Specially Beesha Reer Garad and Cali Dheere are the fitno
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax miino oo galabta casir liiqii si xirfadeysan afaafka hore ee saldhiga booliska degmada Beledxaawo loogu dhigay, kaasoo ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Saraakiil.
Qaraxa Miino ayaa lala eegtay gaari ka soo baxayay saldhiga oo ay saarnaayeen Taliyaha saldhigaas iyo kuxigeenkiisa oo markii lala helay ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa xoogiisa laga maqlayay Xaafadaha Beledxaawo oo maalmihii u dambeeyay ay soo buuxinayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna ee is kaashanayay.
Dhaawaca soo gaaray Taliyaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus, kaasoo keenay in dhaawacooda dhinaca Kenya loo qaado sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna ayaa wada howl galo baaritaano, waxaana caawa qeybaha degmada laga maqlayay rasaas ay rideen Ciidamada oo baadigoob ku jira.
Qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca degmadaas tan iyo muddo labo todobaad ah oo gacan ku heynta degmadaas ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna Waljameeca.


