Maxamad farax meets the Mujahid

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Maxamad farax meets the Mujahid

Post by The_Emperior5 »

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Casho Sharaf U Sameeyey Orod Yahanka Maxamed Faarax (Mo Farah)




"Waxaad taariikhada ku leedahay waxaad tahay ninkii u horeeyay....."Muse Bixi (DAAWO SAWIRADDA)

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Musue Biixi Cabdi ayaa Caawa Casho Sharaf Balaadhan u sameeyey Orodyahanka Mo Faarah oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Dalka.
Xafladan Casho sharafta aheyd oo ka dhacdey Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa .


Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Xoghaya Guud Ee Xisbiga Kulmiye Md Xasan Siciid Yuusuf, Mareeyaha Madbacada Qaranka Cali Raygal, Mareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, La taliyaha Wasiirka ee dhinaca Dhallinyrada iyo Ciyaaraha Rashiid, Xasan Waraabacade oo ka mid ah qurbajooga Somaliland,
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo xafaldaasi casho sharafta aheyd hadal kooban ka jeediyey ayaa ugu horeyn Tacsi U direy qosaskii dadkii ku geeriyoodey Daadkii xalay ku qaadey dooxa agabar 11 qof kuna dhinteen waxaanu Yidhi Gudoomiyuhu isaga oo arimahaasi ka hadlaya “Marka hore waxaan doonayaa in aan tacsi u diro masiibadii kadhacday Agabar oo aan qaranka oo dhan ka tacsiyeeyo iyo qoysaskii ay ka dhinteen, masiibo aad u wayn oo shil gaadhi kii ugu waynaa taariikhada Somaliland ayaa dhacay, in 12 qof ay daad mar qudha meel kuwada qaado taariikhda hore umaynaan arag, waxaan tacsi u diraynaa qoyskii, qaranka iyo ahelkii dadkaasba, waliba dadka dhintayna dumar bay ahaayeen oo guriga hooyada iyo aabaha, aabahaa fudud oo hooyadaa reerka isku haysa oo taas waa la ogaaday alle iyagan hawnaxariisto, umadana samir iyo iimaan haka siiyo.”
Guddoomiyaha oo ka hadlayey casho sharafta uu u sameeyay oradyahanka reer Somaliland Maxamed Faraarax iyo xaaskiisa “ Talbaad Maxamed Faarax iyo xaaskiisa waxan ku tah-niyadaynayaa, waxaad taariikhada ku leedahay waxaad tahay ninkii u horeeyay ee reer Somaliland wiil iyo gabadhba ee soo qaada guul caalamiya. Wali nin kale oo dalkan u dhashay goob qoraal,fan, tacliin waxaa aduunka lagu tartamoo dhan waxaad nasiib u hashay guushaas aad keentay ka sokow taariikhada kowbaad ka tahay, waxaad hormuud u tahay dadka afka Somalilayaga ku hadloo dhan waanan kugu hanbal-yeynaynaa”
Wasiirka Duullista Iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi Oo isna Xafladaasi kahadley ayaa yidhi “Sharaf wayn ayay runtii iitahay in aan ka soo qayb galo xafldan casho sharaftaa ee uu sameeyay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee uu ugu talo galay inuu ku maamuuso Maxamed Faarax iyo Marwadiisa, waxa kale oo xusud mudan Maxamuud Cumar oo kaalin wayn ka qaatay ololalihii xibiga Kulmiye oon halkan uga mahad celinayano, ila markaana ka qayb qaatay imaatinkii orad yahan keena laftigiisu inuu dalkiisa dib ugu soo laabto. Waxaan leeyahay wadankaagii hooyo ayaad timid, muuqaal iyo sawir aanad markii hore haysan ayaad baad heshay waxaan kaa rajaynaynaa inaad tusaale fiican u noqoto da’yarta Somaliland.”


Xoghayaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Siciid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in Orod yahankani yahay qof magac u soo hooyey dalkiisii, isaga oo ka sheekeeyey Taariikhdii Orodyahanadii Dalka Soo maray.

Oradyahanka Mo Farah oo xafladaasi kahadleya yaa umahadnaqey Gudoomiyaha Kulmiye casho sharftan uu usameeyey isagoo xusey inuu aad ugu faarxsan yahey imaanshaha dalkiis ahooyo iyo sida balaadhan ee loogusoo dhaweeyey isagoo xusey inuuw axabdan laqaban doono Somaliland.
Sidoo kale fananaka caanka ah Ee Sir Mohamud Cumar oo xafladaasi kaahdley ayaa u mahadnaqey Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Bixii waxaanu sheegey in uu aad ugu faraxasan yahey sida balaadhan ee lo soo dhaweeyey Orodyahanka Mo Farah.

Mareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ,Rashiid oo ah lataliyaha wasiirka ciyaaraha iyo Xasan waraabacade oo xafladaasi kahadley ayaa aad ugu mahadnaqey gudoomiyaha kulmiye casho sharftan balaadhan ee uu kusoo dahweeyey orodyahnka Mo Farah.





Sacad Muse Cabdi
Gabiley News Reporter
Hargeysa/ Somaliland

Published: 2011-09-2
Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: Maxamad farax meets the Mujahid

Post by Saraxnow »

Thats great to hear. :up:

Can I know why he is not very active though as in talk about important issues, or does he?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”