26-june-2012 is official holiday day in ALL puntland states

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

26-june-2012 is official holiday day in ALL puntland states

Post by FBISOMALIA »

Image

Wasiirka warfaafinta ,isagaarsiinta ,hidaha iyo dhaqanka Puntland Axmed Cali Askar ayaa maanta 25 June,2012 hanbalyo u direy dadweynaha reer Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaliyeed ku aadan munaasabada 26 June oo madaxbanaanida qaateen gobolada waqooyi ee dalka.

Shir saxaafadeed uu ku qabtey xafiiskiisa Garowe ayuu dib ugu jaleecey taariikhdii gobanimo u dirirka Somalia iyo halyeeyadii u istaagey difaaca dalkeena.

‘’Halkan hanbalyo ayaan waxa ka gaarsiinaya shacbiga iyo umadda reer Puntland iyo guud ahaan Somalia meel ay jooganba ,qof oo kasta oo Soomaliyeed waxa uu xasuusanyahay 26 June,1960 farxada iyo raynraynta ay lahayd markii ugu horeysey oo la saaro calan Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Axmed Cali Askar.

Wasiirka warfaafintu waxa uu shaaca ka qaadey in maalinta beri ah dhamaan xarumaha dowladda Puntland iyo hayadaheeda ay fasax ka yihiin shaqada laguna maamusayo xuska maalintan Somalida meel gaar ah kaga taal.

Inkastoo burburkii Somalia kadiba la kala tagey haddana 26June waxay kamid tahay maalmaha fara ku tiriska ah ee dib Somalia ugu jaleecdey berisamaadkii iyo berigii halka Calan la lahaa
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”