
ex puntland wasir for airports and air
GAROOWE : Maxaa laga filikaraa Karaash iyo shirka Tukaraq?
Garoowe:-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane, Axmed Cilmi Karaash iyo beeshiisa ayaa la sheegay in ay kulan ballaaran ku leeyihiin deegaanka Tukaraq halkaas oo iminka kala barta maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana halkaasi ku sugan ciidamo iyo hub badan oo beeshu leedahay, waxaana wararku sheegayaan in ay waxyaalo badan oo soo kordhay oo ay ka mid tahay xil ka qaadista Karash, hubka iyo ciidanka ay ka arinsan doonaan.
Karaash, oo dhawaan lagu daray koox Wasiiro ah oo xilka laga qaaday ayaa waxay ku noqotay wax lama filaan ah maadaama uu ka mid ahaa Wasiirada kalsoonida wayn ka haysta M.wayne Faroole, islamarkaasna si wayn u dhaqaajiyay hawlaha iyo waajibaadka Wasaaradiisa.
Karaash, ayaa la sheegay in ay is khilaafeen M.kuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Wasiirkuxigeen awood badan ku leh maamulka Faroole oo lagu magacaabo Cabdi Qawdhan, waxaana la sheegay in ay isku khilaafeen Karaash iyo masuuliyiinta ka hadalka iyo cidda ka masuulka ah ciidamada Tukaraq iyo maqnaanshaha Laascaanood.
Beesha uu ka soo jeedo Karaash shirka uga socda deegaanka Tukaraq ayaa waxa uu yahay mid ahmiyad wayn leh oo Puntland indhaha ku hayso, waxaana la sheegay in beeshu ay dib eegis ku samayso ciidanka iyo hubka ay ku haystaan Tukaraq, waxaana la fili karaa in ay suuragal tahay in go'aamo ka dhan ah Puntland ay ka soo baxaan shirkaasi, beesha Karaash ayaa waxay xilka qaadista Karaash ku sheegtay mid shaqsiyadeed ee aysan ku salaysnayn masuuliyad iyo wadajir Ummaddeed oo la tixgashay.
Beesha Karaash, ayaa marka laga soo tago gobolka Sool waxay dagaan ahaan dagaan deegaanka Nugaaleed ee isla gobolkaasi.
Beesha Karaash, ayaa haddii ay soo saarto go'aammo ka dhan ah madaxda sare ee Puntland amaba maamulka Puntland waxay noqonaysaa mid khalkhal siyaasadeed ku keenta Puntland, iyadoo horay loo xasuusto Xaabsade iyo beesha uu ka soo jeedo ee dhanka hawdka ay sababtay in Laascaanood ay ka baxdo gacanta Puntland.
Puntlandpost.com
