
Meygaagle (RBC Radio):- Shir nabadeyn ah oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo walaala ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay si toos ah uga socday deegaanka Meygaagle, halkaasi oo maalintii shalay ahayd lagu soo gaba gabeeyay si wanaagsan.
Gogosha nabadeynta ee deegaanka Meygaagle ayaa waxaa dhigay Issimada iyo Waxgaradka beesha Cumar Maxamuud, waxaana Issinka gogosha nabadeed dhigay uu ahaa Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, waxaana ka soo qeybgalay dhinacyadii dirirtu dhexmartey ee la heshhiisinayey oo kasoo kala jeeda beelaha Bahararsame iyo Cumar Maxamuud.
Kulanka nabadeynta ee deegaanka Meygaagle ayaa waxaa ka qeybgalay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Cabdi Xaabsade, Mas’uuliyiin heer federaal iyo heer degmo ah oo ka socda dawladda Ethiopia iyo Kililka Shanaad, Issimo, Waxgarad, Odayaasha dhaqanka iyo Guddiyo dhex dhexaadinayey shirka nabadeed.
Shirkani lagu gorfeynayey heshiisiinta labada beelood ee ku diriray deegaanka Cagaare ee dhulka hawdka ah ayaa waxaa uu soo maray marxalado kala duwan waxaana shirkani gogol xaarkiisu soo socday muddo laba bilood ah, iyadoo si toos ahna la isu hor fadhiyay 15 maalmood oo laga hadlayey heshiisiinta beelaha horey u diriray.
Guddi loogu magacdarey Guddiga Daarood ayaa shirka heshiisiinta labada beelood kaalin weyn ka ciyaaray kuwaasi oo xal u helay dhamaan dhibaatadii dhexmartey labada beelood ee horey u diriray, waxayna waxgaradka beelihii diriray ku kala saar Kitaabka iyo Shareecada Islaamka iyo waxa dhaqanka Soomaalidu yahay, iyadoo dhinacyadii diriray ay ku qanceen hanaanka guddigu ay xukunka u rideen.
Waxyaabaha labada dhinac ay ka heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa dad la kala dilay, dad dhaawac la jiifa iyo waxyaabo ku kala maqan labada dhinac ee diriray sida qoryo iyo xoolaha la dhaqdo, kuwaasi oo dhamaantood xal loo helay kadib markii dhinac walba wixii ku maqan lagu amrey in uu keeno.
Odayaasha dhaqanka labada beelood ee diriray ee Bahararsame iyo Cumar Maxamuud ayaa gabagabadii shirka nabadeed waxaa ay ka hadleen sida ay u arkaan qodobada shirka ka soo baxay, waxayna si iskumid ah u soo dhoweeyeen habka uu u dhacay xukunka qodobada lagu heshiisiinayey, waxayna sheegeen Odayaasha labada dhinac in ay soo dhoweynayaan dhamaan qodobada halkan lagu gaarey ayna diyaar u yihiin dhaqan gelinteeda.
Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise ayaa ka hadley madasha nabadeynta beelaha horey dirirtoodu uga dhacdey deegaanka Cagaare, waxaana Amiirku mahad celin u diray Guddigii dhex dhexaadinta ee ku hawlanaa in xal waara laga gaaro heshiisiinta beelahaasi, isagoo dhinacyada horey dagaalkoodu u dhacay ka codsadey in ay qaataan heshiiska la gaarey kana feejignaadaan dhib kale oo dhexdooda ka dhasha, wuxuuna Alle uga baryey in nabad iyo barwaaqo ay beelahaasi ku wada noolaadaan.
Siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Cabdi Xaabsade, Badal Khalaf Jaamac iyo Saacid Badal Khalaf oo iyaguna ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa iyaguna soo dhoweeyay heshiiska la gaarey waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin heshiis nabadeed oo la kala dhex dhigo beelaha walaalaha ah.
Deegaanka Meygaagle ayaa 50 km dhinaca waqooyi bari kaga beegan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, waxaana halkaasi ka socday labadii bilood ee la soo dhaafay heshiisiinta laba beelood oo diriray, hase ahaatee waxaa deegaankaasi soo gaarey wafdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida iyo ciidamo fara badan kuwaasi oo dhulka Soomaaliyeed ka taagtey Calanka dowladda Ethiopia, sheegayna in deegaanka Meygaagle uu ka tirsan yahay Ethiopia oo ay usoo tashanayaan.
RBC Radio.

what the f-king traitor doing their ...???
its between puntland sub clan if he still somalian then bring lasscound back fat ugly face

