Gaalkacyo:Wafti kasocda Dawlada Puntland oo timid & Kulamo ay bilaabeen.
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wafti kasocda Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed dhinacyo kaladuwan ka kooban ayaa Xalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay ka bilaabeen kulamo ku saabsan Xaalka Gobolka Mudug oo ay u horeeyaan ka qeybqaadashada Dadaalada Nabdeed ee lagu dejinayo Colaad u dhaxaysa Dhinacyada Gaalkacyo.
Waftigan oo uu horkacayey Wasiirka Deegaanka,Dalxiiska &Duurjoogta ee Dawlada Puntland waxaa kamid ah Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha & Dawladaha hoose ee Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) Xildhibaano & Saraakiil kale,waxaana ay islamaanta la kulmeen Gudiga Amniga ee gobolka Mudug iyagoo sidoo kalena lafilayo in saacadaha soo socda ay kulamo u bilowdana iyaga & Wafti ka socda dawlada Federaalka oo ay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo wada degenyihiin.
Wasiir xigeenka Wasaarada Arimaha gudaha & Dawladaha hoose ee Puntland Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo Caawa Warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo ayaa sheegey in Imaanshahoodu uu quseeyo sidii loo dejin lahaa Colaada balaaratay ee laga dareemayo gobolka Mudug,waxaana uu sheegey in Dhanka Dawlada Puntland ay diyaar u tahay in ay aqbasho Dadaalada Nabdeed eeimika socda ayna xakamaynayso dadka deegaanadeeda kasoo jeeda.
Cali Xoosh wuxuu sidoo kale sheegey in ay Kulamo la qaadan doonaan Odayaasha & Waxgaradka gobolka Mudug ayna kala hadli donaan xaalada gobolkakajirta,waxaana uu sheegey in ay kulamadaas kadib ka qeybqaadan donaan howlaha Nabada ee Gaalkacyo.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
Faroole Sends A Heavy Delegation 2 Resolve Conflict In Mudug
Moderator: Moderators
- Somalian_Boqor
- SomaliNet Super

- Posts: 10847
- Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
- Location: Fuck Faroole & His Supporters
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 462 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 380 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 330 Views
-
Last post by BuuloXubeey
-
- 17 Replies
- 3691 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 2 Replies
- 475 Views
-
Last post by cheifaqilbari
-
- 1 Replies
- 473 Views
-
Last post by Strategic
-
- 11 Replies
- 1797 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 24 Replies
- 3314 Views
-
Last post by original dervish
-
- 4 Replies
- 30 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 3 Replies
- 433 Views
-
Last post by Khalid Ali