Digniin Culus Oo ku socota Shacabka Dhulmahante

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AbrahamXirsi
Posts: 136
Joined: Wed May 05, 2010 7:09 pm

Digniin Culus Oo ku socota Shacabka Dhulmahante

Post by AbrahamXirsi »

Digniin Culus Oo ku socota Shacabka Laascaanood, Buuhoodle Iyo Qurba Joogta SSC(Telefoonada)

:Sida lala wada socdo waxaa deegaanada SSC lagu soo qaaday dagaal cad, kaasoo ay hormuud ka yihiin Maamulka Dhiig-yacabka Siilaanyo ee SNM iyo shacabkooda, kuwaasoo ku heshiiyey inay dhul boob qaawan ka gaystaan dhammaan deeganada ay degto beesha Dhulbahante.
Sidaas daraaddeed shacabka beelaha Isaaq waxay dhankooda ka wadaan dagaal adag, oo ay kula jiraan dhammaan shacabka ka soo jeeda SSC. Dagaallada ay wadaan waxaa ka mid ah Asraaro doon ama inay ogaadaan Sirta beelaha Dhulbahante. Waxaynta arrinta ku wajaheen dhawr qaab, ayagoo weliba is qayb-qaybiyey. Waxaana Jaalliyadahoodu ay qaadeen weerarro fara badan, oo ay ku doonayaan inay ku ogaadaan:
Xogta dhabta ah ee deeganada Colaaddu taallo.
Cududda Ciidan.
Dhaqaale iyo isku xidhnaanba.
Waxayna si ay arrintaas uga midho dhaliyaan bilaabeen inay wacaan telefoonada magaalooyinka Buuhoodle, siiba Shirkadda bilaashka ah ee African Online/ Hantelecom. Waxayna xaafadaha u sheegaan inay yihiin dad deegaanka ka soo jeeda, isla markaana waxay waydiiyaan arrimaha Ciidanka, sida Gurmadka, Sahayda, Qalabka iyo waxyaalo kale oo badan.
Inta badan dadkaasi waxay joogaan dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, Tusaale ahaan markeey wacayaan Buuhoodle xaafadeheeda waxay isugu sheegaan reer ka mid ah kuwa dega Buuhoodle. Waxayna sheegtaan qaarkood magacyo ay garanayaan, sida dad ay qaraabo yihiin ama ay is-yaqaaneen.
Baadhitaanka aanu ku samaynay arrintan muddo toddobaad ah waxaan kaloo ku ogaanay in kuwa inta badan waca deegaanadaas ay yihiin kuwa la dhalay ama hooyadood ay ka soo jeedo SSC, kuwaasoo ku Qudhaabta magacyada Abtiyaashood, Haybta hooyadood iyo weliba inaabtiyadood.
Waxayna markaas sameeyaan marka xaafad ay isfahamaan, telefoonkana laga qabto, isla markaanaa warka loo bilaabo ayey waxay ku xidhaan Chatting Software ee qaybta Paltalk-ga, halkaasoo ay ku urursan yihiin inta badan Isaaqa qurba joogta ahi. Kuwa waxaas sameynayaa waa haan kasta oo Isaaq.
Waxay kaloo beryahan aad isugu hawlaan inay soo galaan Shirarka beelaha Dhulbahante ay qabsanayaan ee Teleconference-yada loo yaqaanno. Kuwaas, oo ay ayagana si toos ah uga sii dayaan Paltalk-ga..
Waxay kaloo iska abaabuleen dhammaan meelaha ay joogaan, waxayna diraan Lacago fara badan. Waxay kaloo galaan-gal ku sameeyaan Shirarka ay Jaalliyaduhu ku qabsanayaan dalalka ay joogaan, wayna dacweeyaan, ayagoo ku sheega Urur Argagagixiso, oo lacag loogu ururinayo, dagaal la hurinayo iyo wax kastoo qof cadawgaaga ahi sameyn lahaa.
Arrimahan waxaa fan-gareeya Odayasha Isaaq ee qurbaha ku raagay iyo ganacsatooda, kuwaasoo dhalinyarada hawlgeliya. Waxaana jira dhalinyaro fara badan, una badan Habar Yoonis iyo Habar Jeclo, oo mushaharaad loogu qoray arrintan Asraaraha inay ogaadaan. Waxaa kaloo ay ku baraarugsan yihiin inay arrimahan oo dhan xataa isku xidhaan Laamaha ammaanka ee dalka ay joogaan.
Sidaas daraaddeed waxaa loo baahan yahay in la qaado Tallaabooyin Deg-deg ah, oo lagu xakameenayo ficilladan Munaafiqiinta, ee ay ku kacayaan Beesha Isaaq, oo garabsanaya maamulkooda dhiig ku Noolka ah.
Dadka Gudaha.
Shacabka gudaha SSC jooga, Waxaa la gudboon inaysan u warramin cid kasta, qof kasta, oo warka sii ehelkaaga ama xubinta reerkaaga ee aad codkiisa iyo Lanbarkiisa taqaanid. Haddaad shakido weydii arrimo aad ku ogaan karto, tusaale ahaan wax aad ka wada hadasheen maalmo ka hor ama wax aad isku xasuusataan. Haddii uu kuu sheegto qoys kale oo markaas aad isku dhaw dihiin ama aad xigaal tihiin weydii ama u sheeg inuu la xidhiidho dadka kale ee adiga kaa xiga isaga.
