Abwaanad Roodo Afjano oo gabay u tirisay shirka Khaatumo:

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Abwaanad Roodo Afjano oo gabay u tirisay shirka Khaatumo:

Post by ina aadan »

Abwaanada caanka ah Roodo Ibraahim Afjano ayaa tix gabayo ah u tirisay shirka Khaatumo ee degmada taariikhiga ah ee Taleex lagu soo gaba-gabeeyay. Shacabka Soomaaliyeed ee SSC ayaa shirkaa aayahooda kaga tashtay iyagoo si cad u diiday kala go’a Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay tan iyo burburkii wadeeyn maamulka Somaliland la baxay.

1. Abwaanada murtida soo bandhiga midba baabe.
2. Bidhikaale yaalbaa jiriyo bawsi la abraare.
3. Basar xumiyo qaarbay ka tahay dhaqanka baabiiye.
4. Barqaawiyo dadkoo dhereg kujira oo balxaday dooga.
5. Qaarbaa batrool iyo ku shuba dab iyo baasiine.
6. Qaarbaa in lay booba jecel oo ku cuna baade.

7. Anna baasha aan ula kaciyo baaca gabaygayga.
8. Isma kiin baraayoo horaad iiga bogateene.
9. Barriiqiyo halkaan ii qalmayn waan balfahayaaye.
10. Kol haduu Illahay ibaray boqorka suugaanta.
11. Bulxan iyo sidii ina Dagaan xubinta baadhaaye.(Qamaan Bulxan iyo M Cumar Dage.)
12. Aan baljiidho maantoo kaluu ii banaanyahaye.

13. Bulshada SSC yeey anoo bu’da abaaraaya.
14. Marka hore hadiyad baaxad weyn oo ka timid Baarrey.
15. Xareedii Bulaalana lamid ah uu kalgacal buuxo.
16. Bariidiyo salaanbaan wadaa buuran oo culuse.
17. Xikmadii baryahan gaaxsanayd way burqanaysaaye.
18. Bidhihiyo u hoorsada markaha ilahan boodaaya.

19. Hawlaha balaadheed wadaan amase beekhaamay.
20. Khaatumo shirkaa loo baxshee bulidu ii sheegtay.
21. Waa kulan si weyn loogu bogay oo bishaaro ahe.
22. Baahibaana loo qabay xiligan inaad ku beegtaane.
23. Bismillahi dhaha waa markale baadi doon sax’ahe.
24. Midnimadii bukootee jirada laga bogsiin waayay.
25. Eeggay baxnaansami hadaad budul u jeexdeene.
26. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
27. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay

28. Boga ani waxaa igaga yaalaa baydkaad xulateene. (Guriga)
29. Bogacddii halyaygiyo rutgii bilaysay taariikhda.
30. Baga iyo allaylehe bagaad dib u binayseene.
31. Bardaha gogoshu taalee samaha laga bilaabaayo.
32. Burdihiyo qur’aankiyo ku muda badhaha yaasiinka.
33. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
34. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

35. Bilic iyo rajaad muujiseen oo ma aha beene.
36. Haday borobagaandhiyo hadheen sheeko bara leeye.
37. Buushe bixiya taladiina oo yaysan kala baahin.

38. Baandheeya xaajada kolkaa baarka sare qaata.
39. Indinkoon cadliga baal marayn beegsi wacan yeesha.
40. Geedigu badh yuu idinka noqon oo bisayal hubiya.
41. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
42. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay

43. Buub iyo hogaan kuma habana layli bayr qaba’e.
44. Nin burhaan leh oo aan baqayn geesi laga baydho.
45. Nin cilmiga bartoo aan ahayn jaahil bahardaada.
46. Deeqsi aan bakhaylayn kolkuu baahi yahay xaalku.
47. Ilahayna barakeeyay oo baawariyo xoogleh.
48. Hayin gurada loo buuxin karo oo bad qaba doorta.
49. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
50. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

