Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu Hogaaminayo oo shalay socdaal aan hore loo sii shaacin ugu ambabaxay Dalka Shiinaha.
Weftigan oo shalay abaaro shantii galabnimo ka duulay Madaarka Hargeysa, ayaa waxa qaaday Diyaarad khaas ah oo loo soo diray, madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa intaanay tagin dalka China waxa ay ku sii hakan doonaan Wadanka Itoobiya, halkaas oo la filayo inay kulamo kula yeeshaa madaxda dalkaas.
Bari Isniinta ayaa la filayaa in madaxwayne Siilaanyo uu dalka Ethiopia uga sii gudbo dhinaca Wadanka Shiinaha oo uu Madaxweynuhu marti qaad rasmi ah ka helay Dawladda Wadankaasi.
Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa madaarka ku sii sagootiyey Masuuliyiin badan oo uu hor kacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Shir gudoonka Golaha Wakiilada, Wasiiro iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Madaxweynaha ayaa intii aanu diyaarada raacin salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka, waxaana la sheegay inuu weftigan ujeedada ugu weyn ee u tagayo Dalka Shiinaha ay tahay sidii uu dalka Shiinuhu uga qayb qaadan lahaa maalgashiga iyo samaynta wadooyinka iyo guryaha, waxaanu inta uu ku sugan yahay dalkaasi Shiinaha kulamo la yeelan doonaa Masuuliyiinta ugu sarsaraysa Dawladda Shiinaha.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada Socdaalka weftiga uu hogaaminayo Madaxweynuhu, waxaanu sheegay inay weftigu ku tagayaan Dalka Shiinaha marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Dawladda dalkaasi.
Afhayeenka oo ka waramaya Ujeedada socdaalka Madaxweynaha, waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu u ambabaxay Dalka Itoobiya oo uu Maalin sii joogi doono ka dib-na ugu gudbi doono Wadanka Shiinaha, waxaana Weftigu ka kooban yihiin Madaxweynaha, Mareeyaha Dekadda, Afar Wasiir, Shaqaalihiisa iyo Marwadiisa.
Ujeedada Socdaalka ee Madaxweynuhu waxay daba socotaa xidhiidh u socday labada dal mudadii sanadka ahayd ee Xukuumaddu jirtay, Shiinuhu-na waxa uu ka mid yahay meelaha uu Madaxweynuhu khudbadiisii sanadlaha ahayd uu ku xusay waa dal weyn oo dihin, waa dal weyn oo ka horumaray dhinacyada Dhaqaalaha iyo Wax soosaarka, waana dal wax badan oo baayaheena wax ka tari kara, Ujeedada maanta ee socdaalka ee Madaxweynuhu waxay tahay wadanka Shiinaha sidii uu inooga caawin lahaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin sida looga faa’iidaysanayo Khayraadka, Shidaalka iyo Waxyaabo kale oo badan, waxa kale oo ay weftigu u tagayaan sidii ay maal geshi uga soo heli lahaayeen Shirkadaha waaweyn, waxa kale oo ay u tagayaan Shiinaha waxay ahayd wadankii dhinaca Wadooyinka iyo Biyaha inay doorkoodii mar labaad qaadato, waxyaabaha kale waa wax ka soo bixi kara wada hadalada.
Safarkuna waxa laga yabaa inuu muddo yar oo aan badnayn qaato maadaama oo aanu Madaxweynuhu jeclayn safarka dheer.
Waxa jiray Deg deg dhinaca Diyaarada ka yimid oo wakhtigii loogu talo galay in la soo qaado ka soo horumartay”.
Mar la weydiiyey Aguostinga Mahiga oo dalka yimid shalay isla markaana ay Madaxweynaha isku weydaarteen Madaarka isaga oo Mahiga sheegay inuu kulan la yeelan doono Madaxweynaha sida ay isu waafaqayaan hadalkaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Way is waafaqaysaa oo qof weliba waxa uu socda dan gaar ah oo mid weliba Ujeedadiisuu u socday, waxaanu la kulmayaa Madaxweyne ku xigeenka, waxaanu Madaxweynuhu ku baxay Marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Dawladda Shiinaha, waxaanu kulamo la soo yeelan doonaa Xukuumadda Shiinaha.
