Kuwayt (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Magaalada Kuwayt ee dalka Kuwayt.
Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee khaaska u ah Madaxda Dalka Imaaraadka Carabta ee Abu-Dubai isagoo u sii jeeda waddanka Kuwayt oo uu ka helay martiqaad rasmi ah ka dib markii uu dhamaystay booqashadii uu ku joogay Imaaraadka Carabta iyo kulamadii uu la yeeashay sheekhyada iyo Ganacsatada waa weyn qaarkood ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka carabta iyo weliba shirkado iyo diblumaasiyiin ay la yeesheen kulamo gooni gooni ah.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka imaaraadka carabta waxa ay kulamadii uu la yeeshay Madaxda waddankaas oo dhami ku dhamaadeen is afgarad iyo iskaashi niyad sami ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo door ah oo wax ka tari doona baahiyaha dhaqaale ee Somaliland.
Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt.
Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay Magaalada Kuwayt soo gaadheen isla galabta makhribkii waxaana gegada dayuuradaha ee Kuwayt ku soo dhaweeyey oo halkaa ku sugayey masuuliyiin iyo madax ka mid ah dawladda Kuwayt,
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lagu soo galbiyey gaadiidka martida ee dawladda. Sheekh Xamad Sabah Al-ahmad Al-sabah oo weftiga Madaxweynaha ku marti qaaday kuna soo dhaweeyey magaca aabihii oo ah Amiirka dalka Kuwayt iyo magaca dalkiisaba ayaa isla caweysinkan ku soo booqday hotel-ka uu degenyahay weftiga Madaxweynuhu.
Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay berri kulan ku yeelanayaan xafiiskiisa Amiirka dalka kuwayt Sheekh Sabah Al-ahmed Al-sabah, Isla gelinga dambe ee berri waxa uu Amiirku beertiisa qaddo sharaf ugu samayn doonaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weftigiisa ee socdaalka ku weheliya.
Xubnaha weftiga ee Madaxweynaha socdaalkan ku weheliya waxay kala yihiin:
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda
Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL
Marwo Aamina Sheekh Maxamed, Marwada 1aad ee JSL
Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Iyo Xog-haya Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL cali Axmed Cali.”
Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuwait
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuwait
The only Somali's that still have any sharaf in the world are Somalilanders, my president just got the red-carpet treatment
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
Somaliland: So can u recognize us now?
King: Naah, I believe u KUWAIT a lil longer

King: Naah, I believe u KUWAIT a lil longer
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
Advo wrote:Somaliland: So can u recognize us now?
King: Naah, I believe u KUWAIT a lil longer
-
samadoon-waaxid
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4228
- Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
- Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
Advo wrote:Somaliland: So can u recognize us now?
King: Naah, I believe u KUWAIT a lil longer
btw,the private jet belongs to the kuwaiti kipco company as its written on it and not the kuwaiti Emir.whoever wrote the article is an emecile.he could at least crop out the kipco.com from the photo
here is the said prince hamad,and he is nowhere to be found on those photos

Last edited by samadoon-waaxid on Tue Apr 26, 2011 10:15 pm, edited 1 time in total.
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
Faqash any port in a storm innit
Waxey kaga dhagtey where's the Amiir
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
The dude on the left wearing the white khamiis iyo dacaskaa,is just sitting awkwardly, the only thing that really caught my attention.
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
Waxan jeekada dheer faqash buu ku waashay, inalilaaah 
- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
^
Adna anaad igu waalatey, ma is tidhi wtf naa get lost
And the thing is wax Allah waxey tahey tani ma aqaan I don't think I ever commented on anything she's posted
Horaa loo yidhi Naago yaryarasi ma le
Most hated character on S/Net
Adna anaad igu waalatey, ma is tidhi wtf naa get lost
And the thing is wax Allah waxey tahey tani ma aqaan I don't think I ever commented on anything she's posted
Horaa loo yidhi Naago yaryarasi ma le
Nabeela wrote:It seems like this creature thrives on attention walle, two female dedicated a topic to him, and all of a sudden he is hot item, yaadaa, yaada...
Nabeela wrote:Qoraxeey, you are a weirdo, this character has no personality
Most hated character on S/Net
Nabeela wrote:I would say that seemeyer character.
- Blue_609
- SomaliNetizen

- Posts: 758
- Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
- Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga
Re: Madaxweyne Silaanyo oo si weyne loogu soo dhooweeyey Kuw
here is the AmiirBabygirl- wrote:![]()
![]()
![]()
![]()
Where is the Amir? & LOOL @ Kipco
![]()

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 35 Replies
- 2512 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 12 Replies
- 1072 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 59 Replies
- 4634 Views
-
Last post by koohi
-
- 11 Replies
- 1487 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 9 Replies
- 939 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 1 Replies
- 591 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 4 Replies
- 969 Views
-
Last post by Ceelafweyn
-
- 13 Replies
- 1635 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 13 Replies
- 1057 Views
-
Last post by The_Emperior5