Askari aan diblomaasiyad aqoon uu lahayn kuwa gudoomiye ka dhigtay baa walan Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Moderator: Moderators
- Notorious13
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1113
- Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
- Location: Dhulkii Hawd
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Askari aan diblomaasiyad aqoon uu lahayn kuwa gudoomiye ka dhigtay baa walan - Notorious13
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1113
- Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
- Location: Dhulkii Hawd
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
I don't think kulmiye is expecting votes from there anyway lol.
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Muuse Biixi muxuu ka yidhi Sanaag? ma wuxu ka xanaaqay markii kulmiye hal mushaxarax xiitaa kasoo sharixi kariwaayay Ceerigaabo? Muuse Biixi gudoomiye rasmiya maahe waa ku meelgaadh. waydin arki doontaan inshallah sanadka danbe marka la gaadho e shirwaynaha xisbiga la qabto ayaa daaqada laga tuurayaa.madaxweyne siiraanyo ayaa xisbiga gudoomiye ka ah oo isasoo sharaxaya doorashada 2015.
- Notorious13
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1113
- Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
- Location: Dhulkii Hawd
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Waar Kulmiye it self is finished for Somaliland they can hold as many shirweyne's they want Somalilanders will not reelect a kumiye government.
- CaynabaX
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1732
- Joined: Fri Jul 15, 2011 12:28 pm
- Location: 82' In between Hayeeyaasha, Baalidhaye and Coodanle
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Kaliil Kulmiye miyaaysan 21 musharax todabaadkii hore Ceerigaabo ku soo bandhigin? Odaygii wasiirka gaashaandiga iyo wasiirkii Cali Barre ee Duulista hawada baa xafladaasi ka so qayb galay. Anigu garaan maaye wuxuu yidhi laakiinse it's pretty obvious that mudane Ahmed Siilaanyo is retiring from politics after his term. Gabadh yar oo uu rog rogo haa iska guursado deetana caanihii geela ee dhagaxdheer haa iska cabo. Waxaa loo baahan yahay "new faces" laakiinse waxaan filayaa inuu xisbigu labadani kolba gacanta is haya ina biixi iyo ina kahin inuu xisbigu ku aamini doono. waayo waa kii in ina biixi muftaaxi madaxweynimada Siilaanyo siyaay kolkuu Sacad Muuse xisbiga ku soo biiray.
Notorious13,
Kulmiye has still huge support all over the country, let it be in Saaxil, Burco or Hargeisa. so it's quite possible they gonna get re elected in 2015.
Damn I almost sound like guulwade khalid.
Notorious13,
Kulmiye has still huge support all over the country, let it be in Saaxil, Burco or Hargeisa. so it's quite possible they gonna get re elected in 2015.
Damn I almost sound like guulwade khalid.

- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Caynaba bal na tus meesha kulmiye kusoo bandhigay musharaxiinta? koley anigu maan arag oo dadkana qaar waxay sheegayeen inaanu kulmiye cidna kasoo sharaxin ceerigaabo. Anigaa ku leh e siilaanyo ayaa isasoo sharaxaya doorashada 2015.Muuse Biixi siilaanyo kursiga muu saarine sacad Muuse ayaa isbedel doonayey oo aad u taageeray siilaanyo markay Daahir Riyaale naceen. Muuse Biixi wax taageero ah kama haysto sacad Muuse.Ninka wasiirka maaliyada ah e Cabdicasiis Samaale ayaa ka taageero badan Muuse Biixi isagana wasiirka maaliyada ayaa laga dhigay markii la arkay inuu kursiga madaxweynaha hungureeyey. Muuse Biixi wuxu rabay berigii dhowayde shirweynaha xisbiga la qabanayay ina la doorto musharaxa laakiin siilaanyo wuu diiday oo wuxu yidhi doorashada deegaanka kadib uun hala doorto musharaxa.wuxu rabaa doorashada deegaanka kadib inuu yidhaahdo anigaa musharax ah waayo hadduu xiligan sheego inuu musharax yahay xisbiga khilaaf ayaa ka dhex bilaabmaya oo inay doorashada deegaanka ku dhacaan ayaa dhici karta.
- Ina-Geel_Wase
- SomaliNetizen

