Ciidan kama shaqayn karo nin qaad cunaya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Ciidan kama shaqayn karo nin qaad cunaya

Post by FBISOMALIA »

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska iyo asluubta Puntland oo ka hadlayay munaasabad maalintii shalay ka dhacday dugsiga tababarka ciidanka ee degmada Carmo ayaa sheegay inaysan ka shaqayn karin ciidanka dowladda Puntland askarta qaadka cunta.

Muxyidiin Axmed Muuse oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada booliska iyo asluubta ee Dowladda Puntland ayaa ku tilmaamay in balwada ay tahay mid dhibaato ku haysa ciidanka waxaana uu sheegay in Wasaaradda Amniga iyo maamulka gobolka Bari ay kawada hadleen in laga mamnuuco inay cunaan qaadka ama laga saaro ciidanka.

“…Ciidanka ma shaqayn karo nin qaad cunaya loomana diri karo canshuur waayo kuma filno, mishaarkaga waxaa laga yaabaa inuu yahay malyan iyo sideed boqol mana suurtagalayso..”ayuu yiri Gaanshaanle Sare Muxidiin Axmed Muuse oo intaasi ku daray in askarta noocaasi ah aysan ilaalin karo nafsadooda islamarkaana loo gaysan karo dilal.

Taliye Muxyidiin Axmed Muuse ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda ay soo saartay go’aan ciidamada lagu farayo inay qaataan hubkooda iyo dhamaan qalabka ciidanka si’ay uga feejignaadaan dhibaatooyin uga yimaada dadka falalka amni daro ka wada deegaanada Puntland.

Waa markii ugu horeysay ay dowladda Puntland ay farto ciidamada inay joojiyaan isticmaalka qaadka oo ah balwad saameyn aad u xoogan ku haysa guud ahaanba bulshada.

Horseed Media
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Ciidan kama shaqayn karo nin qaad cunaya

Post by damu »

:up: :up: :up:

good move
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Ciidan kama shaqayn karo nin qaad cunaya

Post by quark »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”