Masuul UDUB Ka Tirsanaa Oo Maanta Ku Biiray Urur Siyaasadeedka Wadani
Hargeysa (Ramaas) Sept 26,2012 - Wakiil hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Shiinaha Axmed Xasan Cigaal, ayaa shaaca ka qaaday in uu ka baxay xisbiga UDUB oo uu ka tirsanaa muddo dheer, isla markaana uu si rasmi ah ugu biiray urur siyaasadeedka WADDANI.
Danjire Axmed Xasan Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel-ka Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ka mid noqdo ururka WADDANI, ka dib markii uu burburay xisbigii uu ka tirsanaa.
Waxa uu sheegay ururka uu ka mid noqday aanuu ku dhisnayn nidaam qabyaaladeed , isla markaana uu dalka u hogaamin karo si cadaalad ah “Aniga oo ah Axmed Xasan Cigaal , kana tirsanaa xisbiga UDUB muddo dheer, waxa aan muddo burburkii ku dhacay xisbiga UDUB ee aan eegayay ururada Somaliland iyo axsaabtii hore ee Qaranka , intaanaa aan u eegayay keebaa danta dalka , dalka iyo maslaxada gooni isu taaga Somaliland khayr u leh , markii aan odorasay ee aan barnaamijkooda akhriyay , waxa ay ila noqotay ururka hadda halganka ku jira ee WADDANIGA la yidhaahdo in aan ku biiro ayaan go’aansaday”ayuu yidhi Axmed Xasan Cigaal.
Waxa kale uu sheegay in uu ku rejo weyn yahay in murashaxa xisbiga UDUB Cali Maxamed Waran-cade oo ay rafiiq ahaayeen muddo dheer in uu ku biro ururka WADDANI “Marka ay arrini dhacdo dadku wuu kala jaan fudud yahay , waxa aan umalaynayaa dagaal dhacay baaba la kala jaan fudud yahee nina uu hore u gala nina jilibka meel ku soo aastaa , in uu nagu soo biro ayaanu Ilaahay ka rejaynayaa”
Ramaasnews Desk
Hargeisa
http://ramaasnews.com/index.php/News/Ne ... adani.html
Former UDUB man Axmed Xasan Cigaal joins WADANI party
Moderator: Moderators
Former UDUB man Axmed Xasan Cigaal joins WADANI party
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 2180 Views
-
Last post by BankiiTuuyo
-
- 30 Replies
- 31281 Views
-
Last post by Polus
-
- 73 Replies
- 5207 Views
-
Last post by Ben Dover
-
- 3 Replies
- 936 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 4 Replies
- 651 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 56 Replies
- 3602 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 0 Replies
- 320 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 5 Replies
- 1615 Views
-
Last post by AbdiJohnson
-
- 1 Replies
- 712 Views
-
Last post by Sakhraan