- Posts: 855
- Joined: Thu Sep 07, 2006 2:19 am
- Location: God Save The Queen.
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Jamal Ali Hussein 2015
.............insha allah......lets hope Ucid comes out 1 of top 3 parties in local elections.
muuse biixi...........askari badow ah............we dont need askari badow in 21st century.
cirro...........miskiin..........he doesnt look presidential.
muuse biixi...........askari badow ah............we dont need askari badow in 21st century.
cirro...........miskiin..........he doesnt look presidential.
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Ceerigaabo Mayor Responds To Muse bixi
Wasiir Samaale Oo La Sheegay Inuu Madaxweynaha U Bandhigay Qorshe Uu Doonayo Inuu Kulmiye Iskaga Sharaxo Jagada Madaxtinimada
Tibaaxo kale ayaa sheegaya in wasiirka Samaale damaciisa qoraal ahaan ugu gudbiyay Madaxweynaha.....
Hargeysa (GNS) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale ayaa la sheegay inuu bilowgii toddobaadkan uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) u bandhigay damac uu ku doonayo inuu xisbiga KULMIYE iskaga soo dhex sharaxo jagada Musharaxnimada Madaxweynaha.
Sida ay tibaaxo hordhac ah oo laga helay xubno ku dhowdhow Madaxtooyada iyo Wasiirka Maaliyaddu sheegeen, Wasiirka Maaliyadda ayaa qorshihiisan waxa uu u gudbiyay kulan toddobaadkan bilowgiisii ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada, kaas oo sida ay ilaha warkan laga helay sheegayaan ay labada masuul kulankooda wakhti dheer ku lafo-gureen damaca musharaxnimada ee Samaale u soo qadimay Madaxweynaha, hase yeeshee ma jiraan xog intaas dhaafsiisan oo la xidhiidha kulankan ay Madaxweynaha iyo wasiirkiisa Maaliyaddu kaga wada hadleen qorshaha musharaxnimada Madaxtinimada KULMIYE, maadaama si aad ah looga shaqeeyay inaanu warka kulankaas ku saabsani dibadda u bixin.
Tibaaxo kale ayaa sheegaya in wasiirka Samaale damaciisa qoraal ahaan ugu gudbiyay Madaxweynaha, Islamarkaana, Madaxweynuhu isku dayey inuu Sheekh Cabdi-Casiis oo ay saaxiibo isku dhow ahaayeen tobankiisa sannadood ee u dambeeyay ku qanciyo inaanu wakhti xaadirkan arrintaas maskaxdiisa ku mashquulin, balse uu dedaal ka galo sidii uu wasaaradda Maaliyadda ee uu hadda wasiirka ka yahay iskugu duba-riddi lahaa, maadaama uu muddadii uu xilka wasaaraddaas hayay dhexda u xidhnaa siduu Miisaaniyadda sannadka 2012, taas oo uu ka tegay wasiirkii hore ee Maaliyadda ee lagu bedelay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ahaydna tii ugu badnayd taariikhda Somaliland, sidaas darteedna laga rabo sidii ay isku xidhi lahayd kharash iyo dakhligeeduba, isla markaana Miisaaniyadda dawladda 2013 oo noqonaysa tiisii ugu horeysay ee intii uu xilka wasiirka Maaliyadda hayey uu sameeyo ay u noqon lahayd mid intaas ka sii korodha.
Siddaas oo ay tahay Ilaa hadda ma cadda in Madaxweyne Siillaanyo taageeray damaca Samaale ee ah inuu isku soo taago jagada musharaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE iyo inuu arrintaas ka soo horjeestay, kuna qanciyay Sheekh Cabdi-Casiis inuu dib u dhigto isa-soo-sharaxidiisa, hase yeeshee waxaa beryahan dambeba soo baxbaxay tuhuno sheegaya in Madaxweyne Siillaanyo laftiisu qorshaynayo inuu mar kale noqdo musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE u tartami doona doorashooyinka Madaxtinimada ee marka ay dhammaato muddada xilkiisa ee shanta sannadood ah, taas oo haddii ay dhab tahay inuu Madaxweyne Siillaanyo qorshaynayo inuu mar kale jagada madaxweynaha Somaliland u tartamo, aanay suurto-gal ahayn inuu taageero damaca wasiirkiisa Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.
http://www.gabiley.net/pages/tDetails.p ... audioFile=

Kaliil,
Wallee inaadeer, I highly doubt that Siilaanyo is gonna run for another term, hes 76 years old and nearly 80 when his term comes to an end. 5 sano kale ku dar hadduu 2015 guuleysto, 90ka ayuu ku socda kolkaas. Anigu waxaan filayaa in ay 2010 kii ba kolkuu Siilaanyo madaxtinamada ku guuleystay in ay kolkaasba heshiis galeen oo lagu heshiiyay inuu ina biixi 2015 isku soo sharxo madaxweynimada deetana ina kaahin ku xigeen laga dhigo, dee waa labadan kolba Siilaanyo u maydhee. I guess it paid off. I still think that Kulmiye has the support of the majority regarding Sacad Muse, laakiinse beryahanba waan maqlayay dhawr oo Wadani u goostay. HJ siday 2010 Kulmiye uga rideen uga ridii mayaan baan filayaa, Xisbigii Sacad Muse ayaa loogu tagey.
Anigu gebigeeduba waan ka soo horjeeda in ay raggii dalka u soo halgamay maanta siyaasadu dhex galaan. The likes of Ina Biixi and Ina Kahin are just not made for politics.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 1925 Views
-
Last post by HaragWafi85
-
- 44 Replies
- 3901 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 1 Replies
- 873 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 1 Replies
- 1222 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 6 Replies
- 1720 Views
-
Last post by kaliil
-
- 0 Replies
- 642 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 8 Replies
- 1274 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 2 Replies
- 1365 Views
-
Last post by Timiro1999
-
- 33 Replies
- 6132 Views
-
Last post by Sauron
-
- 24 Replies
- 3888 Views
-
Last post by xiimaaya