Sweden(OWN)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Somaliland Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro) ayaa booqasho gaaban ku yimi Caasimada Sweden ee Stockholm si uu uga qeyb galo aaskaWakiilka Somaliland ee Dalka Sweden HOOYADII Marxuumad Shukri Ismail Yusuf, Alla ha u Naxariisto kaas oo ka dhacey Magaalada Stockholm Sweden.
Gudoomiyuhu intii uu joogey Stockholm waxa uu fursad u helay in uu la kulmo Wasiirka Arrimaha Yurub, Dimoqraadiyada iyo Ilaalinta Macaamiisha (Minister for Eurpean Union Affairs, Democracy and Consumer Policy) ee Sweden Marwo Birgitta Ohlsson. Wasiir Birgitta Ohlsson ayaa Gudoomiye Cirro ku qaabilshey Xafiiska Raiisal Wasaaraha Sweden (Prime Minister`s Office). Shirkaas waxa goob joog ka ahaa Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan.

Gudoomiye Cirro waxa uu ka waramay xaaalada Siyasadeed, Dhaqaale iyo Amni ee Somaliland iyo Doorashadii Madaxweynaha ee sida fiican u dhacdey. Guddomiye Cirro waxa kale oo warbixin ku saabsan socdaalo uu ku maray Barlamaanka Yurub iyo Baarlamaanada Austria, Jarmalka iyo Xarunta Baarlamaanka Adduunka ee ku taal Geneva, Switzerland siiyey Wasiir Birgitta.
Gudoomiye Cirro waxa uu Wasiirka uga mahad celiyey taageerada fiican ee ay siin jirtey, hadana siiso Somaliland, aaney tahey saaxiib Somaliland ay leedahay.
Wasiir Birigtta ayaa waxa ay xustey in dalka Sweden iyo dalalka kale ee Bah Wadaagta Yurub(EU) ka fekirayaan qaabkii Somaliland loo caawin laha xaga horumarka, nabadgelyada iyo maamul wanaaga.
Gudoomiye Cirro ayaa shirkaas casuumad ugu fidiyey Wasiir Birgitta in ay booqasha ku timaado Somaliland, isaga oo xusey in Wasiirka Horumarinta ee Dalka Denmark uu booqosho ku yimi Dalka Somaliland. Shirkaas waxa uu ku dhamaadey Jawi wanaagsan iyo isafgarad.

Ahmed Bihi
Stockholm /Sweden

