Wasiirkii arimaha gudaha oo qarax ku dhintay iyo Shabaab oo sheegtay
Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta lagu dilay wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya iyadoo qaraxaasina ay sheegteen xarakada Al Shabaab.
Abaaro 5-tii galabnimo ee xiliga Muqdisho ayaa weerar ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay guriga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya ALLE ha u naxariistee C/Shakuur Sheekh Xasan Faarax, waxaana weerarkaasi ismiidaaminta ahaa la sheegay in ay fulisay gabar uu waalid u ahaa wasiirka.
Qofta haweeneyda ah oo la sheegay in ay wadatay waxyaabaha qarxa ayaa gudaha u gashay qol kuyaala qeybta kore ee guriga oo dabaq ah halkaasi oo uu ku sugnaa wasiirka, waxaana xiligaasi kadib mar qura la maqlay dhawaqa qarax aad u culus, kaasi oo sababay dhaawac markii hore soo gaaray Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya kaasi oo markii dambe uu u geeriyooday.
Haweeneyda la tilmaamay in ay geysatay qaraxa ismiidaaminta ayaa bilihii u dambeeyay ku sugneyd guriga wasiirka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in wasiirka uu gabadhaasi u diyaarinayay in uu Jaamacad u diro.
Durba markii uu qaraxa dhacay ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo farabadan oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana qolka qaraxa uu ka dhacay ay ka soo qaadeen dhaawaca wasiirka iyadoo goobtana uu yaalay meydka haweeneyda is qarxisay oo si xun uu jirkeeda u jar jarmay.
Dhaawaca wasiirka ayaa markii hore waxaa loola cararay isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo amaankiisa ay si weyn u sugayeen ciidamada AMISOM, waxaana isbitaalka ugu tagay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DKMG Soomaaliya iyadoo markii dambana wasiirka uu ku geeriyooday gudaha isbitaalkaasi.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa warbaahina u xaqiijiyay geeriyda Wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada KMG Soomaaliya.
Majiro qasaare kale oo ka dhashay qaraxaani ismiidaaminta ah ee galabta lagu dilay wasiirkii arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumada KMG Soomaaliya Alla ha u naxariistee Cabdi Shakuur Sheekh Xasan.
Saraakiil ka tirsan xarakada Al Shabaab oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay ka dambeeyaan weerarkaani ismiidaaminta ah ee lagu dilay wasiirkii amniga qaranka C/Shakuur Sheekh Xasan Faarax.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo Al Shabaab ay qaraxyo la eegtaan wasiir ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyadoo la xasuusto in sanadkii 2009 AL Shabaab weeraro ismiidaamin ay ka geysteen Hoteelo ku kala yaala Muqdisho iyo Baladweyne islamarkaana ay ku dileen wasiiro laf dhabar u ahaa Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
_____________________________________________________
As long the protests continues, murtaddiinta shabaab will take adventage from this.
I hope they kill labada shariif, atleast we will be relieved from these useless waxmatarayaal.
AUN CUMAR XAASHI
AUN PROF.CADDOW & QAMAR
AND NOW C/SHAKUUUR SHEEKH XASSAN FAARAX
The hardworking ones dies painful.
Wasiirkii arimaha gudaha oo qarax ku shahiiday
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
Re: Wasiirkii arimaha gudaha oo qarax ku shahiiday
RIP ..subhanallah 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 421 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan
-
- 0 Replies
- 634 Views
-
Last post by Adali
-
- 28 Replies
- 2267 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 15 Replies
- 1587 Views
-
Last post by Chinaman
-
- 0 Replies
- 385 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 589 Views
-
Last post by damu
-
- 3 Replies
- 724 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 905 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 563 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 856 Views
-
Last post by CMkingdom