Cid kastaba ha u sheegin Siraha Ciidan ee aad ogtahay. iska jir in wax lagaa duubo ama sameecadda telefoonka la furo, ka fogoow in laguu adeegsado kala jejebin Dhulbahante sida Su’aalo ay ka mid yihiin ”Reer hebel inooma soo gurman”. Kuwaas oo ay inta badan waydiiyaan, qofkaasina iska dhex-galo, hadhawna ay ka siidayaan meel 1000 qofi ku jirto, oo cadawgaaga ah.
Qofkaad garan weydo ama aad Qoonsato u sheeg inuu kuu amaan geliyo Lambarkaga, la Xidhiidh shirkadda adeega ku siisa haddii lagu dhibo, kana dacwood kuwa waxaas sameenaya. Xasuusnoow in lagu jiro Xaalad dagaal ,oo colaadeed, isla markaana Shacabka lagula jiro dagaal dhinacyo badan.
Ha ilaawin xilka kaa saaran Midnimada iyo ururinta dadkaaga, ka fogaanshaha waxkastoo keeni kara kala Irdheyn. Ogoow in kuwa ku soo wacayaa qaarkood yihiin, Habar Yoonis, Sacad Yoonis, Arab iyo kuwo ka fog-fog, laakiin ay u hiilinayaan Habar Jeclo ay Daarood isaga fog yihiin.
Shacabka Jaalliyadaha Debedda.
Jaalliyadaha waxaa ka saaran culays ka weyn kan haysta gudaha. Waxaad joogtaan dalal leh shuruuc, sharci iyo Qanuun. Sidaas daaraaddeed waxaa la idinka rabaa Taxadder dheeraad ah, ha ilaawin markaad shir qabsanaysaan inaad ogeysiisaan waaxda ama Laanta Ammaanka ee kugu dhow, Hel Waraaq Clearings ama Fasax, waxa dalkaaga loo yaqaano.
Ha moogaanina inaad xidhiidh la sameysaan Booliska, dawladda Hoose, Arrimaha gudaha, Amniga iyo cid kastoo ay khusayso qaddiyaddaadu. Ka dhaadhici dalka aad joogto waxa ay SSC tahay, sheeg inay tahay dad Soomaaaliyeed, oo u taagan Midnimada ummada Soomaaliyeed, Caddaaladda iyo nabad ku soo celinta deeganadooda. Ogeysiiya. kuna Baaraarujiya dawladaha aad la joogtaan Tacaddiga, xadhiga iyo xasuuqa ay gaysanayaan maamulka SNM.
Ka feejignaada in la ogaado Shirarkiina xagga telefonada. Dib loogu qori maayo Shir SSC qabsanayso Warbaahinta SSC. Isugu gudbiya qaabab kale, adeegsada oo badsasa E-groups, Telefoonada iyo qaabab badan oo la isku Wergeliyo.
Ha moogaanina midnimada ay muujinayaan Cadawga idinka soo horjeeda, oo ku taamaya inay Jiritaankiina la dagallaamaan. Xasuustana in kuwo badan, oo idinka midabka idinkaga eg, cidna idinla sheeganaya ay yihiin Madeero u shaqeeya kuwaas sidaas yeela.
Fidneeyaa kaas, gooya, oo jinaazadiisa ha tegina, kana dhiga Qurub xaaran ah. Ha Moogaan Collaada weyn ee la isugu kiin bahaystay. Hana is iloowsiin in Midnimo lagaga guulaysan karo, ayna yihiin dad dulmi isku bahaystay.
Markastaba noqo qof feejigan, Han sare leh, SSC-nimadu ka dhab tahay. Dhulbahante-nimadana ku dhinta. Markasta ka war hay CV-gaaga dhanka dawladda. qof kastoow booqo Laamaha socdsaalka, ogoow in dacwad lagaa gudbiyey. Hana ilaawin in reerkani yahay Dacwad ku Nool, iskuna yaqaanna in ay Gaalada ka xigaan Soomaalida, isla markaana raalli-geliya mar kastaba.
Ilaali sharciga iyo Qanuunka dalka aad ku nooshahay, kana faa’ideyso Xoriyatul Qawlka. Hana ogaan in lagugu xad gudbo, adna ha Xad gudbin. Badiya E-groups-ka. Qofka ku soo wacaya ee ku waydiisanaya Code-ka shirka lagu galo, haddaad Haybtiisa Garan weydo u gudbi mid kale, oo kula maamulaya hawshaa, haddii la garan waayo Drop garee ama ka gudub.
Ogaada Colaaddu heerkaas ay marayso iyo Kululaykeeda. Dheegta meelaha ay fekerkooda ku dhiibtaan, dhagaysta Paltalk waxa ay kaga taamayaan. Hana moogaanina inay doonayaan in ay Dhulkana dhaxal wareejiyaan. Isla markaana ay is moogaysiinayaan in Dhulkii hore u maqnaa looba socdo hadda.
Ku dayda sida ay maamulkooda ay lacagta ugu dirayaan hadh iyo habeen, ayagoo u arka inay ku jiraan dagaal Muqaddas ah. Waxaa inoo ballan ah hadal yar iyo hawl badan. “Ruux kastoow Heegan meeshada ka gal”.

http://horufadhi.com/?p=2228


:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”