii ay soo dhameeyaan barida dastuurka dadka reer Puntland kadibna ay dadka codkooda ka dhiiban doonaan.
Dadkii kasoo qaybgalay kulanka ayaa waxaa ay su’aalo weydiiyeen Wasiirka Dastuurka kuwaas oo ku salaysnaa dastuurka Puntland iyo nidaamka la doonaayo in loo gudbo.
Intaas kadib ayaa dadkii kasoo qayb galy kulankaan ay su’aalo waydiinaayeen wasiirka dastuurka iyo ariimah fadraalka ee puntland kuwso ku saabsanaan dastuurka puntland iyo nidaamka ladoonaayo in loogudbo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Puntland hormuud ay u noqon karto Soomaaliya inteeda kale haduu nidaamka axsaabta uu ka hirgalo deegaanada Puntland waxaana uu shacbiga Puntland uu ka codsaday in ay ka qayb qaataan ugudbinta nidaamka.
Kulanka maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno kasocday Hay’adaha caalamiga ah iyo shacabka kala duwan.




