Bal aan eegno haddaba gumaysitihii iyo ka horba sida habkay Somalidu isugu xirnayd… waxaan tuusale ahaan soo qaadanayaa Abwaano tixo ka tirshay isku xiraan shihii Somalida iyo habkay isugu xirnaayen dhul iyo ehel ahaan labadaba…
Xaaji Khaliif Aw-Axmed (Dhulbahante)
Suldaan duub leh daaraha khatiman, badaha duunkooda
Hawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,
Bal dayaay dad buu ii xiga, waana darafteeye!
Mareexaan haddaan wiil u diro, laysu soo durugye
Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu, webiga daanshoodo
Hadduu dirir xigaalkii ogyahay, igama daaleene.
Damta iyo dinnaagada horuu, kaa dul dhacayaaye
Allaylehe inaan deynahayn, duunka kaa haraye,
Haddii dalandal kaa fiigo waa, dooxanahayaaye.
Intaasoo isku dawladi anooy, dunida ii joogto
Markaan Dabacayuunow arlada, nabad ku daaqsiiyay,
Allaylehe inuu daawo furo, waa gun dalabkeede!
Cilmi Carab Cabdi (Dhulbahante)
Laacii kabaxa meel fog waa lagu hayaamaaye.
Haddaan anigu aan liito oon yaraha laalaado.
Meeshan iyo luuq baa tolkay ladani yaalaaye.
Liishaanka kaa yimid hadday laydhu kor u qaado.
Ay laliso wuxuu gaarayaa qoon libaaxyo ahe.
Mar haddii Suldaankii labaa soo lalabo weerar.
Sidii laxan baruuriyo hilbaha loo karshaad noqone.
Adaan lumin mar keliya yaan sidii aarka kuu liqine.
Jaamac Axmed Jaamac Gacmadheere(Isaaq)
Abtirsiinyo guudnimo haddii, la isu geed xaadhto
Gobta Reer Isaaq baan ahay, iyo gaanka xoogga lehe
Hadday qoloba gooni u baxdoon, gaar u kala qaado
Muusaha garkaa bari degee, guro fog baan sheegtay
Reer Maxamedkaa Geela leh, ee gudub degaan sheegtay
Samanaha xarrago gaanbiyee, lagu gartaan sheegtay
Guurtida Sanbuur iyo Cimraan, lagu go'aan sheegtay
Toljeclaha galbeed naga xigee, gobolkayaan sheegtay
Cumarkaa gardaafo iyo maag, wax u galaan sheegtay.
Geyigaa la kala leeyahee, guri san baan sheegtay
Abwaanadaasi waxay muujinayeen ciday yihiin iyo in dhulkun degaano lakala leeyahay ahaa(Geyigaa la kala leeyahee, guri san baan sheegtay) iyo hayb ahaan laysugu ciidmi jiray wax wada qabsi ahaana colaad iyo waxtarba beelba beesha ay isir ku raacdo lalahayd, Abwaanadaas mid kamid ah oo Dhulbahante ahaa waxuu afka ku dhuftay in Majeerteen, Mareexaan iyo Ogaadeen ay isku Dawlad ahaayeen (Intaasoo isku dawladi anooy, dunida ii joogto )
Halkaasna waxaad ka dhan dhansan kartaa in Qabiilada Somaliyeed isir raac ahaan isugu xirnaayeen meesha ay degaana haddii is xumaansi dhaco oo dhex maro laba beelood oo daris ah ay beelkastaa beesha ehelka yihiin isir ahaan isugu ciidmi jireen… waxaana kaaga muuqanaysa in laba beelood oo aan isir raac wadaagin aysan lahayn dhul ugaara labadaas beelood oo ay kaga go’an yihiin beelihii kale oo ay isirka la wadaageen…. tusaale ahaan Habar jeclo lama lahayn dhul ugaara Dhulbahante ama Warsangeli oo aan Isaaqa kale iman Karin, dhulkaasna Isaaqa dega Wajaale kama ka xigin Hartiga dega Qandala amase Daaroodka dega Jubooyinka.
Waxaa kaloo xusid mudan iyo in layswadiiyaba markay Taariikhdu ahayd 26 jun 1960 ee uu Britishku ka baxay Waqooyi Galbeed Somaliya waxaa la dajiyey Calankii Britishka waxaana laga taagay Calan kale, Calakaas kale ee laga taagay keebuu ahaa? Ma Calanka hadda ay isticmaalaan Somaliland buu ahaa mise Calanka buluuga ah ee Somaliya, Calankaas oo nashqadiisa iska lahaa Maxamuud Cawaale Liibaan oo ka soo jeeday Waqooyi Bari(Puntland) Somaliya… Haddii Calankaasi ahaa Calanka Somaliland hadda isticmaasho waa dhab Somaliland Dawladnimadaas ay sheegtaan, hadduuse ahaa Calanka Buluugga ah ee Somalida dhan u ah Calan waa Dhalanteed Dawladnimada ay sheegtaan.
Gabagabadii markaan eegno Gumaystihii ka hor Dawlad la yiraahdo Somaliland ma jirin, Markaan eegno Gumaystihii intuu joogay Dawlad la yiraahdo Somaliland ma jirin, Markii xornimada la qaatay iyana ma jirin Dawlad la yiraahdo Somaliland, Markaad eegto Magaca Somaliland wuxuu kulminayaa dhammaan Somalida oo dhan oo micnihiisu waa Dhulkii Somaliya. Markaad eegto Beesha arintaan Dawlad baanu ahaan jirnay oo haddana nahay faafisaa hadalkoodu maaha mid la rumaysan karo mar haddii ay beeshaasi hadba jiha saarayso isir ahaan meeshay ka soo jeedaan, Markaan eegno xuduudaha waxaa kala samaystay Britishka iyo Talyaaniga ee maamulo Somaliya oo lookala sameeyey ma jirin. Dhinac kastood ka eegtid Dawladnimada Somaliland ay sheegtaan waxay noqonaysaa DHALANTEED…
Gumaysitihii Ka Hor, Yaa Dawlad Aha?
Moderator: Moderators
- abdalla11
- SomaliNet Super

- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Gumaysitihii Ka Hor, Yaa Dawlad Aha?
Hawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Gumaysitihii Ka Hor, Yaa Dawlad Aha?
Gumaysihi ka hor dee cidi maanta dawlad ah uun ba xiligaas na dawlad aha only modern Statehood didn't exist as it does today like much of Africa.
Bal ana tix yar raaciyo
Carrawdaye haddaad Daahirow, Ciidagale gaadho
Nin calooleh baa qaadi kara, Caynka maansada'e
Waxaad sii carceertaba adoo, ciiro iyo boodhle
Togga ceerigiisiyo halkii, ceelashiyo Dhuurta
Iyagoo cammiranbaad Qaxwaha, la cabbi doontaaye
Adigaan cartaba laalinbaa, Caabbi kuu imane
Cige, iyo Birdhiiliyo Cayuun, Caalin iyo Qawdhan
Cabdi waxaad tidhaahdaa afkay, naga canaantaane
Carruurtay na maqashiin siday, ceebi nagu talle
Cosobkiyo hadduu geelayagu, Caado kor u dhaafo
Ogaadeen ciqaabkiyo nabsiga, iyo culuqu waw yiille
Iyagaba raggii caagganaa, looma caabudane
Cumar Dheere iyo baa la diley, culimadoodiiye
Cadad maleh intuu Reer Ugaas, cunay waraabuuye.
Markuu Cali ku maansoonayey, ee ciil la hoganaayey
Cabdilliyo Makaahiil miyaan, ciidan laga waayin
Miyaanaan Cammuud iyo Wardheer, calan ka laalaadin
Miyaannaan Biciidyahan cantaray, curub ka kawsiinnin
Miyaan Caliyo Haaruun ka qixin, cidhifki Laamaale
Cabaadkii Ogaadeen miyaanu, ciidda mari waayin
Cusbaale iyo Xananley miyaan, coodan lagu qaybsan
Miyaanaan caroofiga xeryaha, cayn walbuu gelinnin
Curdankiyo sagaarada miyaan, caydhu ku ekaannin
Intii aan Talyaanigu cammirin, cidhifyadaa kaynta
Miyaannaan cadceed iyo cadceed, celinnin Daaroodka
Ilaa Ceerigaabiyo nugaal, Caynabiyo Dhooddi
Ama cal iyo Buurdhaabo, iyo cidhifka Heegaale
Miyaanaan canshuurtuu la yimi, Caarshe kaga diidin
Miyaannaan Catooshii fadhiyey, cadho u liishaamin
Miyeydnaan caddaadley ogeyn, cabashadii joogtey
Daraawiish cabbaysani markay, bari ka soo ciirtay
Cali Geri markii ay watteen, caga badnii Shiikha
Miyaannaan wadaadkii cawarin, camalliyeynaayey
Cuqaashii miyaannaan ku layn, ceelkan gudihiisa
Caddiinkiyo kornayladu miyaanay, ciidda mari waayin
Gunbaa maalintii camalidoo, cararta goortaase
Miyaannaan caddaan iyo madaw, uunka wada ciilin
Miyaannaan curdeynada ku bixin, cara ku soo guura
Cadaawuhu Isaaq maalinbay, cuni lahaayeene
Ways caasinee iga wallaan, cirir na saarrayne
Cabbaar yar isma gaadhnoo intaa, waa ka culusnaaye
Cishiriin sanaanan reer tolkay, colugu dhaantayne
Bal ciyoon na suga uumiyii naga cabsoon waaye.

- FarhanYare
- SomaliNet Super

- Posts: 19081
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
Re: Gumaysitihii Ka Hor, Yaa Dawlad Aha?
that sentence that you quoted doesn't make sense at allabdalla11 wrote:Hawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,The Dhulbahante poet didn't think highly of our Hutu brothers
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 352 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 8 Replies
- 621 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 17 Replies
- 1208 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 2 Replies
- 445 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 2 Replies
- 470 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 2 Replies
- 400 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 2 Replies
- 370 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 5 Replies
- 541 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 4 Replies
- 502 Views
-
Last post by DawladSade