Garoowe:(Allpuntland)Miinooyinkan ay burburisay hay’ada puntland u qaabilsan waxyaabaha qarxa Puntland Main Actinon Centre (PMAG) ayaa dhamayd 364 Miino kuwaas oo isugujira lidka dadka oo ka koobnaa 14 nooca iyo gumuca baasuukayaasha,waxaa ay hay’addu ka soo aruurisay magaalooyinka puntland oo ay ku soo wareejiyeen ciidama Booliska Puntland oo miinooyinkaasi qaybtood gacanta ku dhigay halka badi hay’addu ka soo saadhay goobo ay ku aasan yihiin oo miyiga iyo magaalooyinka Puntland ah,meel qiyaastii 10 kaga beegan waqoyiga magaalada Garoowe ayaa lagu qarxiyey miinooyinkan waxaana goobta burburinta miinooyinka goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay hayada PMAG saraakisha Booliska Puntland iyo masuuliyiinta wasaarada Amniga Puntland.
C/risaaq Ciise Xassan oo ah Madaxa ugu sareeya Puntland main action ayaa sheegay in heshiiska burburinta Miinooyinku uu yahay mid caalami ah oo ay wadamada Caalamku isku raaceen islamarkaasna uu hirgalay 2002 uuna yahay midka dowlada puntland ay ka dhaqanto si loo cirib tiro miinooyinka lidka dadka isagoo maamuluhu intaasi ku daray inay jireen miinooyin kale oo khatar ahaa oo ay burburiyeen sanadkii tagay ay qarxiyeen ilaa 6000 oo miinooyin kala duwan ah.
Sidoo kale madaxa hay’adda ciribtirka Miinooyinka Puntland wuxuu sheegey in dawlada Puntland ay horey u saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ciribtirka Miinooyinka dhulka lageliyo & kuwo kale ee khatarta ku ah Bulshada,waxaana uu sheegey in ay horey u burburiyeen inkabadan 600 oo miinooyin ah islamarkaasna sanadkii tagay ay sameeyeen howlgal kan la mid ah oo ay Miinooyin lasoo aruuriyey ku burburiyeen.
Saraakiil katirsan Taliska guud ee Booliska Puntland & Saraakiisha Booliska Puntland ayaa iyana ka hadlay goobtii miinooyinka lagu burburiyey,waxaana ay sheegeen in tani ay tahay tilaabo muhiim ah islamarkaasna ay Soomaaliya dhibaatooyin badan ku hayaan miinooyinka oo ka buuxa meelo badan oo kamid ah Magaalooyinka & Miyiga Soomaaliya kuwaas oo mararka qaarkood iskood isaga qarxa.
Maxamed-Baashi
Allpuntland,Garoowe
364 mine destroy by pmag puntland agency
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
364 mine destroy by pmag puntland agency
-
- SomaliNet Super
- Posts: 7820
- Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
- Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug
Re: 364 mine destroy by pmag puntland agency
what a waste of good mines. there are plenty of places i can think of planting them like our southern border 
just joking. mines are terrible and only the innocent civilians are the victims

just joking. mines are terrible and only the innocent civilians are the victims

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 1178 Views
-
Last post by Osman-NZ
-
- 1 Replies
- 1147 Views
-
Last post by tightrope
-
- 6 Replies
- 594 Views
-
Last post by Raniyah_
-
- 18 Replies
- 1550 Views
-
Last post by knet
-
- 28 Replies
- 2158 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 5 Replies
- 810 Views
-
Last post by Cusmano
-
- 4 Replies
- 533 Views
-
Last post by surrender
-
- 1 Replies
- 379 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 11 Replies
- 1306 Views
-
Last post by FATAL_HUSTLER
-
- 0 Replies
- 534 Views
-
Last post by Navy9