Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxana si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi oo ay ka qayb-qaateen masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Qardho.
Dhex-dhexaadinta laba beelood oo walaala ah ayuu ku sheegey madaxeynaha Puntland socdaalkiisan ujeedadiisa iyo u kuurgelida xaalada guud ee gobolka.
Waxa uu booqdey Dr.Cabdiraxman Maxamed goobo muhiim ah oo Qardho ku yaal sida Ceelasha biyaha ,Saldhiga Booliska , aqalka martida iyo xabsiga oo labaduba socoto hawsha dhimsamahooda iyo weliba kuleejka gabdhaha.
Madaxweynaha waxa uu intaasi ka dib hadal kooban saxaafada siiyey oo uu ku sheegey in laba boolood oo horey u wada-dagaalamay haddana hub isku aruursanaya ay dhexgali doonaan islamarkaasina doonayaan inay demiyaan dabka colaadeed.
Kulan ayuu sheegey galabta inuu dhexmari doonaan dowladda iyo madaxda dhaqanka gobolka Karkaar oo ay kaga hadlayaan qaabka fitnadan looga hortagi lahaa.
Dhamaadkii sanadkii 2011 ayay markii madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ugu danbeysey Qardho.oo uu xiligaasi uga sii gudbey dhanka Bossaso xarunta Bari.
Si rasmi ah looma shaacin mudda uu Dr.Farole ku sugnaan doono Qardho waxana wararkayaga danbey idiinkusoo gudbineysaa faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan kulamada uu Qardho la qaato maamulka iyo odayaasha.
Madaxweynaha Puntland oo Qardho maanta gaarey
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 620 Views
-
Last post by HaragWafi85
-
- 13 Replies
- 1255 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 2 Replies
- 576 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 11 Replies
- 801 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 1 Replies
- 442 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 340 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 428 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 322 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 795 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 337 Views
-
Last post by FBISOMALIA