Siilaanyo toos ayaa loo sawiray loogana sii daayay maxaabiistuu uu haystay, kuwii laga haystayna waa la soo dayn doonaa ayaa la yidhi hadaad kuwa aad hayso soo dayso, run ayuu mooday oo cidla cararay, hadaa la leeyahay waxba laguu soo daynmaayo ee xejiso.!!!!
Hargysa,(Qaran news)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa cafis u fidiyey koox maxaabiis oo ka tirsanaan jiray ciidamada daraawiishta ee maamul goboleedka Puntland oo lagu qabtay dagaal dhexmaray ciidamada somaliland iyo daraawiishta puntland agaagarka tuulada ganbadha oo ku taala jiidaha hore ee difaaca ciidamada Somaliland,waxaa la xaqiijiyey in kooxdan lagu qabsaday dagaal gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamada somaliland ee jiida hore fadhiya balse ciidankii kooxdani ka tirsanayd la jebiyey,hubna laga furtay iyagana gacanta lagu soo dhigay iyagaan saxar gaadhin manta la sii daayey iyagoo caafimaad qaba,welibana sahay loogu daray sii deynta.
Maxaabiistan uu Siilaanyo sii daayay ayaa waxa ay wararku sheegayaan in xoog ay maamulka Puntland ku saareen Siilaanyo in uu sii daayo maxaabiistaasi hadii uu doonaayo in loo soo daayo madaxdii gobolka Sool ee dhawaan ay maamulka Puntland ay ka afduubteen degaanka Taleex ee gobolka Taleex, Siiraanyo ayaa ku khamaaray sii daynta ragaasi maadaama oo aanu hubin isla markaasna aanu haysanin balan qaad rasmi ah in la sii dayndoono maxaabiistaasi ka tirsan maamulka Siilaanyo ee lagu xukumay magaalada Garoowe, xukumada Siilaanyo ayaa ay fadeexad xun kunoqon doontaa hadii aan maxaabiistaasi Somaliland laga haysto iyagana aan ooda laga soo qaadin ayaamaha soo socda. if only faroole did it
Kooxdan maanta uu Siilaanyo sii daayay ayaa kooban ilaa todoba maxaabuus ,isla markaana muddo ku xidhnaa jeelalka Somaliland ayaa ugu danbayn maanta la sii daayey looguna sameeyay xaflad iyo casuumad balaadhan Hotel Kaah halkaas oo ay ka soo qeyb galeen raxan ka mid ah wasiirada xukumada Siilaanyo kaga jira gobolada bariga Somaliland waxaana ka mid ahaa wasiirada ka soo qeyb galay munaasibada sii daynta oo ka dhacday Hotel Kaah wasiirka duulista iyo hawada Maxamaud Xaashi Cabdi oo metelayey kuna hadalayey afka madaxweyne Siilaanyo,wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade ,wasiirka xanaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir Cali oo isagana lagu qurxiyey madasha iyo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe oo seedigii ku jiro maxaabiista la sii daayey manta.
Qaran news.
