Balanbal: (R.CW) Dagaal dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Maleeshiyo beeleed oo qaab qabiil u abaabulanaa.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii ciidmo ka tirsan Ahlu Sunna maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ay ka wadeen dhex dhexaadin labo beelood oo isku haystay Ceel ku yaalay gudaha degmada Balanbal, waxaana taasi ay keentay in mid ka mid ah beelihii Ceelkaasi isku haystay galabta ay weerar ku qaadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Ehlu Sunna Waljamaaca oo iyagu gacanta ku hayay Ceelkaasi.
Dagaalka oo socday Muddo ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ka mida ahaa dhinacyadii dagaalamay iyo shan kale oo iyaguna halkaa ku dhaawacmay, waxaana lamaqlayay rasaasta noocyadeeda kala duwan oo mudo gudaha degmada Balanbal ay isku weydaarsadeen ciidamada Ehlusunna iyo Maleeshiyaadkaasi.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda gacanta kuhaysa Ceelkaas, waxaana wararka qaar sheegayaan in Maleeshiyaadkii hubaysnaa gacanta ku dhigeen Ceelkaasi, halka warar kalena sheegayaan in Ciidamada Ehlusunna ay weli gacanta ku hayaan.
Saraakiisha Ehlusunna Waljamaaca ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkaasi ciidankooda lagu qaaday,balse sarkaal u hadlay Ehlusunna ayaa sheegay inay dib kasoo sheegi doonaan arrimaha dagaalka ee ku wajahan Ceelkaasi.
Hareeri Xasan Barre oo ah gudoomiyihii hore ee Degmada Balanbal ayaa sheegay inuu indhihiisu ku arkay shanka ka mid ah dhinacyadii dagaalamay oo dhaawac ah, isagoo intaasi ku daray in xaaladdu hadda ay tahay mid deggen hase ahaatee wali la dareemayo xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo weli taagan.
Xafiiska Warqabadka Caabudwaaq.
fighting inside Balanbale
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- ibrahimcw
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1324
- Joined: Sun Dec 05, 2010 5:33 am
- Location: Kismaayo - Caabudwaaq - Ari Cadeys
Re: fighting inside Balanbale
Balanbal:(R.CW) Waxaa saaka deganaansho laga dareemayaa Degmada Balanbale ee Gobolka
galgaduud kadib iska hor imaad qasaaro dhaliyey oo maalintii shalay ka
dhacay Degmadaasi.
inta la og yahey 10 ruux ayaa ku dhaawacantey iska hor imaad u
dhaxeeyey kooxo hubaysan iyo ciimada maamulka Ahlusuna ma jiraan wax
dhimashaa oo ka dhashey iska hor imaadkaasi.
Sida ay saaka saxaafada u sheegeen saraakiil ka tirsan Maamulka
Ahlusuna ee hogaaminaysay is ka hor imaadkii shalay waxaa ay sheegeen
in xaaladu ay dagan tahey saaka, waxaana gaaray magaalada Balanbale
ciidamo fara badan kuwaasi oo ka tagey Degmada Caabudwaaq.
is ka hor imaadka ayaa ka dhashey muran taagnaa maalmihii la soo
dhaafay kaasi oo udhexeeyay dadka degmada Balanbal kadib markii ay
NGO. kamid ah kuwa deegaanka ay isku khilaafeen qaabka loo biyo
galinayo Degmada.
Masuuliyiin katirsan maamulka ayaa ku baxay si loo kala dhex galo
waxaana arintaasi ka soo horjeestay xubno kamid ah kuwii isku hayey
qaabka biyo galinta Balanbale taasi oo keentay in uu dhaco iska hor
imaad udhaxeeya iyaga iyo ciidamada maamulka.
lama oga waxa ay ku sugan tahay xaalada marka laga soo tago
saraakiisha maamulka oo sheegay inay soo afmeereen howlgalkii shalay.
Dhinacyada ku dagaalamay shalay magaaladaa Balanbal ayaa dhaawacooda
lakala geeyay magaalooyinka Guriceel iyo Caabaudwaaq.
C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 627 Views
-
Last post by Northkil
-
- 0 Replies
- 510 Views
-
Last post by Nomand
-
- 2 Replies
- 583 Views
-
Last post by vangandi
-
- 5 Replies
- 1040 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 39 Replies
- 1924 Views
-
Last post by Wareer
-
- 0 Replies
- 253 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 6 Replies
- 2477 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 9 Replies
- 703 Views
-
Last post by Advocatar