peace talkers of Meygaagle coming back to galgcio

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

peace talkers of Meygaagle coming back to galgcio

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo:Beelihii Dhawaan lagu heshiisiiyey Meygaagle oo isdhexgal rasmi ah Sameeyey Iyo Isimada oo soo dhaweeyey

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa imika Deegaanada Cagaare siweyn loogu dareemayaa isdhexgal iyo isfahan ay sameynayaan Beelihii Bartamihii bishan heshiiska rasmiga ah ku gaaray Tuulada Meygaagle kuwaas oo imika ka miradhalinaya heshiiskii ay dhawaan gaareen.

Beelahan oo sanadihii lasoo dhaafay ay guud ahaanba istaagnayd islamarkaasna yarayd isdhexgalka dhexdooda ah ayaa waxaa ay tani timid kadib markii heshiiska kadib intabadan si rasmi ah ay u shaqeeyeen qodobadii heshiiska oo ay u horeeyaan kala qaadista Malayshiyaadka beelaha Iyo Wareejinta Waxyaabaha muuqda ee ay dhinacyadaasi dagaaladi dhexdooda ahaa ku kala qaateen.

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kamid ah Isimada waaweyn ee Deegaanada Puntland oo labada beelood dhedhigay heshiiskan ayaa sheegey in beeluhu ay si wadajir ah u fuliyeen Heshiiska dhexdooda ah,waxaana uu Amiirku rajo wanaagsan ka muujiyey in dhinacyadu ay dhameeyaan qodabada kale ee ka dhiman Fulinta Iyo Dhaqangelinta Heshiiska labada dhinac.

Dhinaca kale Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise wuxuu sheegey in Isimada Puntland ay soo dhaweynayaan dhaqangelinta iyo ka dhabaynta beelaha Cagaare ee kasoo kala jeeda Laascaanood Iyo Burtinle,wuxuuna sheegey in tani ay tahay mid waxbadan u tari doonta ayaaha iyo Wadajirka Beelaha Walaalaha ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”