
Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey [Dhegeyso]
Waxaa magaalada Garoowe maanta soo gaarey wefdi ka socda dalka Maraykanka oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee dowalda Maraykanka u qaabisalan arimaha Soomaaliya.
James C. Swan iyo wefdigiisa oo Garoonka diyaaradaha si diiran loogu soo dhoweeyey ayaa intii ay Garoowe ku sugnaayeen kulamo gooni gooni ah la qaatay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Puntland, Golaha wasiirada, xubno ka socdey Ganacsatada, iyo qaybo kale oo bulshada ka tisan.
Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi [Libaax Joorre] oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey ujeedada ka danbeysa booqashada ay wefdigan Maraykanka ahi magaalada Garoowe ku soo gaareen iyo waxyaabihii kasoo baxay kulamadii ay Mas’uuliyiinta dowlada la qaateen.
Wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay dowlada Maraykanku deegaanada Puntland uga hirgelin lahay mashaariic horu marineed oo dhowr ah gaar ahaa horumarinta degmooyinka ku yaal dhulka fog fog ee ku teedsan xeebaha Puntland.
Afhayeenka Dowlada ayaa sido kale sheegay in Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya uu ka dhawaajiyey in Mashaariicdaas ay fulin doonaan labo Hay’adood oo fadhigoodu uu dalka Maraykanka yahay.
Dhegeyso codka afhayeenka dowlada Puntland
Waa markii ugu horeysey oo James.C.Swan uu dalka Soomaaliya soo gaaro tan iyo intii loo magacaabay xilka uu hada hayo , waxayna Puntland noqonaysaa meeshii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado intii uu noqday Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya.
Horseed Media
Dhegeyso codka afhayeenka dowlada Puntland
http://horseedmedia.net/2011/11/19/erge ... -dhegeyso/