
Dhaqdhaqaaqyada Dhismaha Dekeda Maydh iyo Imaatinka Enjineero Ajaanib ah
Maydh(Sanaag.Org) Waxa Mudooyinkanba siweyn Bulshada gobolka Sanaag gudo iyo debedba ugu hawlanaayeen
taabagelinta horumarinta gobolka gaar ahaan Dhismaha Dekeda maydh iyo weliba Dhismaha jaamacad gobolka
ugaara oo iyadu xiligan sitoosa usocota.
Siweyn waxaa Magaalo Xeebeeda Maydh looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan kuwaasoo ku wajahan
Si loo bilaabi lahaa dhismaha dekeda maydh, tan ayaa ka dambeysay kadib markii todobaadkan gudihiisa
ay soo gaadheen magaalada maydh wefti balaadhan oo isugu jira injineero ajinabiya iyo maalqabeeno
reer sanaaga halka injineeraduna ukala dhasheen wadamada Maraykanka iyo Jaban.
Weftigan ayaa maydh ku sugnaa mudo dhawr maalmooda, halkaasoo ay kulamo kula yeesheen
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hure, Meyarka Maydh Siciid Yuusuf Sh Siciid
iyo weliba qaybaha kala duwan ee bulshada degaankaasi kulamadaas ayaa lagaga wada hadlay
sidii bulshadu halmeel uga soo wada jeesan lahayd taageerida cid kasta oo gacan ka gaysanaysa
horumarinta gobolka sanaag oo isagu xiligan ah midka fadhiidka ah ee dib udhacu ragaadiyey.
Imaatinka weftigan ayaa salka ku haya sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa dhismaha dekeda maydh
taaso marar badan oo laysku dayey aan suuroobin, inkastoo xiligan yahay mid ka duwan xiliyadii
hore kolka loo eego dhinacyo badan, khaasatan tan iyo intii bulshada degaanku dal iyo debedba ku
hawlanaayeen dhismaha dekeda maydh waa markii koowaad ee ay yimaadaan injineero Caalamiyi
Sikastaba ha ahaatee dhismaha dekeda ayaa sida hawl wadeenadu xuseen bilaabmi doona bisha June
ee sanadkan 2011.
Webmaster.C/risaaq Terra
Email.terra-10@hotmail.com
Sanaag.Org Erigavo Office