Xarunta taliska asluubta Puntland ayaa maanta waxa ka dhacey munaasabad xilka ay kula kala wareegayeen taliyiihi hore ee biiliska iyo asluubta Puntland Gen,Cali Nuur Cumar iyo taliyaha sida ku meel gaarka ah loo magacaabey Col,Maxamed Siciid Jaqanaf.Xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qaybgaley masuuliyiin ka socota wasaaradaha ku laaman taliska booliska iyo asluubta sida Cadaalada iyo Amniga oo agaasimyaahsoodu joogen,wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland,madaxda hayada UNDP oo gacanta ku haysa mashaariicda booliska Puntland ,kuxigeenada taliyaasha booliska iyo asluubta ,saxaafada iyo saraakiil katirsan ciidanka booliska Puntland.Gen,Cali Nuur Cumar Saalax ayaa ugu horeyn ka hadley halkaasi waxana uu ka soo sheekeyey waxqabadkisi tan iyo markii loo magacaabey asluubta 2008,iyo marki danbe ee la iskugu darey booliska iyo asluubta October 2010.
Waxa uu mahad balaaran u soo jeediyey dhamaan cidii la shaqeysey oo uu sheegay in la’aantood uusan kari kareen in u ka soo baxo shaqada kaligiis,waxana uu cadeyey in uu u taagan yahay markasta sidii dalka loo horumairn lahaa.Agaasimaha guud ee wasaarada amniga Puntland Cali Maxamed Cabdiraxman Cali Hayaan oo isna ka hadley munaasabada ayaa Cali Nuur amaan balaaran u soo jeediyey isagoo tilmaamey in uu yahay nin ku ad adag dhanka shaqada hawlkarna ah,
Dhanka kele waxa uu taliyaha cusub ee la magacaabey ku booriyey dhankiisa in uu la yimaaod fir fircooni iyo dar dar gelin hawlaha booliska Puntland,kana tusaale qaato taliyihii hore Cali Nuur.Gaashaanle sare Maxamed Siiciid Jaqanaf oo xilka maanta si ku meel gaar loogu wareejiyey ayaa ka sokow farxadiisa ku aadan qaabka wanaagsan ee uu Cali Nuur ugu soo wareejieyey xafiiska , waxa uu tilmaamey in xilku yahay hawl hor leh iyo shaqo dheeraad oo u baahan xilkasnimo.Jaqanaf waxa uu ka mid ahaa booliska Puntland in mudo waxana uu la shaqeenayey Cali Nuur o kuxigeen u ahaa,isagoona tilmaamey in taliyihiisa wax badan in uu uga deyan doono.
Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii madaxweynah Puntland uu xilka ka qaadey taliyiihi hore ee ciidanka booliska iyo asluubta Puntland Gen,Cali Nuur Cumar islamarkaasina si kumeel gaar ah loogu dhiibey Maxamed Siciid Jaqanaf oo horyaaliin arimo badan oo u baahan waxqabad balaaran.
http://www.garoweonline.com/artman2/pub ... a_PL.shtml
Jaqanaf oo la wareegey taliska booliska PL
Moderator: Moderators
- CismanMaxamud1
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1824
- Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
- Location: SSDF/Kulmis
- CismanMaxamud1
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1824
- Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
- Location: SSDF/Kulmis
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 239 Views
-
Last post by fatimazahra
-
- 0 Replies
- 441 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 9 Replies
- 763 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by NoAngst.
-
- 36 Replies
- 3081 Views
-
Last post by Mustafee101
-
- 24 Replies
- 2023 Views
-
Last post by Murax
-
- 1 Replies
- 465 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 14 Replies
- 963 Views
-
Last post by Lancer
-
- 3 Replies
- 328 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 1 Replies
- 322 Views
-
Last post by damu


