7 Mar 7, 2012 - 7:58:58 AM

GAROWE ONLINE
Waxaa Garowe soo gaaray maanta 07, March wafdi ka socda deeq bixiyeyaasha mashaariicda la- dagaalanka burcad badeeda,waxayna ka kala socdaan dalalka Britain,Norway,Denmark,iyo Holland,iyadoona ujeedka safarkoodu ahaa inay hubiyaan qaabka loo fuliyey lacagihii loogu tala-galay la dagaalanka burcadbadeeda iyo qaabka ay u qabsoomeen.
Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeeda Puntland C/risaaq Maxamed Dirir oo xafiiskisa saxaafadda kula hadlay ayaa faahfaahiyey imaanashaha wafdigan,wuxuuna sheegay in shir hore golaha amaanka oo lagaga hadlayey burcad badeeda taasoo ku saabsanayd sidii TFG,Puntland,Somaliland loogu soo wareejin lahaa buracda badaha ee Somalida ah.
Hawsha kele ee ugu weyn oo xubanaha waftigani u yimaadeen Puntland ayaa ah sidii Puntland ay ula saxeexan lahayeen in buracdbadeeda Soomaaliyeed ee ay ka qabtaan ciidamada shisheeye sidii loogu maxkamdayn lahaa Puntland,iyadoo maxkamadana iyo xabsiyo gaara loo samaynayo dhowaan.
Waftigan maanta waxay la kulmeen xafiiska la dagaalanka burcadbadeeda,iyagoo la kulmi doona wasaarada cadaalada,taliska booliska Asluubta iyo xabsiyada ugu damabayna waxay shir la yeelanyaan sida qorshaysan madaxweynaha Puntland oo galabta soo gaarey Garowe.



