About:- 2 hours ago| 5 Commnets
Waxaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar laga furay xarun weyn oo loogu tala galay in lagu xanaaneeyo dadka dhimirka ka jiran ee qaba cudurka waalida.
Hirgelinta xaruntan oo ay si wada jir ah isaga kaashadeen Waxgaradka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, iyo Qurbe joogta degmada Qardho ayaa shalay kulan ka dhacay xarunta degmada lagu doortay gudi 9-xubnood ka kooban oo iyaga maamulka xaruntaasi uu hoos tegi doono.
Shirkii gudigaas lagu dooranayey oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen in badan oo kamid ah Guurtida iyo waxgaradka degmada Qardho ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade).
Waxaana kulanka shalay xarunta maamulka degmada Qardho ka dhacay uu ahaa mid lagu ansixinayey Gudigaas 9-ka xubnooda ka kooban oo iyaga si gaar ah loogu doortay inay ka shaqeeyaan islamarkaana maamulaan qaybaha ay xarunta xanaaneynta dadka dhimirka ka jiran ee Qardho laga furay ka koobnaan doonto.
Xubno ka tirsan Gudiga gaarka ah ee fulinta howshaas shalay loo doortay ayaa Horseed Media u sheegay in Xaruntaas laga furayo goob caafimaad oo dhowr sano kahor ay dhistay islamarkaana ay qalabaysay Hay’adda samafalka ee Manhal taas oo markeedii hore loogu tala galay in Isbitaal laga dhigo.
Waxayna sidoo kale sheegeen in ay ka koobnaan doonto labo qaybood oo kala ah qayb lagu xanaaneyn doono lana jiifinayo dadka aadka u xanuunsan iyo qayb kale oo loogu tala galay in ay si joogto ah daawada uga qaataan dadka ay xaaladoodu sahlan tahay.
Sababta ka danbeysa in xiligan la furo xaruntaas ayaa ah kadib markii koox aqoonyaho iyo dhakhaatiir isugu jira oo kami qurbaha una dhashay degmada Qardho ay qiimeyn ku sameeyeen heerka ay gaarsiisan tahay tirada dadka dhimirka ka jiran ee Qardho iyo gobolka karkaa ku sugan baaritaankaas oo ay ku ogaadeen in ay jiraan dad badan oo xanuunka waalida la il daran kuwaa oo intooda badani aanay lahayn cid daryeel u fidisa.
Furitaanka xaruntan cusub ayaa ku soo beegmaysa xili uu Puntland ku sugan yahay Dr.Cabbaas Jaamac oo takhasuus dheer u leh cudurada maskaxda, waxaana uu ka yimid dalka Maraykanka si uu gacan uga geysto dadka ka xanuunsan dhanka maskaxda kuwaas oo aan helin gargaarkii ay u baahnaayeen, waxaana Dr.Cabbaas ka hawl bilaabey magaalada Qardho isaga oo meelo kalena gaari doona.
Si kastaba ha ahaatee xarunta xanaaneynta dadka dhimirka ka jiran ee degmada Qardho ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee degmada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar laga furo todobaadka soo socda ayaana si rasmi ah xariga looga jari doonaa.
Horseed Media





Keep it up I love the grass-root projects gets to the local people

