Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cigaal

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cigaal

Post by Siciid85 »

Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cigaal, soona Dhaweysay Dilkii Usama Bin Laden
WEDNESDAY, 04 MAY 2011
Waanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi, waxay wax ka taraysaa dhibaatooyinka ay argagixisaddu ku hayso caalamka…” Madaxweyne Siilaanyo


Hargeysa(Togdhnews) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa hada ka qayb qaadan waxna aan ku darsan Xus loo sameeyay Geeriddii All-ha-u-naxariistee Marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal oo sagaal jirsatay.

Madaxtooyadda Somaliland oo lagu xusi jiray Sanad kasta Geerida Marxuumka ayaan ilaa hada laga dareensanayn saan-saan la xidhiidha inay diyaar u tahay inay Xusto Marxuum Cigaal, halka Xus shalay oo ay ku beegnayd maalintii uu geeriyooday ee 3dii May loogu qabtay Huteelka Safari kaasoo ay ka soo qayb galeen uun qaar ka mid ah Madaxdii Xukuumaddii Rayaale ee Xisbiga UDUB oo uu marxuumku sameeyay, taasoo ay ahayd in ay ka soo qayb gasho Xukuumaddu.

Sidoo kale waxa aan iyana ka muuqan Mujaahidiintii Ururkii SNM ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha hada talada haya ee Axmed Siilaanyo, iyadoo ka maqnaanshaha labadan kooxood ay ku abuurtay dadkii goobta joogay Su’aalo badan oo ay iska weydiiyeen dariiqa qaloocan ee ay qaadeen maadaama loo tirinayo inay taladii dalku gacantooda ku jirto, isla markaana Marxuum Cigaal uu ahaa Halyay jiritaanka Somaliland dhidibada u taagay oo ay ahayd in la sanad kasta loo sameeyo Baroor-diiq loo dhan yahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay ka hadlay dareenka xukuumadiisa ee la xidhiidha dilka Hoggaamiyihii Ururka Al-qacida, oo ciidamada Maraykanku ay ku khaarajiyeen ku guri yaala dalka Pakistaan oo uu ku dhuumanayay.

“Dawlada Somaliland waxay qabtaa waxa dunida oo dhan intiisa badan laga qabo oo ah in argagixisadda caalamka lala dagaalamo, argagixisaddu Anaga (Somaliland) dhibaato badan ayay noo geysatay waynu ognahay khatarihii iyo duulaankii ay inagu soo qaadeen, hawlaha badan ee ay ku hayaan mandaqada aynu ku nool nahay iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay dilka Hoggaamiyaha ururka argagixisada ah ee Al-qacida.
“Waana aanu soo dhawaynaynaa dilkan siyaasadayaduna waa taasi,waxaanu u aragnaa in taasi wax ka tarto, talaabooyinkii argagixisada laga qaadayay oo ay dhinto dhibaatooyinkii argagixisaddu ku hayaan caalamka,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo oo shalay u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee idaacada BBC-da.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cig

Post by LiQaaye_TDH »

one think i dont get.... is Marxuum Cigaal more important then Marxuum Tuur?

why do we celebrate Cigaal but not Tuur, is Cigaal The Father of Somaliland?
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cig

Post by Rightwing »

LiQaaye_TDH wrote:one think i dont get.... is Marxuum Cigaal more important then Marxuum Tuur?

why do we celebrate Cigaal but not Tuur, is Cigaal The Father of Somaliland?

You have a point sxb.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cig

Post by Mr_Alfaas »

LiQaaye_TDH wrote:one think i dont get.... is Marxuum Cigaal more important then Marxuum Tuur?

why do we celebrate Cigaal but not Tuur, is Cigaal The Father of Somaliland?
war i beleive in xusaskan badan ay faido laheyn

Egal iyo tuur ba labaduba wa isku meqaam maaha mid midka kale laga fadilo.



war haloo duceeyo instead of xus been been ah
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cig

Post by Siciid85 »

........
Last edited by Siciid85 on Wed May 04, 2011 12:57 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Xukuumadda Siilaanyo oo Hoos u Dhigtay Xuska Marxuum Cig

Post by Siciid85 »

LiQaaye_TDH. Xuuska Abdirahman Tuur AUN was celebrated last year.

Mr_Alfaas wrote:

war haloo duceeyo instead of xus been been ah


Mr_Alfaas i agree duco ba ka ficaan countless Xus.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”