Wiilkii wuxuu goaansaday inay gabadha isguursadaan oo
reerkiisa ayuu u sheegay si loogu doono. Gabadhii markii
la doonay oo reerkii dhalay loo tagay ayaa jiq looga dhigay (qabil reasons). Odoyadii wiilka dhinaciisa ka socday way xanaaqeen oo way
isaga soo laabteen iyagoo gacmo maran (buuga qabiilkana way ku qorteen qabiil hebel waxay kala kulmeen).
Mudo kadib ayaa odayadii shalay gabadha loo diiday laga soo doonay
gabar. gabadha waxaa ka soo doontay reer ay isku laf yihiin kuwii shalay
ayaga u diiday gabadha.
Odayadii way ku gacan seereen reerkii ka soo doonay gabadha oo way ka diideen in gabadhooda baxshaan. Reerkii gogol bay dhigteen oo laisugu yimid. Dadka ayay u soo bandhigeen sida loola dhaqmay oo eedooda ayay sheegteen. Odayadii iyaguna tii lagu dhigay bay sheegteen oo waxay xujo ka dhigeen in bixinta gabadha ku xirantahay wiilkooda oo lagu daro gabadhii hada ka hor loo diiday ee kalgacaylka ka dhexeeyay.
Ugu dambayn labadii reer way kala guursadeen gabdhihii ay isku diideen oo arintu sidaas bay ku xaliyeen.
