Buuhoodle : Okodka qoryaha darandooriga u dhaca ee madaafiicda goobta oo loo yaqaano 105 ayaa maanta duhurnimadii laga maqlay agagaarka magaalada Buuhoodle. Onkodka hubkaa culus ayaa noqday mid argagax iyo wel wel colaadeed ku beeray dhamaan dadkii ay dhegahiisa soo gaadheen.
Qoryahaas oo badankoodu ku jiran xerada guud ee taliska ciidamada medeniga ah ee magaalada Buuhoodle ayaa sida warku nagu soo gaadhayo bilaabay dab rid lagu tijaabinayo dhamaan hubka waaweeyn ee ku sugan xeradaa iyo xeryaha kale ee la midka ah.
Dabridkan ayaa sida saraakiisha ciidamada na soo gaadhsiiyeen socondoona mudo todobaad ah hadaan colaad deg deg ah oo lagu hawl galaa ka soo hormarin iyada oo qoriga 105 ab maanta dabridka lagu bilaabay ay xigi doonto qoryaha loo yaqaano BM ee ay ka dhacaan 21 dhuumood.
Waxaa kale la xaqiijinayaa in maalmahii ugu danbeeyey ay socotay waan waan balaadhan oo lagu midaynayo dhamaan ciidamada ku sugan gebi ahaanba gobolka Cayn iyo nawaaxigiisa, loona samayn doono talis ay ka wada dagaal geli doonaan.
Daryaankaa maanta laga maqlay magaalada Buuhoodle iyo dabridkan socon doona mudada todobaadka lagu qiyaasay ayaa ah mid si toosa ah fariin loogu dirayo, looguna dar daar welinayo maamulka la magaca baxay Somaliland iyo qabiilka garabsanaya ee sida gar darada ah ku soo galay qotayna degaano ka mid ah gobolada SSC gaar ahaan degaanka Kalshaale oo iminka dhibku ka taaganyahay.
Dab ridkan maanta ka bilowday magaalada Buuhoodla ayaa waxa uu daba socodaa kadib markii waan wada hadal ah oo ka socotay magaalada Meygaagle oo la damacsanaa in lagu soo afjaro colaada ka bilaabatay degaanka Kalshaale ay fashilantay maalintii shalay ahayd.
Waxaa kale maanta gelinkii hore buuxi dhaafiyey magaalada Hagoogane oo aan wax badan ka fogay degaanka Kalshaale ciidamo ka soo kala kacay dhamaan magaalooyinka uu ka kooban yahay gobolkan Cayn.
Waxaana dhamaan ciidamadda goobtaa isugu tegay ka goan ama tallo buuxda lagu gaadhay in si aan qarsoodi lahayn iyo gabasho si deg deg ah loogu aaso degaanka laga sameeyey baliga Kalshaale ee ay ku soo xad gudbeen dadka ka soo jeeda maamulka la magac baxay Somaliland
Dabrid Hubka Waaweyn oo ka Bilowday Magaalada Buuhoodle
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 458 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 7 Replies
- 950 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 67 Replies
- 48838 Views
-
Last post by xirsi95
-
- 127 Replies
- 11306 Views
-
Last post by Halmogg
-
- 6 Replies
- 1650 Views
-
Last post by Hotguyy
-
- 0 Replies
- 321 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 29 Replies
- 1502 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 368 Views
-
Last post by The Arabman
-
- 74 Replies
- 6187 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 71 Replies
- 4708 Views
-
Last post by Mr_Alfaas