Kuwait ayaa Deeq Raashin soo Gaarsiisay Barakacayaasha pland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Kuwait ayaa Deeq Raashin soo Gaarsiisay Barakacayaasha pland

Post by FBISOMALIA »

Image

Wafdi ka socday Dowladda Kuit ayaa Puntland soo Gaaray 15 Bishan Aug 2011 .waxaana ay Raashin Qaybin ka soo Bilaabeen Magaalada Boosaaso Gaar ahaan Goobaha ay ku noolyihiin Dadka Barakacayaasha ah & Danyarta Magaalada,waxaa sidoo kale ay ka soo Bixiyeen Mucaawinadda Magaalada Qardho oo ay Booqdeen Kaamamka Barakacayaashu Deganyihiin ee Qardho,ay Gudoonsiiyeen Raashin .

Image

Wafdiga waxaa ay usoo Kicitimeen Magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaana ay kulamo la yeesheen Madaxda Sare ee Dowladda Puntland sida MadaxweynahaPuntland & Kuxigeenkiisa Gudoomiyaha G. Wakiiladda & Xubno kamida Wasiirada & Hay,adaha kale ee Dowladda sida Saraakiisha Hay,ada Paswe oo iyagu Waday Howlaha Martida Bilow ilaa Dhamaad,

Image
Xubnaha ka socday Dowladda Kuwait ayaa kala ahaa:

Shiikh Jaasim Maxamed Xuseen Al-Caynati oo ah Madaxa Gudiga Arrimaha Africa
Caadil C/raxman Al-Dukeer oo ah La Taliyaha Gudiga ee Barnaamijka Deeqaha
C/muxsin Cabdalle Al- Sariic oo Qaabilsan Arrimaha Saxaafadda ee Gudiga


Image

Maalmihii ay jooogeen Caasimada Puntland waxaa ay kulamo la lahaayeen Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr, Cali Cabdullahi Warsame oo ay kawada Hadleen Arrimaha Horumarineed ee Caafimaadka Guud ee Deegaanka Puntland Gaar ahaan Dhaqaatiirta & Xaladaha Isbitaalada .Sidoo kale waxaa ay Shirar la Qaatee Masuuliyiinta Hay,ada Daryeelka Bulshada ee Paswe Agaasimha Paswe C/shkuur Maxamuud Gugey & Kuxigeenkiisa Muuse Siciid Geele ( Garoon ))waxaana ay kawada Hadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka & Wada shaqaynta Labada Hay,adood Madaama ay ku Howlanyihiin Labaduba Daryeelka & Horumarinta Bulshada

Image

Aroornimadii Hore ee Saaka ayaa Waxaa soo Gaaray Kaamamka ay ka Deganyihiin Dadka Barakacayasha ah ee Garowe Masuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Caafimaadka , Madaxda ka socotay Dowladda Kuwait ,Agaasimaha & Kuxigeenka Hay,ada Daryeelka Bulshada ee Puntland ( Paswe) Maamulka Degmada sida Duqa Caasimada & Howlwadeenada Dowladda Hoose ee Garowe,

Image
Waxaana Halkaa laga Bilaabay Qaybinta Raashika oo la siinayey Bulshada Kaamamka kunool ee Qaarkood ka soo Barakacay Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya Dadweynaha Xaafadaha kuwooda Liita .

Raashinkan ayaa 4tii Qof la Gudoonsiiyey 3 Loor oo Raashin ah Caano Boore ,Saliida Cuntada & Timir,oo uu ka koobnaa Raashinkani.

Image

Howlwadeenada Warsidaha Raxanreeb oo Goobta Gaaray ayaa Codbaahiyaha la Dhexqaaday Dareenkooda Dadweynaha Cuntada loo Qaybinayey waxaana ay muujiyeen Dareen Farxadeed Iyagoo Hanbalyo & Duco u Hawada u marinayey Dowladda & Shacabka Kuwait ee soo Garsiiyey Deeqdan Raashinka ah ,waxaana ay aad ugu Faraxsanayeen Raashinka Goobta & Sida aanay u Filanayn Raashinkan Maanta .

Image
Goobaha ay Maanta Cunto Qaybinta ay ka sameeyeen wafdiga Kuwait ka socday ayaa waxaa kamid ahaa Xarunta Dadka Dhimirka la,a ee ay Gacanta ku Hayaan Masuuliyiinta Ururka Maxaliga ah ee Nasrullah Markii ay soo Gaareen Xarunta Dadka Dhimirka la,a Wafdigu ayaa waxaa Halkaas warbixin kooban siisay

Image
Xaawo Qaylo wayne oo iyadu madax ka ah ururka Gacanta ku Haya Dadkaas

Waxaana ay sheegtay in ay ku Jiraan Goobta 45 Qof oo ah Dadka Dhimirka la,a ,Xaawo ayaa xustay in Dadkaan ay isugu jiraan kuwo waalidkood ay Xarunta keeneen Qaarna ururku ka soo Xareeyey Gidaarada Magaalada & Bananada kuwasoo aan lanoolayn Markii Horeba Eheladooda

