breaking news: kenyan army starts withdrawing from somalia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

breaking news: kenyan army starts withdrawing from somalia

Post by grandpakhalif »

Dowladda Kenya oo sheegtay inay Qayb ka mid ah Ciidamadeeda AMISOM ka tirsan ay kala baxayso Soomaaliya


Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in cutub ka mid ah ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM ay kala baxayso koonfurta Soomaaliya mar halkaas la geeyo ciidamda ka socda dalka Sierra Leone.

Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Cyrus Oguna ayaa sheegay in ciidamada loogu talogalay inay ka howgalaan Koonfurta Soomaaliya ay gaarayaan 4664 askri dhammaantoodna ay Kenya geystay, balse ay la baxayaan haddii ay soo gaaraan dalka Ciidamada Sierra Leone.

“Heshiiskii is-afgaradka ahaa ayaa wuxuu dhigayay in Kenya ay ciidamada looga baahan yahay Koonfurta Soomaaliya geyso, markii ay ciidamada ka socda Sierra Leone yimaadaanna ay kala baxdo tiro le’eg ciidamada la keeno,” ayuu yiri Col. Oguna.

Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa la sheegay inay ka howgeli doonaan Koonfurta Soomaaliya ayna ka barbar shaqeyn doonaan kuwa ka socda dalka Kenya oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

Qaybtii ugu horreysay ciidamada Sierra Leone ayaa soo gaaray Muqdisho shalay sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM, kuwaasoo la sheegay in marka lasoo dhameystiro si toos ah loogu qaadi doono Koonfurta Soomaaliya si ay halkaas uga howgalaan.

Dhanka kale, Col. Oguna oo wax laga weydiiyay maamul u sameynta Jubbooyinka oo la sheegay inay gacanta kula jirto dowladda Kenya ayaa taas iska fogeeyay, wuxuuna sheegay in howshaas ay waddo IGAD ayna meel wanaagsan marayso.

“Ciidamada Kenya wax lug ah kuma lahan howshaas, waxayna Soomaaliya u joogaan howlo milateri ee mid siyaasadeed uma joogaan, balse waxaan kuu sheegayaa in howshaas ay wataan dadka deegaanka meel fiicanna ay u marayso,” ayuu yiri Col. Oguna.

Dalka Sierra Leone ayaa wuxuu noqonayaa dalkiii shanaad oo ciidamo qayb ka noqda AMISOM ku yabooha, iyadoo ay horay ugu yabooheen ciidammo dalalka, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: breaking news: kenyan army starts withdrawing from somal

Post by original dervish »

From what I can make out....Kenya will only be withdrawing one battalion.
The Sierra Leone contingent of 850 soldiers will be working alongside the some 4000 Kenyans.

I would like to see the Ethiopians withdraw, just to see Hassan Sheikh shit himself. :D
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”