Wafti uu horkacayo W/Xigeenka Caafimaadka Puntland Buuhoodle

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafti uu horkacayo W/Xigeenka Caafimaadka Puntland Buuhoodle

Post by FBISOMALIA »

Buuhoodle:(Allpuntland)-Wafti kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu horkacayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr.Maxamed Xirsi Ducaale ayna kamidyihiin madax katirsan wasaarada Caafimaadka,gudoomiyaha gobolka ceyn,Duqa magaalada Buuhoodle & qaarkamid ah gudoomiyeyaasha Iyo Saraakiisha degmooyinka kaladuwan ee gobolkaas ayaa shalay gelinkii danbe si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Buuhoodle.

Waftigan oo ahaa qeybo kaladuwan islamarkasna arimo kaladuwan u socday ayaa soo dhaweynta kadib warbaahinta u sheegey in ujeedadooda ugu muhiimsani ay tahay indha-indhaynta xaalada deegaankaas oo ay Abaaro & dagaalo saameeyeen mudooyinkii ugu danbeeyey,waxaana sidoo kale ay sheegeen in dardargelinta maamulku ay kamidtahay ujeedada waftigaas.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland Dr.Maxamed Xirsi Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey ay gurmad dhanka biyaha & caafimaadka ah la gaaridoonaan dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay,waxaana uu intaas kudaray in dawooyinka muhiimka ah ee ladagaalama cudurada & agabyo kale oo dhanka caafimaadka ah ka qeybin doonaan meelaha qaarkood.

Dr.Maxamed Xirsi Ducaale Wuxuu sidoo kale sheegey in ay ka xunyihiin dagaalada soo noqnoqday ee halkaas ka dhacaya islamarkaasna ay dawladiisu diyaar utahay difaacista dadkeeda taas oo uu ku tilmaamay mid muqadas ah,waxaana ay isla maanta halkaas ka bilaabeen kulamo kaladuwan oo ay madaxda maamulka & bulshada qaarkeed la leeyihiin iyadoo imaanshahooda saacado kadib ay deegaanka Kalshaale ka bilowdeen dagaalo culus.

Cabdiqani Xayir
Oxidant
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3236
Joined: Tue Dec 04, 2007 5:52 am

Re: Wafti uu horkacayo W/Xigeenka Caafimaadka Puntland Buuho

Post by Oxidant »

English please, sxb
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Wafti uu horkacayo W/Xigeenka Caafimaadka Puntland Buuho

Post by Babygirl- »

xabad ba la raba hadal loma bahna..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”