Amisom to speak in Afsomali very soon

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Amisom to speak in Afsomali very soon

Post by Khalid Ali »

WAR DEG DEG: Ciidamada AMISOM Oo Markii Ugu Horeysay Yeelanaya Afhayeen Ku Hadlaya Af Soomaali
7. juli 2012

Allpuntlnd.com

Afhayeenka cusub ee ciidamada AMISOM G/lle Dhexe Maxamed Aadam Xaamud ayaa waxaa lagu wadaa in uu la wareego xilka maanta.

Wararka ayaa sheegaya in maanta si rasmi ah loogu dhawaaqi doono in Afhayeenka AMISOM uu yahay maxamed Aadam Xaamud, isla markaana wixii xiligaan ka danbeeya uu ka warbixin doono arimaha AMISOM.

Sargaalkaan oo la sheegay inuu u dhashay wadanka Jabuuti ayaa maanta markii ugu horeysay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Cusub ee AMISOM ayaa wuxuu ku hadlaa Af Soomaali wuxuuna noqonayaa Afhayeenkii ugu horeeyay ee ciidamada AMISOM ee ku hadla Luuqada Soomaaliga.

Xilkaan ayaa waxaa horay u haayay Capt. Paddy Nkunda oo u dhashay wadanka Uganda.

Wixii faah faahin dheeraad ah goor dhow lasoco.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”