51. Buruudkiinu waatuu adkaa bari samaagiiye.
52. Balo indima qooraansatiyo buuq iblays wada’e.
53. Birmad baad ahaydeen waqiin guusha beegsada’e.
54. Burjigiinu waa wali sidii oo ma baalidine.
55. Birlabnimadii soo celiya oo baylah tira ciidda.
56. Soomaliweyn baaq u dira laysu boholyoowye.
57. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
58. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

59. Basanbaas dadkaa wada qab ee dhaaxa kala baaday.
60. Bud dhigihii xoriyadiyo Taleex ha isku booqdeene.
61. Gacal kala baqooloo naxlina waafog lagu beeray.
62. Ha baraarugeen oo markale ha is ku booyeene.
63. Boogaha ka dhaya iyo jugtii gaadhay badankooda.
64. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
65. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

66. Calankaa Buuluugee xidigi beerka kaga taalo.
67. Booli maaha ee waa midkaad balal jeedheene.
68. Waa boobe iyo jeer midkaad bayl u xidhateene
69. Balqanyihii cadaa waa midkaad ugu badheedheene
70. Bahal dool kuyimid waa midkaad u boqno goyseene.
71. Dhiigiinu waa kuu u baxay una buseesheene.
72. Birta sudha in badan buu ahaa baadi oo kale’e
73. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
74. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

75. Qarankii burburay iyo shacbiga bacadka loo ooday.
76. Bushiigii ku raagiyo ha tago daal bariinsadaye.
77. Waxa manta bixin kara wadani badhax tirkiisiiye.
78. Gobanimdi baartee lanacay boodhka ka afuufa.
79. Waxay shalay ku biirootay iyo baynax ka ilaalsha.
80. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
81. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

82. Dhulka laga ban joogoobay ee nacbku boobaayo.
83. Gumaysigu burkuu kaga dhex tagay baadha xididkiisa.
84. Barkhadana u horseedoo imudaa loo basaas mudaye.
85. Baalaha dadkaa idinka xiga nabad ku baaweeya.
86. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
87. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

88. Inkasto lakala booday oo buur lakala fuulay.
89. Bogana ay cuqdadi jiifto iyo laabta babaceeda.
90. Bada laguma kala jeexi karo beerarkays dhalaye.
91. Biyuhuna makala soocmayaan oo allays badaye.
92. Bahwadaag makala maarantee badiya tawfiiqda.
93. Bili iyo cawaba laydin saar lagu badhaadhaaye.
94. Booskii darwiiskii u gala shacabka bayhoofay.

95. Colaad buunka yaan cidi u tumin bi’iya weeyaane .
96. Waa baro kac dhaxlkeedu iyo baahi joogto ahe.
97. Asay badata iyo waa agoon midhahay beertaaye.
98. Barbaariyo waxay sahayataa baarcad soo kiciye.
99. Aakhaarina bar kulankeedu waa bohosha naareede.
100. Dad ilaah ka baqayaa waxaa uma badheedhaane’e.
101. Soomaaliyeey cashir ka baro Xamar bidhaanteeda
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Abwaanad Roodo Afjano oo gabay u tirisay shirka Khaatumo

Post by Babygirl- »

:rose: :up: nooloow
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: Abwaanad Roodo Afjano oo gabay u tirisay shirka Khaatumo

Post by samadoon-waaxid »

beautiful poem,walle ina afjano waa mujaahidad.Noolow eedo nollow :up:
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: Abwaanad Roodo Afjano oo gabay u tirisay shirka Khaatumo

Post by siren »

Masha Allah tabarka Allah, ilahaayo toolka ha naga qaadin... :clap: :clap:
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Abwaanad Roodo Afjano oo gabay u tirisay shirka Khaatumo

Post by EastAfrica »

Thank You, Abwaanad Roodo Afjano


viva ONLF, viva Khaatumo
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”