Ugaas Maxamed Duulane sentenced to 2 yrs in prison

User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Ugaas Maxamed Duulane sentenced to 2 yrs in prison

Post by Talo alle udaa »

XOL:Wararka naga soo gaadhaya caasimadda deegaanka Soomaalida ee Jijiga ayaa sheegaya in Ugaas Maxamed Duulane oo lixdii bilood ee u danbeysey ku xirnaa magaalada Jijiga ay xukun ku ridey maxkamadda deegaanka Soomaalida ee caasimadda Jijiga.

Ugaas Maxamed Duulane oo dhliyey guux badan ka abuurey jaaliyaadka dibadda iyo gudahaba ayaa ugu danbeyn maxkamadda deegaanku ku xukuntey muddo laba sano ah. Dad ehel ah oo warbaahinta Xaajo lasoo xiriirey ayaa ka biya diidey qaabka loosoo xirey markii hore iyo waliba markan danbe sida loo xukumayba.

Ugaaska Hooyadiis Canbaro Foos Islaan Cali ayaa todobaadkii hore ku geeriyootey magaalada Qabridahare iyadoo cimrigeedu kor dhaafey 110 sano waxaana isla todobaadkii tagay lagu aasey marxuumadda isla magaalada Qabridahare. Illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo Marxuumadda ehelkana samir iyo iimaan ha kasiiyo.
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Ugaas Maxamed Duulane sentenced to 2 yrs in prison

Post by Talo alle udaa »

Ugaas Maxamed Duulane oo laga sii daayay xasbiga
June 24, 2012 - Written by xaajo - Edited byxaajo

XOL:Warardagdag ah oo naga soo gaadhay magaalada Jijiaga ayaa sheegaya in Ugaas Maxamed Duulane oo muddo 7 bilood ku dhaw ku xirnaa magaalada Jijiga uu xoriyaddiisii dib u helay kadib markii xabsiga laga sii daayay isagoo xoriyadiisii dib u helay.


Xariga Ugaaska oo daafaha aduunka ka abuurey qaylo badan ayaa sii dayntiisu noqoneysaa warwanaagsan oo aad loo soo dhaweyn doono daafaha aduunka.

Ugaaska ayaa bishan dhexdeeda lagu xukumay laba sano oo xarig ah balse waxaa muuqata in cafis lagu soo daayay.

Xaajo.com
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”