Image
Gudoomiyuhu waxaa ay sheegtay in ay jiraan Caqabado Farabadan oo Haysta Dadkaan oo la xiriira Dhanka Noloshooda,waxana ay tiri “ Waxaa meeshaan ka jira Baahi Deegaan mid Caafimaad Mid Cunto & Daryeel Guud Dowlada ayaa yara na Caawisa wallow aysan nagu Filnayn wax Nala siiyaa “

Gabadha Gudoomiyaha ahi waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay soo Fiicnaanayaan Dadkaan oo iminka Helay Nasho & Daryeel Haba Yaraadee,

Image
Shiikh Jaasim Maxamed Xuseen Al. Caynati oo ah Madaxa Gudiga ee arrimaha Africa ee Dowlaada Kuwait Waydiiyey Suaalo Xaawo la xiriira Xaaladaha Guud ee Dadkan Xanuunsan .

Jaasim ayaa sheegay in uu aad uga Murugaysan yahay Xaalladaha Qalafsan ee la soo Gudboonada Ummadda soomaaliyeed

Shiikh Jaasim ayaa isagoo ku Hadlaya Magaca Dowlaada & Shacabka Reer Kuwait Ku Baaqay in ay Galab istagayaan Ummada & Maamulka Puntland ay ka Caawindoonaan Daryeelka Barakacayaasha ,Dadka Dhimirka La,a & Darbijiifka Taakulayntooda,intii Dabartood ah

Image

Wasiirku Xigeenka Caafimaadka Puntland Dr, Maxamed Xasan Ducalle ayaa u Balanqaaday Dadkaan Dhimirka la, in ay ka Caawinayaan Dhanka Daawooyinka iyadoo ay Hore u Keentay Hay,ada Daryeelka Bulshadu Dhaqaatiir Qaabilsan Xagga Dawada & La Talinta Arrimaha Qofka maxkaxda lagaga Jiro,Dr,Ducaale ayaa sidoo kale Balanqaad Caafimaad oo joogta ah u sameeyey Caruurta Darbi Jiifka ahaan jirtay ee ay iminka Gacanta ku Hayaan Masuuliyiinta isu Xilqaantay ee Reer Puntland ahi,

Image
Wafdigu waxaa kaloo uu Booqday Xarun ku Taal Bariga Magaalada Garowe Halkaas oo ay ku Xaraysanyihiin Dhalinyaro ahaan jirtay Darbijiif iminkase ay Gacanta ku Hayaan Culimaudiinka Puntland Xubno ka Tirsan & Dhalinyaro isu Xilqaantay in ay Caawiyaan Caruurtaas oo u ildarnaa Nololasha Asaasiga ah ,

Image

Shiikh Yaasiin C/laahi waxaa uu ka midyahay Culimada Gacana ku Haya ilmahaan waxaana uu Warbixin ka siiyey Wafdiga Kuwait Xaaladooda Nololeed Halka ay marayso waxaana uu sheegay ,in Caruurtan ay Dhanyihiin 35 kuwasoo laga soo Uruuriyey Meelaha Dariiqyada ah Qaarkoodna ay keeneen Waalidiintood oo u Waayey Qutulyoonkii ,

C/kahadar waxaa uu ka mid yahay Caruurta ku jirta waxaa uu ii sheegay in uu jiro 6 sano waxaana uu ku faraxsanyahay Sida uu ugu noolyahay Xarunta Xananada waxaana uu ii sheegay in uusan markii Hore Haysan Nolol & Waxbarasho Taas oo uu Halkaan ka Helay.

Image

Wafdiga Kuwait iyo Masuuliyiinta Puntland eek u wehelisay Booqashada & Raashin Qaybinta ayaa La Hadlay Caruurta iyagoo waydiinayey Suaalo ku aadan Dareenkooda iyo Nooshooda sida wax isaga Badaleen,

Image
Wafdigaan ayaa Dhamaan Goobaha ay Tageen waxaa Booqashadooda Dhanic socday Raashin loo Qaybinayey oo ay Bixinayeen Dowladda & Shacabka Reer Kuwait

Image

Image

Image

Image

Image

Ma ahan Markii Ugu Horeysay ee ay Deeq Raashina Soo Gaarsiiso Bulshada Soomaaliyeed ee Daryarta ah Dowlada Kuwait iyadoo Meelaha Raashinka ay Gaarsiisayna ay ka midtahay Magaalada Muqdisho Xeryaha axootiyada soomaalidu ku suganyihiin ee Wadamada Dariska ah
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Kuwait ayaa Deeq Raashin soo Gaarsiisay Barakacayaasha p

Post by quark »

kuwait :up:
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Kuwait ayaa Deeq Raashin soo Gaarsiisay Barakacayaasha p

Post by damu »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”