Dagaal ka dhacay Garbahaareey iyo guulo la sheegtay
Garbahaareey: (Sh. M. Network) Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xaraka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay Tuulo-barwaaqo oo 20-KM u jirta degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Wararka laga helayo deegaanka Tuulo-barwaaq oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in aroornimadii hore ee saakay deegaankaasi uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Al Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaaddi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaalkii saakay ka dhacay Tuulo-barwaaqo, waxaana uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen dagaalyahano gaaraya 20- oo ka tirsan Shabaab.
Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaaddi ayaa waxaa uu intaasi ku daray inay ku daba joogaan firxadka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay inay baacsanayaan Shabaab, waxaana uu shaaca ka qaaday inay jiraan dhaawcyo fud fudud oo soo gaaray ciidamadooda.
Maalmihii u dambeeyay ayaa gobolka Gedo waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab, iyadoo dagaaladaasi ay dhibaato u gaysteen dadkii danta yaraa ee halkaasi horey abaarta ugu haysatay.
Breaking news Tulo Barwaqo falls
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 10 Replies
- 1142 Views
-
Last post by cabdi123
-
- 20 Replies
- 2064 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 34 Replies
- 2450 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 21 Replies
- 2336 Views
-
Last post by Murax
-
- 8 Replies
- 1314 Views
-
Last post by sarman
-
- 9 Replies
- 1219 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 828 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 90 Replies
- 64123 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 14 Replies
- 6615 Views
-
Last post by LionHeart-112