Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala

Post by Goljano Lion »

Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala ee Bariga Sanaag

Garoowe(Waaheen)-Wasiirka Wasaarada Amaanka ee Maamul Goboleedka Puntland Khaliif Ciise-Mudan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Amnison ee Dhowaan la keenayo Puntland ay si toos ah u imaandonaan degaanada Puntland, gaar ahaan Deegaamada Buuralayda Galgala, Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo iyo koonfurta Dhanka Golmudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka oo booqasho ku jooga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dib markii uu socdaal ku tegay Magaaladaasi ayaa sheegay in Deegaamada Buuralayda Galgala ay hada joogaan ciidamo tiro badan oo Maamulkiisa ka amar qaata, kuwaasoo uu si toosa u tibaaxay in Ciidamadan Amisom lagu xoojin doona si ay u sugaan amaanka Deegaankaasi.
Buuralayda Galgala oo ku taala Xuduuda Somaliland iyo Maamulka Puntland ayaa hore waxa ugu dagaalamay Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad daacad u ah Wadaad ka soo jeeda Bariga Sanaag oo la yidhaahdo Maxamed Siciid Atam, kaasoo maamulka Faroole ku eedeyn jiray inuu Xidhiidh la leeyahay Kooxda Alshabaab, isla markaana ay Dawlada Somaliland taageero siiso.
Waxaanu Dagaalkaasi saamayn culus oo dhinaca amniga ah ku yeeshay Dadka Shacbiga ah ee ku dhaqan Deegaamada Bariga Sanaag ee Somaliland oo Wadaadkaasi dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Sheikh Atam Maleeshiyadiisa iyo Dawlada Somaliland, balse hadalka soo yeedhay Maamulka Faroole ayaa hadii uu rumoobo, waxa uu halis ku yahay Nabad-gelyada Somaliland ee Gobolka Sanaag iyo Xidhiidhka wadamada Afrika ee iyagu halkaasi ciidamada u soo diraya, iyadoo talaabadaasi Puntland wado ay horseedi karto inay isku dhacaan Bulshada ku dhaqan Buuralayda Galgala iyo kuwa Calmadaw ee Bariga Sanaag iyo Ciidamadan Shiisheeyaha ah ee Amisom.

isku dhacaaasoo sababi kara inay Dawlada Somaliland faro gelisay Hawl-galkan lagu soo qaaday Shacbigeeda Reer Guuraaga ah ee deegaamadaasi ku nool, kuwaasoo hore uga dhiidhiyay in Maamulka Faroole Xeryao Ciidan ka samaysto Buurahaasi Dushooda si halkaasi looga fadhataysto Macdan iyo Shidaal Faroole u soo kiraystay Ciidamo Calooshooda u shaqaystayaal ah oo ay leedahay Shirkada Sarcen.

Sidoo kale keenista Ciidamada Amisom ee Maamulka Puntland ayaa u muuqda mid uu Faroole ku doonayo inuu ku soo weeraro Dhulka ku teedsan Xuduudaha Somaliland iyo Maamulkiisa oo uu Hayb ahaan Sheegto, gaar ahaan Gobolka Sool iyo deegamada ku yaalada Bariga Sanaag.

:lol: :lol: Tuna heads Fufu boys baa loo dalbaday inay shaqo ka qabtaan
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala

Post by Goljano Lion »

Xamud :lol:

Wasiirka Wasaarada Amaanka ee Maamul Goboleedka Puntland Khaliif Ciise-Mudan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Amnison ee Dhowaan la keenayo Puntland ay si toos ah u imaandonaan degaanada Puntland, gaar ahaan Deegaamada Buuralayda Galgala, Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo iyo koonfurta Dhanka Golmudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala

Post by Xamud. »

I don`t understand what you are trying to tell us? I mean we have known for over a week or so that AMISOM are headed to Gaalkacyo, maxaa nagu so kordisay haada?
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala

Post by Goljano Lion »

Xamud. wrote:I don`t understand what you are trying to tell us? I mean we have known for over a week or so that AMISOM are headed to Gaalkacyo, maxaa nagu so kordisay haada?
why would they be deployed Xaafada Garsoor and not Garowe or bosaso?
anonymousfaarax
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1987
Joined: Thu Aug 11, 2011 4:35 pm

Re: Puntland oo Ciidamo Amisom keenaysa Buuralayda Galgala

Post by anonymousfaarax »

This still doesnt make sense. Arnt these troops more needed by the TFG ? What exactly are they going to do in Galgala or Garsoor; if it is to fight the locals then this is a clear ploy to destabilise northern Somalia. Disgusting news altogether and if Faroole has sanctioned this he needs to be shot in the head :|
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”