Ali Samatar to Appear in US Court for War Crimes
Cali Dhagar-qabe Samatar Oo maxkamad lagu soo taagayo Maraykanka 21-ka bishan
February 6th, 2012
USA (Somaliland.Org)-Dhagarqabe Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga ee Dawladii Haligantay ee Maxamed Siyaad Barre ayaa la hor geynayaa maxkamad ku taala magaalada Alexandria, VA ee dalka Maraykanka Bishan February ee aynu ku jirno 21keeda.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska The Center for Justice and Accountability oo u doodaya muwaadiniin reer Somaliland oo dacwo ku soo oogay Cali Samatar ayaa in ka badan muddo Todoba Sanadood ah la tacaalayay sidii cadaalada loo horkeeni lahaa Dhagarqabe Cali Samatar oo isugu si cad u qirtay inuu bixiyay amarkii lagu burburiay magaalooyinkii Somaliland laguna xasuuqayay boqolaal kun oo ku abtirsan jiray ururkii SNM.
Cali Samatar iyo hadhaadigii Siyaad Barre oo ay waliba gacan siinayeen Xukuumad ku sheegyadii Cali Mahdi, C/Qaasim Salaad Xasan, Cabdilaahi Yuusuf, iyo Sheekh Shariif ayaa dhamaantood isu bahaystay sidii maxkmada looga baajin lahaa in Dhagarqabahan la hor keeno, waxaana xulufadaas shydaaniga ah ee cadaalad darrada isu bahaystay ay ku guul darraysteen cadaalad darradii iyo dulmigii ay taageerayeen ee ay ugu hiilanayeen ninka dhiigga faraha kula jira ee xasuuqa iyo barokicinta u geystay boqolaal kun oo qof oo aan danbi galin.
Dawlada Maraykanka ayaa aqoonsatay in dhagarqabe Cali Samatar ay waajib tahay in cadaalada la horkeeno oo uu ka jawaabo dambiyadii uu ka galay reer Somaliland.
Labada geesi ee reer Somaliland ee kala ah Mudane Baashe Cabdi yuusuf iyo Mudane Aziz Mohamed Deria (ina maxamed iid) ayaa dagaal adag iyo halgan dheer u galay sidii Dhagar qabe Cali Samatar maxkamad loo hor keeni lahaa, waxaana halgan dheer oo dhib leh ka dib ay ku guulaysteen in Cali Samatar la hor keeni doono 22ka bishan Maxkmada Cinwaankeedu ayay Albert V. Bryan U.S. Courthouse, 401 Courthouse Square, Alexandria, VA.
Dhinaca kale warar xog-ogaal ah oo ka imanaya dalka Kenya ayaa tibaaxaya inuu dhuumasho galay dhagarqabe Moorgan oo dhawaan ka soo muuqday shir ay Kenya ku qabsadeen kooxda Khaatumo Seeg, Dhagarqabe Moorgan ayaa ka werwersan Jaaliyada reer Somaliland ee Kenya ku nool oo wacad ku maray in Morgan uu Cadaalada hor yimaado geeri iyo nolol kay doonto ha ahaatee, waxaana la sheegayaa in Dhagar qabe Morgan oo isagu ah ah Fulay hadh ka carar ah uu imika habeenba meel seexdo.